SALLAAMADDA SIYAADEED EE GOBOLKA SANAAG W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

Iba-furka Kooban

Gobolka Sanaag waa mid ka mid ah 18 gobol ee Soomaaliya kana kooban shan degmo oo magaalo madaxdu ku jirto oo kala ah Ceerigaabo, Laasqoray, Badhan, Ceel Afweyn iyo Dhahar. Gobolkaas oo leh Bad, Banaan, iyo Buuro oo ku xira afar gobol oo Soomaaliya sida Bari, Sool iyo Togdheer, iyo Waqooyi Galbeed.

Gobolka Sanaag waxa uu noqday sida silsiladda Golan, arrintaas oo keentay sheegashada maamul ee nidaamyada Soomaaliland, Puntland iyo Khaatumo oo kusoo biirtay miiska sheegashadda mudo dhawayd. Marxaladahaasi oo horseeday in bulshada deeganadaas masiirkoodu noqdo qaybi oo maamul sidii gumaystihii reer Yurub u kala qaybiyey waddamadii uu gumaystay, saldhigiisuna ahaa in koox ka mid aha bulshada deegaankaas in talada gacanta loo geliyo, ummadda inta kalena loo addeegsado laguna jaa’ifeeyo masiirkooda, dantooduna tahay dano gaara fulintooda. 

Soomaaliland iyo 1991-kii

Dhisitaankii nidaamka Soomaaliland ee 1991-kii laguna dhisay shirarkii Burco ilaa Boorame oo qorshuhu ahaa helitaan maamul oo lagu doonayo danta beelaha hanti ahaanta u leh Soomaaliand. Muhiimadoodu oo ahayd helitaan aqoonsi iyo goonigoosad gebi ahaan Soomaaliya. Soomaaliland gobolka Sanaag waxa u yaala sallaan ay rabto in ay ku hesho aqoonsi u horseeda dal ka madax banaan Soomaaliya.

Puntland iyo 1998-kii

Puntland oo ka mid ah maamulada Soomaaliyeed lana aasaasay sanaddii 1998-kii laguna dhisay shirarkii Qardho ilaa Garowe, qorshaha mulkiilayaasha maamulkaas oo ahaa raadinta awoodii siyaasadeed ee la waayey sannaddii 1969kii dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake, nasiib wanaagse la helay sananddii 2004-tii oo Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed lagu soo doortay waddanka Kiiniya magaaladda El-doorat. Muhiimadda ugu weyn ee gobolka Sanaag ee Puntland waa in lagu doon-doono oo lagu ilaaliyo arrimaha siyaasigaha ee hantiliyaasha maamulkaas oo weliba laga dhigto sallaan lagu soo gaaro Xamar mataladda gobolkaasi leeyahay.  

 

