MALA MAAMULI KARAA DUUL GAAJAYSAN!
W/Q Muscab Cabdi Cismaan
Aadamaha
dunidu waxa uu adkaysi u leeyahay duruufaha qalafsan ee soo food-saara, kuwaaso
kala ah Rabbaani iyo aadame yagleele sida dagaaladda, isbadelka cimiladda,
daadka iyo fatahaddaha, burburka ganacsiyadda, xanuunadda ku dhaca dadka,
beeraha, xoolaha, iyo kalluunka. Inta badan duruufaha qalafsan ee soo wajaha
bulshooyinka Islaamka gaar ahaan kuwa Rabbaniga ah, dadka Soomaalidu waa duul
is waafiya oo walaf ah ugu qanca xaalad walba oo xaga Alle uga timaada. Hase
ahaate Soomaalidu waa ku adagtahay u dul-yeelashada duruufaha aaddamuhu
yagleelo gaar ahaan kuwa madaxdu talada haya sameeyaan sida gaajaysiinta.
Soomaalida inta lagu jiro barwaaqada waa dulqaad badan yihiin oo dulkoodu waxa
uu gaarsiisan yahay in dhib walba oo siyaasiya u dulqaataan, dhanka kalese waa
adagtahay u dulqaadashada duruufaha dhaqan-dhaqaale ee si toos ah u abaaraya
hab nololeedkooda.
Nidaamayda aan Soomaalida dhexdeeda muddoyin faro badan ka hana-qaadi
wayey waxa ka mid ah, aan noolaade dhimo adigu. Arrimahaas waxa isku dayey
boqortooyinkii hore ee Soomaalida oo dhammaantood ku burburay, gumaysayaashii
reer Yurub oo dadka iyo dalka ba laga xoreeyey, burburkii dawladdii dhexe
kolkii taladii dalka gacanta gashay qoyskii madaxweynaha oo danahooda gaarka ku
qabsaday, dagaaladdii qabqablayaasha oo salka ku hayey boobka hantidii
dadweynaha iyo gaajaysiin lixaad leh gobolada qaarkood ka dhacay. Nasiib
daradda ugu weyni waa dhalinyaraddii joogtay waayahaas ee makhraaniga u ahaa
dhacdooyinkii kala duwan ee fuli-waayey oo maanta gacamahood ku hirgalinaya
ujjeedooyinkii Soomaalida dhankooda ka hana-qaadi wayey. Waa halkii tuducdii
dhextaalka u ahayd maansaddii Gurmad ee Abwaan M. Dh. Xaashi (Gaariye).
“Haddii Guga Kuu Kordhaa, Gabow Mooye Ku Tarin,
Garaad Iyo Waayo Arag, Illayn Wax Ma Dhaantid Geed”
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac
(Gaariye)
Barwaaqadu waa nimco guud ahaan iyo gaar ahaan ba Rabbi bixiyo, cid
walbana nidaam iyo habab kala gedisan baa lagu hibeeyaa. Barwaaqo kasta waxa
hormuud u ah cadaalad iyo sinnaan lagu dhaqo bulshooyinkaas harsanayaa
hannaanka dawladnimo, gaajadda waxa bulaaliya musuq maasuqa iyo eexda oo ah
saldhiga koowaad ee balaariya dhumucda macaluusha iyo maariyaadka.
Dhibaatooyinkaas waxa ka dhasha shaqo la’aan, dhaqaale daro, hoggaan xumo
horseeday aafadan.
Ammin
kasta oo ummadda dhexdeeda kacaaman hirgalinta hannaanka xaq-soorka oo uu
horseed ka yahay hoggaan foolaad ah, haddana faahina, lana dareen ah duruufaha
soo food-saara nolosha shacabka uu horseedka u yahay, waxa hoos u dhac aad u
weyn ku yimaada ilaha bulaaliya xaaladdaha qalafsan.
