SOOYAALKA SALADDAHA SOOMAALIDA

 

SOOYAALKA SALADDAHA SOOMAALIDA

QALINKA: MUSCAB CABDI CISMAAN


     Maqaalkan waxa uu si xidaarnimo iyo xeel-dheeri leh uga faaloonayaa hannaanka ay ku dhismeen maamuladda dalka ka jira, oo tiradoodu kor u dhaafayso ilaa lix maamul gobolleed, qaybtoodna isu arkaan dawladdo ka madax-banaan nidaamka fadaraalka iyo guud ahaan talada kala lagu maamulo, una dhaqma sidii dalal madax banaan. 

Dhiganahan waxa dhextaal u ah suuggaan kala duwan oo saafaysa waayaha, wakhtiga iyo marinadda lasoo maray oo weli la meerayo. Maansooyinkaas oo aan ku sidkay tuducyaha qoraalkan waxa horey u tiriyey abwaanadda kala ah Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) AUN iyo Maansadiisii Ergo ammintu kolkay ahayd 1992-kii iyo Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) AUN maansadii Mullaax iyo silsiladdii Siinleey oo curtay 1972 ilaa 1973-kiina socotay. Suuggaantaas oo intooda badani ahayd 30-kii sano ee ugu dambayey qarnigii 20aad. Halka maansadda Mayn oo uu horey tiriyey Abwaan Salaan Maxamuud Xiris (Salaan Carrabey) AUN ahayd daba-yaaqaddii 1930-kii. Maansooyinkaas abwaanadu tiriyeen dhacdooyinka ay kaga faalloonayaan guud ahaan waxa ay dhaceen rubuc qarnigan lagu jiro ee qarniga 21aad iyo weliba dhammaadkii qarnigii tagay.

Sooyaal: waa silsilad taariikheed oo cuddoon iyo sootiilooyin ku sidkan marxalado aan maan-gal ahayn, kuwaas oo aan la mahadin. Sooyaalka diinteennu waxa ay ku tilmaantay cibro qaadasho iyo casharo lagaga gudbo dhibaatooyinka taagan.

Sooyaalku sida dhabta ah waxa uu saldhig toobboon u yahay sahaminta degaladda siloon, iyadoo looga cabir qaadnayo sootiilooyinkii hore sida tagtada iyo taaganta si loo helo qorshayaal waafiya oo weelaynaya timaatada.

Salad: waa dhinbiil lagu soo ururiyo nolol maalmeedka qoysku ku noolaado maalin ama maalmo kooban. Dhammaan agabka lagu guro dhinbiisha mahan kuwo leh raandhiis iyo qorshayaal fog, “waa dubo oo daangayso”.  

Maqaalkan erayga salad waxa uu qoraagu u addeegsaday maamuladda Soomaalida ee dalka ka dhisan oo hannaankooda jiritaana uu u dhisaalan yahay aragti aan lahayn qorshayaal horumarineed oo fog, saldhigeeduna yahay salaan lagu gaaro halkaad ku socoto.

Soomaalida: waa dadyoow Eebe nasahanaa oo korreeye ku abuuray geeska Afrika, xuduudna la wadaaga dalalka Kiinya, Itoobiya, Jabuuti iyo Yaman oo dhanka Badda Cas ah. Ummadda Soomaalidu waa Muslim Suniya oo weliba haysta Mad-habka Shaaficiga.

SOOYAALKA LAGU AASAASAY SALADDAHA SOOMAALIDA

   Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, inta badan dhulka soomaalida waxa ka dhacay dagaalo sukeeye oo aad lagu hoobtay, galaaftayna ummad badan oo ahayd labeentii bulshadda Soomaaliyeed.

Saladdaha Soomaalidu waxa ay soo bilaameen kolkii ay ammintu ahayd 1991-kii oo lagu aasaasay saladdii ugu horreysay saladdaha Soomaalida oo ahayd maamulka Soomaaliland saldhigiisuna ahaa goboladda Togdheer iyo Waqooyi Galbeed oo ahaa bulshadii lahayd aragtida lagu yagleelay. Dadyowgaas oo ahaa Jamhadii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement SNM), oo ka mid ahayd jamhaddihii la diriray dawladdii dhexe ee uu garwadeenkeedu ahaa Sarreeye-gaas Maxamed Siyaad Barre (AUN), jamhadaas oo aad uga dagaalantay deegaanadda Waqooyiga qaybtood sida Togdheer iyo Waqooyi Galbeed.