Maakhir 2007-dii ilaa 2025-ka

Aasaaskii nidaamka maamul goboleed ee Maakhir waxa uu soo biloowday 2007-dii oo aqoonyahan, siyaasiyiin, dhalinyaro, qurba-joog iyo haween reer Maakhir dhexda u xirteen hirgalinta nidaamkaas, dawladdaas oo aan si rasmiya u hano-qaadin curyaaminteediina gacamaha ugu badani ahayeen dadyow kasoo jeeda deegaanadaas oo shaqaynayey maamuladda Puntland iyo Soomaaliland oo lugaha ku dhagey, naafeeyeyna arragtida dadweynuhu maanta u hamuun qabaan. Madaxweynihii ugu horreeyey ee maamulkaas waxa loo doortay Col Jibriil Cali Salaad, waxa ayaguna qeyb ka ahaada siyaasi Axmed Guure iyo hal-door kala oo reer Sanaag ah. Col Jibriil Cali Salaad dabadiis waxa dhacay labo maamul oo mid ku meel gaar ahaa laga doortay Cabdiraxmaan Dhoore sannadu markii ay ahayd 2024-kii. Doorasho uu qabtay nidaamka uu hormuudka u ahaa Cabdiraxmaan Dhoore waxa lagu doortay Siyaasi Cali Axmed Faatax oo la doortay sanadka 2025-ka, waxanna doortay xubno ergo ah. Hoggaamiye Cali Axmed Faatax waxa uu soo dhisay golle wasiiro oo guud ahaan dadyowga ku dhaqan deegaanadda Ceerigaabo, Laas-qorey, Badhan iyo Dhahar kasoo muuqdeen, hase ahaate nidaamkaas waxa maanta jiidaya oo hagar-daamo ku haya siyaasiin iyo haldoor kasoo jeeda deegaankaas u shaqaynaya Puntland, Soomaaliand iyo qolo cusub oo sida qolyahaas u shaqaynaya Khaatumo in dadkan iyo deegaankan lagu daro si looga raadiyo ribix siyaasiya oo la mida waxa hadda lagu joogo Hargeysa iyo Garowe. Mudda Maakhir waxa dalka laga dhisay afar maamul goboleed oo kala ah Galmudug, Hirshabelle, Jubaland, Konfur Galbeed iyo Khaatumo guud ahaan maamuladaasi waxa ay ku dhismeen doonis dadkooda.

Dhibaatada ku habasatay maamulka Maakhir waa dadkiisi oo aan u arag sida hantiilayaasha Puntland, Soomaaliand iyo Khaatumo u iimansadeen nidaamaydooda maamul. Aaminan la’aanta hal-doorka, siyaasiyiinta, iyo isimadda dhaqan. Kolka xaaladu halkaas joogto waxa maankaygu kusoo dhacay oraahdii soomaaliyeed ee ahayd “Hal ninkii lahaa ruqunta hayo ma kacdo” .

“Haddad Dhimato Geeridu Marbay Noolosha Dhaantaaye

Dhaqashiyo Mar Bay Ka Yihiin Dharaggu Xaaraane

Dhedigaansho Waa Ceebi Inaad Dhamagsataa Meele

Dhadhan Malah Aadmigu Wuxu Kugu Dhalliilaaye

Nin Dharbaaxo Qudheed Dugsaday Dhaqayadeed Maalye

Dhashaaday Sugtaa Xaajadaad Dhawrataa Abide” 

Abwaan Salaan Carrabey


Khaatumo iyo 2025-ka

Khaatumo oo dhawaan Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu u aqoonsaday maamulka ugu da’da yar ee Soomaaliya, laguna aasaasay go’aamadii odayaasha dhaqanka ee reer Khaatumo Febraayo 2023-dii. Khaatumo oo dhankeeda sidata sallaan kasoo oo ujjeedadiisu tahay dhamaystirka nidaamkooda maamul oo keliya.  

Dhabtuse waa go’aanka rasmiga ah ee gobolka Sanaag waxa leh bulshadda sadex meelood labo meelood oo gobolka ah degan, sida walaalaha Khaatumo u jaan-gooyeen masiirka degamadda Caynabo ee ka tirsan gobolka Sool. Si walba oo aad deegaan ugu leedahay gobolka Sanaag go’aankiisa rasmiga waxa leh cida ugu balaaran ee gobolka degta.  

Hal-door Habqana 

Bulshadda ku dhaqan Sanaag waxa ku habsaday dhibaato aad u weyn oo ah hab-qaban kasoo foofaysa hab-fikirka hal-doorka, aqoonyahan iyo dhalinyarada deegaankaas oo masiirkii bulshadaas marba meel ula kacay si loo raadiyo nafis aan ka turjumayn baahiyaha dhabta ee dhulkaas ka jira. Dhibaatooyinka mudadan soo if-baxaya waxa ka mid ah, aqoonyahan hor-boodaya masiirka ummadooda doonistooduna tahay in xalka deegaankoodu ku jiro deegaan kale oo aan la duruuf iyo marxalad aan ahayn, sifaha silooni waa raadinta xal waara ee mahan xaajo lagu xirmo oo albaabadeedu soo oodmaan sidii kuwii hore oo kale. Dhibatooyinka kugu dhacay in aad si shakhsi ah ugu falceliso ma horseedo horumar iyo horu-socod bulsho xaqiiqdu dhibaato looga gudbaa waa hab-fikir toolmoon. 