Muddo ku
siman 15-kii sanno ee ugu dambeeyey dawladnimada Soomaalida, bulshadda Soomaaliyeed
waxa kusoo badatay madaxda duullaan qaawan ku ah dhaqaalaha dalka sida dakhliga
cashuuraha, mashaariicda bini aadannimo, barnaamijyadda horumarineed, kabka
miisaaniyadaha, taakulooyinka dhaqaale iyo farasamo ee ciidamadda. Madaxda
waddanka oo dadaal fara badan ku bixinaya in guud ahaan dhaqaalaha dalku uu ku
jiro gacamo gaar ah, si ummadda inteeda kale gacamaha u hoorsadaan manaxayashaa
aan lahayn dareen dadnnimo diirnax iyo damqasho toona.
Shaqsiyaadkaasi
waxa ay burbur baahsan u geystaan hannaankii dawladnimo, ganacsi iyo gebi ahaan
kaabayaashii dhaqaalaha dalka. Dhanka kale, waxa kalsoonidoodu yaraata
dawladdaha taageera nidaamayda dakhliga, horumarinta, bini aadanimadda, ee dawladda
dhexe iyo dawlad goboleedyada, kolkii lacagaha mashaariicadu iyo cashuuraha waddanku
gacanta u galaan kooxo gaar ah oo ku yimi qaab qabiil, qoys, qaraabo, xigaal ama
xidid ba.
Madaxda Soomaalidu intooda badan waxa ay gashan yihiin muraayado
cagaaran oo xaqiiqda ka jirta bulshada dhexdeeda u arkaan qaab kale, arrintaasi
oo keentay soo if-baxa dhawaaqyada kasoo yeeraya dibnaha shacab oo ku
dhawaaqaya erayo kala duwan sida nolol, nabad, horumar, caafimaad iyo waxbarsho
tayo leh. Dhawaaqyada dadban ama daalacan ee taabanaya hab nololeedka ummadda,
masuuliyiinta Soomaliyeed waxa ay uu arkaan arrimo meel kala laga shidaalinayo.
Waa halkii suuggaanta Soomaaliyeed lahayd.
“Habartii docdeediyo, Degelkay ku noolayd, Daruuruhu
ku hooreen
Dalka wada hel moodoo, Daad wararac bay tiri, Misna
talada ku ma darin
Inuu duug abaariyo, Gobol lagu darleefiyo, Degmo lagu
haraadiyo
Darxumooyin muuqdiyo, Dirqi kunool u badantahay,
Danyartiyo shaqaaluhu
Daasad garawa gadan karin"
HIRGALINTA
HANNAANKA GAAJAYSIINTA
Tabo-galinta
nidaamyadda gaajaysiinta taban haddan togan ee bulshadda lagala dagaalmayo
dhammaan ilaha dakhliga iyo wax-soo-saar si loo bado gacmaha shaqsiyaad gaar ah
oo haya dhaqaalihii dalka sida ganacsiga, cashuuraha dawladda, iwm. Arrintaas waxa hormuud buuxa u ah masuuliyinta
haya talada dalka oo aan aqoon iyo waayo aragnnimo u lahayn nidaamka maamulka
iyo maaraynta dal iyo dadkiisa.
Waayo
kala gedisan iyo awoodo kala duwan oo si rasmiya isugu dayey fulinta nidaamka
gaajaysiinta shacabka run ahaantii waa fashilmeen, maamuladaas oo dunidda soo
maamulay muddoyin kala duwan hore, hadda iyo gadaal ba. Inta badan hab fakarkan
waxa uu ka yimaada kolkii madaxtinimadda qabtaan masuuliyiin aan lahayn haybad
iyo hannaan maamul, kuwaas oo gabaad ka dhigta dhaqaalaha waddanka si bulshadda
loogu hayo, dhabtiise waa adagtahay nin gaajaysan inuu hayo mid dheregsan. Waxa
jira xikmad xisaabeed Shiinuhu kaga faalooday qof gaajaysan iyo amminta uu
baahnaan karo.