Maamulkaas aasaaskiisu wuxuu ku biloowday shirar beeleedyo ka qabsoomay magaaladda Burco oo geedi fadhigu ahaa, go’aan qaadashada yagleelkuna wuxu ahaa Hargeysa, kolkii dambena go’aanaddii Burco iyo Hargeysa lagaga dhawaaqay magaaladda Boorame. Saladaas waxa ay lahayd hantiilaay iyagu lahaa aragtida, aasaaska, dhaqaajinta hannaanka maamulka, ribixa (faa’idada) ilaa maanta oo hantiilayaashii u kala baxeen sii-lahaade iyo laga lahaadee. In kastoo ay jireen dadyow kale oo aan aragti, talo, dhaqaajin, iyo lahaansho ba aan ku lahayn nidaamka geedi socodka, hase yeeshee lagu quruxiyey maamulka si ay ugu kala ammaan helaan walaalihii wada dhistay. Muwaadiniinta saddexaad golayaashii lagu dhisay saladda Soomaaliland waxa ay ka ahayeen maqraantiyo, mararka qarkoodna waxa ay dhexdhexaadinayeen walaalihii wada lahaa. Maantase isu arka cadowga gudaha, halka maqraantiyaashiina loo garan-ogyahay cadowga dibadda.

“Unugtii Shalaytoole Isku Meesha U Jeedday Imminka Yeyska Hor-Geeyey?

Laba Ooryo-Walaal Iyo Ilmaadeer Is-Muquunsha Lama Sheegin Adduunka’e,

Marka Aan Ugu Liito Mar Aan Eedda Sokeeye Ilmahayga Ku Waayiyo,

Mar Aan Aaye-La’aanta Seeddigay Ugu Aaro Oo Walaashay Asay Qaaddo”

Abwaan Maxamed Xaashi (Gaariye)

   Puntland waa saladdii labaad ee ugu horreysay maamulada dalka ka jira maanta. Saladuna waxa ay qaabka aasaaseedka kala mid tahay nidaamkii lagu dhisay Soomaalilandta Burco iyo Hargaysa. Maamulkan waxa bud-dhiyaal u ahaa raggii lasoo dagaalamay dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo loo garan-ogaa Jabhadda Dimuqraadiga Badbaadada Soomaaliyeed (Somali Salvation Democratic Front SSDF). Puntland waxa ay ku suntan tahay taariikho kasoo biloowday Qardho saldhigtayna Garoowe oo 1998-kii lagu aasaasay maamul lagu wan qalay Puntland (Dhulkii Uduga). Maamulkaasii wuxuu lahaa mulkiilayaal iyo daawadayaal sidii Soomaalilandba u lahayd hantiilayaal iyo maqraantiyaal. Bilowgii dhibta waa la wada qabay, hase ahaate kolkii mashraaciida bini aadannimo iyo horumarineed soo bilowdeen, waxa dhacday in dadkii mulkiilayaasha ahaa geeska galiyaan daawadayaashii, si aan loo wada yeelan dheefta oo qolo kaliya ugu tanaado. Arrintaasi kuma ekaan walaalihii darafyada waxse ay markii dambe u gudubtay beelihii kale ee Bariga Fog iyo Mudugta qaybtood, dhexdoodna kala yeesha muwaadiniin koowaad iyo labaad, sidoo kale daawadyaashiina waxa aay noqdeen muwaadiniinta saddexaad oo aan dalacda dhiganayasha jinsiyaddaha aan meelna laga meerin.

Dharaar Ba Iman Donta Irsiqa Laysku Cidhiidhyo Oo Wax La Oonto La Waay.

Dharaar Baa Iman Doonta Mujrim Oogo Madooboo Islaam Sheeganayaa,

Agab-Laay Hambadaada Isa Sii Kabo-Raacsho”

   Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubaland, iyo Hirshabelle waxa ay la jaanqaadeen hannaanka fadaraaleynta dalku u jihaystay. Dhanka kale hannaankooda qaab-dhismeed kama duwan tabtii ay ku dhismeen saladdaha Soomaaliland iyo Puntland oo u dhisaalan mulkiilayaal iyo mudan laga leeyahay. Arrintaasi inta badan waxa keenta cadaalad darada, eexda, sad-bursiga, iyo u sinnaan la’aanta khayraadka, dakhliga, mucaawimadda, iyo mashaariicda horumarineed, dadkii dhibta ku wada jirayna kolkii dheeftu timaado u qaybisa noocyo kala duwan sida hantiilayaal, mulkiilayaal, daawadayaal, maqraantiyaal iyo qaar kaloo badan.