Dhanka kale waxa jira aqoonyahan doorkoodu noqday inuu naqdiyo doodaha dhisitaanka Maakhir, hal-doorkaas habqanka ah oo ku sugan magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa oo door bidaya joogitaan jabadkii horey lagu jabay. 

Abwaan Salaan Carrabey oo si foolaadnimo qoto dheer ah uga faalooday la-haanshaha aaddamaha u gaarka ah, waxa uunna maansadiisa udub-dhexaad uga dhiga bayd cajiiba ah “Midigtaadu waxa xoogsataa maydha gaajada’e”

“Madhax ma leh aadmigu wuxuu, kuu mitamiyaaye

Macaluul wax kaagama taraan, maal laguu guraye

Midigtaadu waxay xoogsataa maydha gaajada’e 

Marke aanad lahayn looma lulo, maanka waligaa’e

Maggaabadda hashaadaa ka roon maydhanaan kale’e”

Abwaan Salaan Carrabey


Doorka Toolmoon ee Hal-doorka Sanaag

Si looga gudbo caqbaddaha bulsho, siyaasi, iyo dhaqaale ee ku habsaday bulsha weynta ku dhaqan degmooyinka Ceerigaabo, Laas-qorey, Badhan iyo Dhahar ee Gobolka Sanaag waxa loo baahan yahay in si quman oo qumaatiya loo qaabeeyo qalafsanaanta horseeday kala qubqubnaanta bulshada Sanaag. Hal-doorka deegaamadaas waxa looga baahanyahay in meel layska dhigo doonista danaha dadyowga shisheeye ama sukeeye sababtoo ah danta reer gaar ah kuma rarto guri silloon. Xaqiiqdiina magaacagu yuusan noqon mid ku dhigan dhigaalada lagu xardho dadyowga ka shaqeeya danaha bulsho aan la dan ahayn. Mudooyinka dambe hal-doorka ama aqoonyahanka Sanaag waxa nafis laga raadinaya guulaha ay gaareen walaalaha Khaatumo oo dhabtii loo arko in isku dan la yahay. 

Runtii bulshada Sool iyo Sanaag isku dan maahan oo haddii horrey loo wada joogay jabadaydii SNM iyo SSDF maanta Khaatumo waxa ay jiifta bandar saliima oo deegaanada dhulbahante waxa taladooda go’aamiya madaxda ay doorteen. Khaatumo kama duwan Puntland iyo Soomaaliland sababtoo ah waxa ay ku dhisantay sidii lagu yagleelay maamuladaas oo ah dagaalo la mida kuwii SNM iyo SSDF galeen. Haddii aad fursad u aragto kuraas siyaasiya, dhul lagu muransan yahay oo Sool looga baxayo waa amuuro aan loo meel dayin. Haddii aqoonyahanku u arkay dhibtii lagala kulmay Hargeysa iyo Garowe in looga bixi karo aadista Laascaanood waa fajac iyo amankaaga ku habsaday hal-doorka Sanaag. 

“Magacaagu Yuu Noqon Mid Xumaan Ka Marag Kaca

Sida Macawisaha Qaar Ninba Maali Yuu Xidhan

Hadba Kii Muurado Leh Ha Uga Dhigin Maqaarsaar

Mar Waxaad Dhandhamisyo Mijin Qaada Hawdhiman

Hana Talin Masiibiyo Wax Makhluuqa Kala Dila

Maskaxdaadu Yey Noqon Maqal Lagula Leeyahay

Yaan Toban Muftaax Iyo Lagu Furan Masaabiir”