“Bini
aadamku marka uu gaajo ku gaaro 24 sacaadood wuu carooda, halka uu ku gaaro 48
sacadoodna waxa uu bilaaba dood iyo duryan, dhanka halka meesha uu ku gaaro 72
sacadood waxa uu sameeyaa dagaal toos ah waanna kolka uu bini aadamku waxa
kasta oo uu cuni karo uu cuno.”
DHAXALKA NIDAAMKA KALIGI-TALISKA AH
Boqortooyadii
Ajuuraan oo ahayd boqortooyo awood iyo muunad ba ku lahayd Koonfurta
Soomaaliya, waxana la aasaasay bilowgii qarniggii 10-aad oo loogu yeeri jiray
Muqdisho Sultunate, balse waxaa xukunkeedu xoog yeeshay oo ay qaadatay magaca
Boqortooyada Ajuuraan qarnigii 13-aad. Sooyaalkeed bilowga ah waxa lagu
xasuusta nidaam dawliya oo horumarada dunidda ka jiray la jaan-qaaday, hase
yeeshee kolkii maamulka dawliga gacanta u galay madaxdii ugu dambaysay ee
talada hayey oo ahaa madax talo adag oo aan lahayn u dhimrin shacab iyo u
damqasho toona.
Waxa
dhacay sabaabo badan boqortooyadu kulansatay sida mucaaradad gudaha iyo dibada
ba ah, is-diidooyinkaas waxaa lagu sheegaa mudadii xukunka oo dheeraa iyo dadkii
ku hoos noolaa xukunka iyo qaar ka mid ah madaxdii boqortooyada in ay
dhibsadeen xukunkii adkaa ee kali-taliska ahaa iyo dhaqaalo xumo.
“Haddaad xoqanayso uurta, Xantiir qatan baa hadlaaya, Xafiis san hadaad u toostay
Xabuubta bar baa gadaaya, Xareedda haddaad qubayso, Dad baa xaafood cabbaaya”
Abwaan
Cali Iley
Wixii ka
dambeeyay qarnigii 17aad waxaa
bilowday hoos u dhaca boqortooyada ilaa markii dambe magicii isku hayay dadka
Soomaaliyeed ee Ajuuraan meesha ka baxay.
Wixii
xilligaa ka dambeeyay waxaa samaysmay Saldanado yar yar oo ay samaysteen inta
badan qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa Boqortooyada Ajuuraan. Waxaa laga
xusi karaa boqortooyada Geledi ama Goobroon Dynasty oo uu aasaasay nin lagu
magacaabi jirey Ibrahim Adeer oo ka mid ahaa ragii ugu firfircoonaa
boqortooyada Ajuuraan. Boqortooyada Geledi ayaa waxaa xarun u noqotay degmadda
Afgooye.
DIGAAGII IYO
DIGTOORKII JAAMACADDA
Dhacdo
caajiib ah oo ka dhacday mid ka mid ah jamaacaddaha ku yaala Magaaladda
Muqdisho ee Gobolka Banaadir. Masuuliyiin Jaamacadeed oo doonayey hirgalinta
mashruuc kor-u-qaadista wax-soos-saarka doorada/digaaga dalka, muhiimadda ugu
weyn waxa ay ahayd hirgalinta ilo dhaqaale oo ka imanaya ukunta digaaga. Horumarinta
wax-soo-saarka digaagu waa il ka mid ah buda dakhli soo-saareed ee bulsho. Hubantidii
waxa loo mara jidad kala gedisan oo kobcinaya wax-soo-saar guulaysta, waxna la
siiyaa cuntooyin isu dheelitiran si qaadashadooda iyo wax-soo-saarkoodu isu
yeesho. Hase ahaate hababka horumarineed wax-soo-saarka digaaga digtoorku waxa
uu ka duwanaa nidaamyada loo maro ee dunida. Diktoorku waxa uu digaagaas siiyey
cunto fara badan oo aan ahayn quudadka lagu tala-galay digaaga laga sameeynayo
dhaqaale ukuntooda, natiijadii diktoorku helay waxa ay ku noqotay filanwaa taas
oo ahayd inuu helo ukumo tiro badan maalintii, badelkeeda waxa uu helay saxaro fara
badan. Maalintaas wixii ka dambeeyey digtoorkii waxa uu bilaabay qiimaynta
kharashaadka galaya iyo dhaqaalaha ay soo saarayaan maxsuulkuna waxa uu noqday
dakhliga galaya oo ka tiro batay wax-soo-saarkoodii. Digtoorkii waxa uu qaatay
go’aan cajiib ah oo saldhigiisu yahay inuu gaajaysiiyo digaagii muddo badan is
uu u yareeyo dhaqaalaha ku baxaya. Digaagii dhexedooda waxa ka dhacay qiso yaab
leh oo aan digtoorku filayn, oo ah is-cunoow (cannibalism).