“Aafo Waa Tan Dambays Oo Ifafaalaha Muuqd Iyo Ishay Leedahay Maanta,

Waxba Yaan Af-Gobadsane Intay Doonto Ha Gaadho’e Aramaa Qarxi Doonto

Dharaar Baa Iman Doonta Hadaan Eebbahay Caymin Afku Uu Hadal Daayo.

Dharaar Baa Iman Doonta Dab Munaafaq Istaadhay, Sida Aayar-Gubtaa Ama Duur Olol Taabtay Arligoo Dhan Dhammeeyo”

Abwaan Maxamed Xaashi (Gaariye)

   Gobolka Banaadir waa saladda ugu yar saladdaha Soomaalida waanna hal gobol oo labo beelood oo walaalo ah ku diriraayan lahaanshiyihiisa. Sida maqaalkan ku xusan dhammaan maamuladda dalka aragtidooda iyo jaan-goynta qaab-dhismeedka waxa leh hal qolo oo isku aragti, qorshe, dhaqaajin ba ah, dhabtii waa adagtahay in maamul lahaanshihiisa u sinaadaan dadyow kala aragti iyo qorshe ah. Tusaale hannaanka ay guud ahaan saladuhu ku dhismeen waa lahaade iyo laga lahaade, haddii aad maskaxda dhib u celiso kasoo biloow Soomaalilandta maanta ilaa Hirshabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyey maamulada dalka, waxa jira muwaadiniin koowaad, labaad, iyo saddexaad. Muqadisho waxa ay kaga duwanan doonta saladdaha kale, ibu-furka hannaanka cusub ee muwaadin afraad (Forth Citizenship). Amminta si waafiya oo walaf ah loo xaqiijiyo muwadninta koowaad (First citizenship), oo weli mugdi ku gadaaman yahay cida noqon doonta.

    Khaatumo waa salad soo socota oo aan weli si rasmiya ugu biirin saladdaha ka dhisan dalka, laakinse waxa ay soo martay waddo ka duwan, marinadii ay ku dhismeen maamuladda dalka horraanta qarniga 21aad sida Jubaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ahayd la jaan-qaadida hanaanka fadaaralismka. Hase ahaate waxa ay ku dhisantay sidii ay horey ugu dhismeen saladdaha Puntland iyo Soomaaliland ee qaxa, barakicin iyo dagaallo sukeeye oo dhiig fara badan ku daateen. Dagaaladaas oo dhex maray Soomaalilandta Burco iyo Hargeysa iyo Khaatumo, dagaaladaas oo galaaftay nafo badan oo labada dhinac ah. Ugu dambeyntiina waxa dhacday in guud ahaan magaalooyinka Laascanood ilaa Buuhoodle si buuxda gacanta ugu gasho Khaatumo.

“Dharaar Baa Iman Doonta Iyadooys Wada Wayday Oodda Loo Rogi Doono.

Dharaar Baa Iman Doonta Imaaraadka Sidooda Ninba Aag Ku Go’doomo.

Dharaar Baa Iman Doonta Dadka Sool Iyo Awdal Ee Aadanoow Hakrateen,

Raacdadoodu Adkaato Oo Lagu Raadsho Ilays”.

Abwaan Maxamed Xaashi (Gaariye)

 

QORSHE LA’AANTA MAANTA WAA DHAXAL XUMADA UBADKAAGA

     Taariikha laga meeray muddoyinkii ay dhismayeen saladdaha kala gedisan ee Soomaalida, oo intooda badan ku dhismay dagaalo sukeeye oo lagu laayey ummad badan oo birmageeydo ah, kuwo shaar qabiil ku le’day iyo in kale shaar diimeed lagu xasuuqay.