Abwaan Ibraahin Gadhle

Bulshada ku dhaqan dhulkaas hodanka ah waxa ay u baahan yihiin maamul ay hanti u leeyihiin oo laysku geeyey maskax, maal, iyo muruq ba si la mida maamulada dalka ka jira haddii deegaan kula mida ku dawladeeyo waxba kama duwan dhufsanayaashii oolaa Hargeysa iyo Garowe, Qarniga 21-aad oo maray muddo ku siman 25 sanadood in lagu jabo meeshii lagu jabay 1991-kii (aasaaskii Soomaaliland)  iyo 1998-kii (aasaaskii Puntland). Hadii hu aadan lahayn ku dhaxan tirayo waxa bulshadaaas dhaxan tiri lahayd Hargeysa iyo Garoowe kaliya waxa aad dabayalaha, iyo dhaxanta aad kaga gaban kartaa hooyga aad leedahay, hala iimaansado deegaanada Sanaag iyo Bari ee Bulshadaasi degto.  

In aad Hargeysa iyo Garoowe joogta ma xalin karto dhibaatada dhabta ah ee ka jirta dhulkaaga, la noolanshaha reerayowga dhistay deeggaankooda waxa aad tahay dul-saar, si dhaba maalin aan dheerayna waxa laguugu fiiqi doona indhahaaga, si lagu tuso tabartaada. 

Dhaqan Dheeliyey

Bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag waxa ay leeyihiin dhaqan soo jireena oo guyaal iyo guyaal fara badan ka talinayey gobolkaas, dhaqaankaas oo la xaajoon jiray awoodihii shisheeye sida gumaystihii Ingiriiska oo u aqoonsanaa Sultanate Warsangali kana talin jiray guud ahaan gobolka iyo deegaamo kale oo ka baxsan Sanaag.

Awooddii dhaqan ee Gobolka Sanaag waxa ku timi dheeli, horseeday dhibaatooyinka gobolku ku jiro oo ugu horreeyaan dhaqan dhexdooda dagaal ba’ani ka jiro. Hardankaasi u dhaxeeya dhaqanka bulshadda gobolka Sanaag waxa uu horseeday in gobolku u dhaxeeyo labo maamul oo aan midna u diyaarsanyn in gobolkaasi helo dhammaan xaquuqihii horumarineed uu lahaa, kaga darante labada maamul waxa ay heshiis buux ku yihiin in deegaankasi noqdo dhul lagu muransan yahay. Tusaale buuxa haddii haa’yaddaha caalamiga ka hawl-galaan gobolkaasi waxa si degdega uga jawaabaya labada maamul ilaa heer la gaaro in shaqadii horumarineed laga joojiyo dhulkaas.

Hannaanka Toosan Ee Dhaqanka Sanaag Looga Baahanyahay

Arrimaha sida waafiga u horseedi karaa xasilooni maamul iyo nidaam hano-qaada oo dadka deegaankaasi leeyahay waxa si biyo-kama dhibcaana u horseedi karaa isimadda dhaqanka, cuqaasha, iyo guurtida gobolka Sanaag oo si siloon uga fakara masiirka toobboon ee deegaankoodu u bahan yahay, xaqiiqdu waa in aan horumarka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee gobolka Sanaag uusan ku jiran gacmaha Soomaaliland, Puntland iyo Khaatumo ee ay ku jirto gacanta bulshadda ku dhaqan gobolka Sanaag oo si rasmiya u jaan-goyn karaa masiirka dadyowgaas.

Haddii la helo isimo, cuqaal iyo guurti aan dano gaara ka jeedaalin ujeedooyinka gobolkani u baahan yahay sida helitaanka nidaam maamul oo ka madax banaan nidaamayadii hagar-daameeyey gobolka Sanaag oo ay ugu horeeyaan Soomaaliand iyo Puntland.     