Is-cunoow
(cannibalism) waa fal ama dhaqan ay dadku ama xaywaanku cunaan hilibka ama
xubnaha gudaha ee xaywaan la nooc ah. Digaaga digtoorku haystay waxa dhexdooda
ka qarxay is cunoow oo mid kasta oo dhiig ama dheecaan lagu arko ay si wadajir
ah loo cunayey. Si cunoowga waxa sababa dhawr arrimood oo kala ah tiro badani
baahi ku daban tahay, helitaan la’aanta baad iyo biyo ku filan, isku dhafka
noocyo kala duwan oo digaaga/xaywaan, yaranta cabirka sanduuqyada digaaga,
digaaga ku dhexe bakhtiya sanduuqa guduhiisa, halka dadka gala safaradda
dhaadheer ee bilaa sahayda ah uu dhexdooda ka dhaco is-cunoowgu kolkii cuntada
iyo biyuhu ba dhammaadan, waxa la cunaa qofba qofkuu ka tabar daran yahay si
inta kale u badbaadan.
Maalin
maalmaha ka mid ah waxa uu digtoorku si kadis ah ku arkay digaago oo cunaya mid
ka mid ah kooxdooda baahi darteed, arrintaas oo digtoorka ku noqotay fajaciso.
Dulucada sheekada, haddii madaxda Islaamka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed
ka gaabiyaan masuuliyadihii ay qaadeen oo ay ku dhaarteen, taas badalkeedna
xoog saaran quudinta iyo qanisiitanka awlaadooda, xasaskooda, xididkooda,
xigtadood, xigaalkooda, iwm. Ficiladaas guracani waxa ay saamayn togan ku
yeesheen dhammaan dhaliyaradii dalka oo si walaf ah uga rajo dhigay nolosha.
Arrintaas waxa suuggaan ku cabiray wa noqday jiilalkii soo kacaamayey kolkii
kulaylka ka Waxa si waafiya nolasha uga
“Waxba Gabaygu
Yuunna Ila Silbane Waxaan Ku Saabay, Haddaan Sii Oggaan Lahaa In Aan Sidaas Ku
Waaraayo, Sinta Hooyadaan Diidi Lahaa In Ay I Saartaye, Saqiir Baan Ku Gooyn
Lahaa Nafta Soo Lugo Lahayd”
Abwaan Maxamed Galaydh
DAGAALKII DULINKA IYO DADKA
Dulinku
waa noocyo ka mid ah cayayaanadda ku dhashaa wax-soo-saarka sida beeraha,
xoolaha, kalluunka, iwm. Xaqiiqdii cayayaankaas ama dulinku waxa uu dalagyadda
iyo xoolaha kala dagaalama hirgalka wax-soo-nool tiro iyo tayo leh.
Horraantii,
dulinku waxa noolal, cunto iyo hooyba u ahayd cawska sida kurdada, wan-shaqaar.