Muddooyinkaas waxa dhacay ubad u dhiban farxadii mala’awaalka ahayd ee aabayaashood. Oo aan ula jeedo awoowayaal iyo aabayaal Soomaaliyeed oo maqraanti iyo daawadayaalba ka ahaa dhismayaasha saladdaha Soomaalida, laguna daray liiska saamileeyda, hase ahaate aan door buuxa iyo aragti muuqata aan ku lahayn maamuladaas. Muddo ku siman labaataneeyo sano kadib, waxa soo if-baxay ubad u jiraban/dhibaataysan farxadii mala’awaalka ahayd ee aabayaashood la joogeen golayaashii lagu amaamuday maamuladda Soomaalida. Waxa si buuxda u soo shaac-baxay in dadkii lahaa aragtida lagu dhisay maamuladaas/saladdahaas muujiyaan lahaanshiyo rasmiya oo bareer ah, lagana yeeshay muwaadintii labaad iyo saddexaad. Taasi oo keentay in farxadii awoowayaasha iyo aabayaasha ubadkoodu dhibane u noqdaan, qaybtood ka haajiraan/safraan halkii ay ku dhasheen is aan indhahooda u arag iyo dhegahooduna u maqlin dhawaaqa kasoo yeeraya hantiilayaasha/mulkiilayaasha rasmiga ah, qolo kale waxa ay ku nooshahay hawo been ah, halka kuwo kalena sidii Eeshiyaankay uga shaqaystaan magaalooyinka Hargeysa, Garoowe, Muqadisho, Kismaayo, Dhusamareeb, Jowhar iyo Baaydhabo.

Magacaagu Yuu Noqon Mid Xumaan Ka Marag Kaca

Sida Macawisaha Qaar Ninba Maali Yuu Xidhan

Hadba Kii Muurado Leh Ha Uga Dhigin Maqaarsaar

Mar Waxaad Dhandhamisyo Mijin Qaada Hawdhiman

Hana Talin Masiibiyo Wax Makhluuqa Kala Dila

Maskaxdaadu Yey Noqon Maqal Lagula Leeyahay

Yaan Toban Muftaax Iyo Lagu Furan Masaabiir”

Abwaan Ibraahin Gadhle

 

SALADA GUNTEEDU WAA SIDEE MAANTA

     Muddooyinkaas ay dhisnayeen saladdaha Soomaalidu waxa laga diiwaan-galiyey dhacdooyinka kala duwan oo dhabtii daliilo cadcad u noqonaya dhammaadka maamuladda Soomaalida, kuwaas oo markooda hore lagu dhisaalay fahan daro maamul, waayo-aragnnimo daro iyo cilmi baaris la’aan aan laga meerin dhibaatooyinkii dhacay.

Dhabtii saladdahaasi waxa ay ku dhismeen kasoo doogista dagaalo sukeeye oo dhiig fara badani ku daatay, kuwaas oo dhex maray dadyow walaalo ah oo isku dhaqan, diin, Af, iyo dal ba ah. Qorshe la’aanta iyo qab-dhismeedka qabiilaystani waxa uu kala qaaray qarannimadii iyo qabkii Soomaaliyeed. Maantana waxa la jooga madal curadii saladdaha Soomaalida oo maraysa jid aad u qodax iyo qahar badan, kaabigana ku haysa burbur ka yimi cadaalad daro iyo sinnaan la’aan ay sodon sano Soomaaliland ku dhisnayd. Maanta waxa la jooga wakhti Hargeysa dhexdeedu is waydiinayso maxaad u dagaalanteen 33 sano ka hor, haddii sida xaalku maanta yahay la gaarayo. Dadka goboladda Togdheer iyo Waqooyi Galbeed maanta waxa ay u qaybsan yihiin muwaadinta koowaad iyo muwaadinta labaad (First citizenship and Second citizenship). Halista ugu waa weyn ee ammintan taagan waa walaalo wada-dhashay oo doonaya in ay dagaalmaan, haddii aan la dooran qolo ka mid ah. Halka daneeyaasha arrimaha Soomalidu aad uga walaacsan yihiin xaaladdaha kasoo cusboonaaday Hargeysa dhexdeeda.