“Yaan Dulqaadku Kaa Dhigin Qof Damiirku Meyd Yahay

Fudaykuna Adoo Dagan Magacaaga Yuun Dilin

Hayeeshee Duntaadiyoo Inaad Tahay Qof Daacada

Adigoon Ku Daalayn Dadka Kale Ka Dhaadhici 

Dabcigaagu Kaad Tahay Haku Sheego Dabadaa”

Abwaan Xasan Laab-saalax

 

Siyaasi Aan Siloonayn

Guud ahaan siyaaasiyiinta kala duwan ee saaxadda siyaasadda ku matala dadyowga ku nool mandaqadda Sanaag oo si weyn uga aradan hirgalinta danaha masiiriga ah ee bulshadoodu u baahan tahay intooda badan shaqadda ugu weyni waa dano gaara oo aan dhafsiisanayn guriyahooda. 

Siyaasiga kasoo Gobolka Sanaag ma leh arragti iyo hab-fikir toolmoon oo lagu hago hannaanka maamul dooniseeda ee bulshadda uu matalo. Matalaadoodu waxa ay noqotay qancin cid gaar ah iyo weliba danaha dadkyoow aan la dareen, damqasho iyo dookh toona aan la ahayn.

Casrigan hadda la jooga hanaanka maamul ee Soomaalidu wuxu noqday noolayso ninkaaga oo dhammaan amuurihii dadweynaha Soomaaliyeed waxa kasoo horumaray fulin dano qoyseedka oo kaalin weyn ku yeeshay saaxadda dhaqaalaha iyo siyaasadda. Arrintaasi waa jaa’ifo aad u weyn oo burburisay rajadii kumanaan Soomaali ah horseedayna taariibka xaragaha goostay oo bulshadii Soomaaliyeed joogista dhulkooda hooyo ka doorbideen abaarista baddaha iyo saxaraha aan lahayn samata bax silic mooye. 

Hawshaasna waxa hor-boodayq hoggaamiye aan ku hubaysnayn aqoon, xidaarnimo, xadaarad, xirib iyo xeeldaysi oo keliya gabaadkiisu yahay cadaalad daro, fahan la’aan, iyo noolow adigu ama qoyskaaga. 

Siyaasiyiinta reer Sanaag waxa iyaga u sii dheer siyaasad aan lahayn himilo iyo aragti toolmoon iyo talo togan. “Dhammaantood waa daalan yihiin waxana ay kusoo daalin dhaaminta awrar lagu furayo guryo kale”. 

“Marka Deeq Lagu Huray Tahay Hooo Idaba Soco

Dookhaagu Waa Dhookh Nin Ku Diley Kiraystee

Yaan Duunyo Xilashadu Kaa Ridin Daluuntoo

Duruufuhu La Haystiyo Wax Ma Diido Kaa Dhigin

Danlay Iyo Adoon Noqon Baahi Ruuxa Lagu Dago

Marna Doonis Ruux Kale Ha U Galin Dunuubtoo

Dadka Haysku Waayina Fusho Taada Daayacan”

Abwaan Xasan Dhuxul (Laab-saalax)

Foolaadnimada Looga Baahan yahay Siyaasiga Sanaag

Siyaasiga talo samaha ee la dareenka ah dadkiisa waxa looga baahan yahay in si dhaw oo dhugmo san u dheegto danaha dadkiisa gaar ahaan horumarin dhaqaalaha, siyaasad leh masiir fog, hagista bulshada, arrimahaas oo dhan waxa dhamaystir karaa hab-fahanka iyo waayo-aragnimada hoggaanka doonaya weelaynta waayaha dadkiisa

Siyaasiga kasoo jeeda gobolka Sanaag gaar ahaan degmooyinka Ceerigaabo, Laas-qorey, Badhan iyo Dhahar waxa looga fadhiya hagista iyo hirgalinta himilooyinka hagagsan ee dadkaasi hibanayaan oo ah helitaanka nidaam maamul oo la mid ah maamulada dalka ka jira ee mahan midnimooyinkii horey lagu madhay.