Kadib intii uusan quud iyo deegaanba ka dhigan dalagyda aaddamahu ku nool
yahay. Deegaamaynta dulinka ee dusha iyo gudaha dalagyada dadku cunaan waxa ay keentay
dagaal ka dhex dhacay dadka iyo dulinka oo biloowgiisa ay lahayeen bini aadamku
kaas oo salka ku hayey burburinta silsiladdaha nololeed ee dulinka.
Dagaalkaas
dheefitiisa waxa helay dulinka oo faa’ido ahaan uu helay cunto isu dheelitaran
oo ka kooban karboon haydareed (sonkorowga), faytimiinis, cusbooyinka,
boorintaan iyo biyo, taas oo noloshiisa waxa badan ka badeshay keentayna inuu
ku noqon waayo deeggaankiisii hore.
Dagaalkaas
waxa ka dhashay khasaare fara badan oo soo gaaray aaddamaha, docoda kale bini aadamku
waxa uu samaystay hub iyo aalado kale duwan oo uu kula dagaalamo cayayaanka,
isticmaalka agabkaasi oo ah sumaha beeraha iyo xoolaha, aaddamahana waxa ay u
horseeday xannuuno faro badan sida kansar, dhalmo la’aan, indho la’aan,
samaynta qaybaha kale ee jirka, iwm.
Kolka aad
horseed u noqoto in aad burburiso deeggaan duul deganyhay, oo aad u haysto in aadan
samaayn waxa dhibaato ah, hubaashii waxa muhiima in aad hoose u eegto duurka
aad ku tumanyso si aad uga dheeraato dhaxal aan dheeftiisu wacanyn. Waa halka
suuggaanta Soomaaliyeed ka tiri.
"Wayl
Raaxo Joogtaa Ku
Dabbaalataa Wabi, Maba Oga Wakhtiga Dhacay"
Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi
Qays)
DAGAALKA RUUSHKA IYO YUKRAYN (DAGAALKA
QAMADIGA)
Dawladda Yukrayn waa mid ka mid
ah dalalka ugu badan ee wax-soo-saarka dalagyada, dhanka kale waxa ay u
dhoofiyaan dacalada dunida. Wax-soo-saar badarka Yukrayn oo kala ah Qamadiga,
Galleyda, iyo Heed/Shaciirta. Sida aannu kasoo xignay warbixin Yurubiyan
Komishan oo ahayd Yukrayn wax-soo-saarka sareenkeedu waxa uu ka yahay suuqyada
dunida 10%, halka 15% ay tahay Galleyda iyo 13% na Heed/Shaciirta, docoda kale
wax-soosaarka saliida gabaldeyda ee suuqyada dunidda waa 50%.
Marka loo
eego tirokoobyada Waaxda Beeraha Maraykanka, Yukrayn waa waddanka toddobaad ee
ugu wax-soo-saarka badan ee qamadiga ah sannadihii 2021/22 oo ahaa 33 milyan oo
tan. Waddamada Australia, Mareykanka, Ruushka, Hindiya iyo Shiinaha oo ah
dalalka ugu badan ee wax-soo-saarkaas. Halka Midowga Yurub ay ku jirto kaalinta
koowaad haddii la isku daro waddamada xubnaha ka ah ururkaas.
Bilawgii dagaalka
Yukrayn iyo Ruushka qof walba waxa uu walaac xoogan ka qabay kor u kac qamadiga
dunida, horraantii dagaalka waxa 28% kor u kacay qamadiga adduunka, hase ahaate
muddo ku siman dhawr bilood gudahood hoos ayuu soo dhacay 2-3% buu ka kor maray
qiimihiisii hore dagaalku intuusan bilaaban. Arrintaasi waxa ay saamayn ku
yeelatay waddamada saboolka ah oo qiimihii sare u kacay iyo cunto yari soo
food-saartay dunida.