Suuggaan Yaqaaqanku Mar Hadduu Saluugtama

Saadaala Maqaniyo Subaxaa Wixii Jiraa

Sawir Wuu Ka Reebaa Saqda Dhexe Habeen Dama

Gudcuraan Siraad Jirin Kii Suulka Taagana

Subaxdaa La Sheegaa Sare Hadalka Yaa Udhiga

Sanqadha La Dhawraa Sabanka Iyo Wakhtiga Eeg”

Abwaan Ibraahin Gadhle

 

GUNNAANADKA QORMADAN

   Kolkii is quman loo dhugto bilowgii maamuladda dalku ku dhismeen, waayihii ay soo mareen iyo halka ay joogaan maanta oo rubuc qarni, waxa aad si waafiya u sawiran kartaa halka ay saldhigan doonaan. Arrin walba oo lagu gunto dulmi, eex, sad-bursi, sinnaan la’aan iyo cadaalad xumo dhamaadkoodu waxa uu noqdaa burbur iyo baaba daran, sababteedna ay leeyihiin walaalihii wada dhistay maamuladaas oo dulmiyey bulshaddii kale ee ay noolaayeen. Inta badan Soomaalida yagleelidoodu kuma dhisan cilmi baarisyo, gorfeynta dhabooyinkii hore iyo marxaladihii ka dhashay samaan iyo xumaan ba. Hase ahaate dhisitaankoodu waxa ku qotoma qol hebel yagleeshaye adiguna yagleelo, degelka laysugu tagayo waa gurigii qaniinka iyo qodaxda badnaa.

Maanta waxa la jooga ammin dhammaan maamuladda dalka dhexdoodu ka aloosantahay dhibaatooyin fara badan, taas oo keentay in salad walba hoos ka holacdo. Burco iyo Hargeysa ififaalaheedu ma wanaagsana, Boorame, Laascaanood iyo Ceerigaabo maba soo dhawaaan, halka Qardho iyo Garoowe arrinkoodu yahay Allow sahal amuuraha, Galkacayo iyo Boosaaso na buugba kuma jiraan, Kismaayo iyo Garbahaareyna xaajadoodu waa mariwaa, Baaydhabo iyo Berdaale ma sama saansaantoodu, Baraawena Ilmada gubuc leh, Jowhar iyo Baledweyne taladoodu waa dib kala gurashadda wixii laysku darsaday, Dhuso-mareeb iyo Cadaadona durbaanka gow leh, Caabud-waqna waayaheedu waa daawasho, Banaadirna arrinteeda dibnaha ka aamusay. Haddii aad aragtaan Buuhoodle iyo Laascaano is miraya ama reer nugaaleed waa marinada maamuladda.  

Dhabtii waxa aad mooda in la joogoo dhammaadka saladdaha lagu soo mooday wakhtiyo kala gedisan. Koow waxa meesha ka baxay sharcigii ahaa labo gobol iyo ka badan inuu noqon karo maamul gobolleed, waxa la marayaa hal gobol, tusaale ahaan gobolka ugu yar goboladda dalka oo leh hab-maamuus maamul gobolleed. Labo waxa la jooga maalmo maamuladu ka awood badan yahay dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Saddex ummaddii oo aan isu siloonayn dhammaantood, dhexdoodna ay taalo cadaawad, eex, sad-bursi, iyo hoggaan xumo ku hubaysan cadaalad daro iyo sinnaan la’aan.

Guud ahaan kolka aan isku soo wada duubo ififaalaha muuqda ee horteenna waran, waayaha maamuladda, waayo-aragnnimo xumada hoggaanadda kala jaadka ah ee hormuudkooda ah waxa aad sawiranysaa dhammaadka sooyaalka iyo jiritaanka saladdaha Soomaalida.

“Haddad Dhimato Geeridu Marbay Noolosha Dhaantaaye

Dhaqashiyo Mar Bay Ka Yihiin Dharaggu Xaaraane

Dhedigaansho Waa Ceebi Inaad Dhamagsataa Meele

Dhadhan Malah Aadmigu Wuxu Kugu Dhalliilaaye

Nin Dharbaaxo Qudheed Dugsaday Dhaqayadeed Maalye

Dhashaaday Sugtaa Xaajadaad Dhawrataa Abide”.                                                   

Abwaan Salaan Carrabey

Comments

Popular posts from this blog

ODORASKA DOORASHADDA SOOMAALILAND – NATIIJADDA W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

MALA MAAMULI KARAA DUUL GAAJAYSAN!