Siyaasiga foolaadka ee bulshada dhexdiisa ku leh maqaamka siyaasadeed ee kasoo jeeda mandaqadaas waa innuu si furan u abaara hirgalka doonista dadkiisa una ban-baxo sidii madaxda Soomaaliyeed ee hirgaliyey himilada dadkooda qaybtood u qaanteen qori, halka kuwa kalena ku dagaalameen qalin caaradiis, hase ahaate dhab ahaanshuhu waa masiirka dadka oo loo ban-baxo.

Qurba-joog Kala Quban

Qurba joogta kasoo jeeda gobolka Sanaag ee ku dhaqan wadamada reer Yurub, Waqooyiga Ameerika, Ustureeliya, wadamada Carabta iyo Afrika waa kuwo ku milmay dhibaatooyinka gudaha ka jira oo qolo qolo u fadhiya, hab-fakarkooduna qaloocan yahay oo shaqada ay qabanyaan ku dhisa dareeno ku jaan-goan cadiif socota maalmo kooban.

Qorshaha Quman ee Qurba-joogta Looga Rabo

Qurba-joogta mar waa dhibanayaal u jiraban dareenada gudaha ka jira hase ahaate waxa wanagasanyd in ay maareeyaan oo maamulan qorshayaasha deegaanku u baahan yahay sida siyaasada, dhaqaalaha, arrimaha bulshada oo dhaqaalahoodu ku bixiyaan qorshayaal quman oo qumaatiya qaabayn karana quruxada nolaleed ee qoomiyadooda.

Dhaqaale kuma baaqdo gacamaha qurba joogta hase yeeshe wuxu ku baxa qorshe la’aan, sido kalena wuxu ku dhacaa gacmo aan diyaar u ahayn hirgalka himilooyinka bulshada gudaha iyo dibada ku nool. Dhaqaalahaas waxa loo baahan yahay inuu noqdo mid si toosan u dhisan doonista dadka.

Kala Qaybsanaanta Cudud Ciidannimo Ee Sanaag

Deegaannadda Ceerigaabo, Badhan, Laas-qorey iyo Dhahar waxa ay gaar u leeyihiin cudud ciidannimo oo baaxda weyne hase ahaate waxa ku habsaday dhibaato aad u weyn oo horseedkeedu yahay maamuladda Soomaaliland iyo Puntland oo si biyo kama dhibcaana u wiiqay cududa ciidamadaas. Hannaanka lagu kala qaybiyey waa mushahar ama bil-goosi taasi oo cadaw isaga dhigtay saraakiishii wada dhashay, arrintaas oo meesha ka saartay difaaci iyo ilaalintii soohdimaha deegaankaasu leeyahay ilaa maanta oo la joogo in shacabkii deganaa magaaladda Ceerigaabo si bareera looga soo saaray guriyahoodii.   

Ciidan Cuudoon Oo Difaaca Sanaag

Saraakiisha deegaankas waxa looga baahan yahay hannaan wadajir iyo midnimo ciidannimo si loo muujiyo cududa ciidamadda kala duwan ee difaacoodu yahay gobolka Sanaag, dib-u-qabaynta cududaasi waxa ay horseed buuxa u tahay himilooyinka bulshadda ku dhaqan gobolka Sanaag ee helitaanka nidaam maamul oo ay gaar u leeyihiin. Dhanka kale cududa ciidamadaasi waa derbiga ama gidaarka ilaalin karaa sharafta, karaamadda, iyo wanaag bulsha weynta ku dhaqan deegaanadaas aan kor ku xusay.

“Marka Damaca Qayrkaa Yahay Duni Dhan Maaree

Adna Maaha Dib Uguur Oo Hankaaga Duuduub

Darajadda Wax Kaa Xiga Oon Dadaal Ahayn Sheeg”

Abwaan Xasan Dhuxul (Laa-Salaax)

 

Gunnaanad 

Bulshadda ku dhaqan gobolka Sanaag waxa ay xaq u leeyihiin in si biyo kama dhibcaana loo garab joogsado nidaamka maamul ee Maakhir, si dadkaasi ugu baxaan dhibaatooyinka maamul ee ku habsaday muddo ku siman 34 sanandood oo dalku burbur ku jiray, waa mid ka mid ah bulshooyinka xaqa u leh helitaanka nidaam maamul goboleed, hase ahaate dhabtu waxa ay tahay helitaanka maamulkaas in ay aaminaan qaybaha kala duwan ee bulshadda sida isimadda, cuqaasha, guuritida, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, haldoorka, ganacsatadda, dhalinyaradda iyo haweenka reer Maakhir oo si waafiyana looga waantoobo sacabo garaacista maamulo la mid ah Maakhir, oo bulsho isku tashatay ay dhisteen sida Puntland, Soomaaliland iyo Khaatumo in aad u aragto xalkaagu inuu ku jiro maahan arrin saxan ee waa gudista gudcur dama. 

Arrimaha Dawladda Dhexe ee Soomaaliya gar-wadeenkeeda tahay waa burburinta himiladda shacabka reer Sanaag oo ah hirgalinta maamul goboleedka Maakhir, laguna burburinaayo ku darista reer Khaatumo, ififaalaha muuqda waa dagaalo sukeeye oo ka dhaca bulshadda reer Maakhir dhexdooda, arrintaas waxa horseed u noqonaya ciidamo kala duwan oo reer Sanaaga  kuwaas oo u addeegaya danaha Puntland iyo Khaatumo waanna dhibaato hor leh oo ku biiraysa hardankii SNM iyo SSDF ee gobolka.

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka jooga qarniga 21-da oo uu gudbay muddo ku siman nus qarni (25 sanadood) oo doonistoodu tahay halkii lagu jabay qarnigii 20-da ee wadaagista nidaamayda maamul ee Soomaaliland iyo Puntland oo odayaasha joogay waqtigaasi laga yaabo baraaruga maanta yimi in uusan jirin, xogaha waafiga ah ee la helayo maantana xaqiiqdii ma jirin, dhibaatooyinka iyo dhaca laysugu geystay nidaamayadaas maamulna ma dhicin. Haddase aqoonyahankan iyo siyaasiyiinta raba wixi laga soo arkay in mar labaad doonaan oo laga raadiyo Khaatumo dhexdeeda waa jabnay misna aannu jabano sidaydii. Haddii doodu noqotay reer baan wax la dhisan micnaheedu waa waxba ma dhisan karo ee dabkii shidan dabka inuugu qabta, kaliya waxa aan ahay qadiwale qaadadiisa qaatay oo qaabaynaya qooraarista qeyrkay. Wada-dhisasho al baabkeeda waxa soo xiray Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo si rasmiya u cadeeyey in maamulkaasi si waafiya loo aqoonsaday, kaliya hadda baadi-goob loogu jiro dadkii lagu nashqadayn lahaa. Dhismaha maamul, ama arrin walba waxa laga unkaa gunta hoose, adigoo talo iyo tusaale toona lagu waydiin qac dhushada sow kama yeerin.

Halkaas markay arrintu joogto waxa aan soo xasuustay suggaantii Abwaan Ibraahim Gadhle ee ahayd.

“Suuggaan Yaqaaqanku Mar Hadduu Saluugtama

Saadaala Maqaniyo Subaxaa Wixii Jiraa

Sawir Wuu Ka Reebaa Saqda Dhexe Habeen Dama

Gudcuraan Siraad Jirin Kii Suulka Taagana

Subaxdaa La Sheegaa Sare Hadalka Yaa Udhiga

Sanqadha La Dhawraa Sabanka Iyo Wakhtiga Eeg”

Abwaan Ibraahin Gadhle

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                                          

Comments

Popular posts from this blog

ODORASKA DOORASHADDA SOOMAALILAND – NATIIJADDA W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

MALA MAAMULI KARAA DUUL GAAJAYSAN!

SOOYAALKA SALADDAHA SOOMAALIDA