Hindisaha Qamadiga Ee Badda Madow
Taariikhdu
kolkay ahayd 22-kii, July 2022, waxa Magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga lugu
saxiixay hindisaha Qamadiga ee Badda Madow oo ahaa heshiis saddex geesood ahaa oo
u dhexeyey waddamada Ruushka, Yukrayn iyo Turkiga waxana gar-wadeenku ahaa
Qaramadda Midoobe. Aragtida hindisahaasu waxa uu ahaa dhoofinta
bad-qabka ah ee badarka, cuntada iyo bacriminta, oo ay ku jirto Amooniya (ammonia),
lagna dhoofin doono dekeddaha Yukrayn ee kala ah Odhasa, Jenomoriska, iyo Yushni (Odesa, Chernomorsk iyo Yuzhny). Guud
ahaan suuqyada adduunka waxa laga dareemay cuno yari iyo qiimihii
badeecadahaasi oo kor u kacay.
Hindisahani
wuxuu ku salaysnaa heshiisyada dhinacyada Axdiga Caalamiga ah ee Badbaadada
Nolosha Badda, 1974, (SOLAS), Xeerarka XI-2/11 iyo Xarunta Caalamiga ah ee
Maraakiibta iyo Dekedda Xeerka Amniga (ISPS Code), Qaybta B, cutubka 4.26;
shardi ahaan gelitaanka iyo ka bixistaba ee dekeddaha.
Muddadii
uu socday heeshiiskaasi dalal badan oo dunidda ah waxa si nabdoon dhulkooda ku
gaaray qoondooyin ka mid ahaa Qamadiga laga rarayey Yukrayn. Tirada markiibta
laga raray dekaddaha Odhasa,
Jenomoriska, iyo Yushni (Odesa,
Chernomorsk iyo
Yuzhny) oo gaaray 730 markab oo samayey 1,004 safar qaadayna shixnad gaaraysa 32.9 Milyan
oo Meter Ton.
Dalka ugu
badan waa Shiinaha waxna gaaray shixnado ah 8 Milyan oo Metric Ton oo kala ah 5.8M tons oo Galley
ah, 1.5M tons oo
cuntooyinka Gabaldayda, 370K
tons oo Saliida Gabaldayda iyo 340K
tons of Heed/Shaciir.
Qamadigaas
waxa la gaarsiyey tiro dawlado oo ka badan dhawr iyo afartaneeyo oo kala yaala
qaaraddaha Yurub, Afrika, Aasiya iyo kuwa kale. Dawladdaha horumaray ee adduunka
waxa ay soo tijaabiyeen gaajaysiinta dadyowga hase ahaate waxa la isla qiray oo
qoraalo laga sameeyey dhacdooyinkii dhacay iyo natiijooyinkii laga dhaxlay si
aan gadaal lagu noqon waanna tan horseeday horumarka maanta. Dhanka kale, waxa
la daraaseeyey cawaaqibka iyo marxaladdaha qalafsan ee ka dhalan karaa
ficiladaas guracan ee muddoyinka kusoo kordhay dalkeenna horayna lagu jabay
hase ahaate waddamada Islaamka aan aqooni uga kordhin. Sawirkan hoose waa
dalalka qamadiga loo dhoofiyey.
Badeecadaha kala gedisan ee laga rarayey dekaddaha Odhasa, Jenomoriska, iyo
Yushni (Odesa,
Chernomorsk iyo
Yuzhny) waxa loo dhoofiyey waddamada kor xusan tusaale ahaan, 19 Milyan Meter
Ton boqoley ahaan ah 57% waxa uu gaaray waddamada horumaraya (developing
countries) oo ah 30 dal, halka 14 Milyan Meter Ton oo u dhigma 43% waxa loo
dhoofiyey waddamada horumaray (developed countries) 15 dawladood.
World
Bank iyo World Food Programme oo door weyn ka qaatay dhoofinta badeecadahaas,
WB waxa uu dawladdahaas dakhligoodu sareeyo, dhexdhexaadka yahay iyo kow hoose
gaarsiiyey 33M MT, halka 725K WFP deeq ahaan u gaarsiisay dalalka Itoobiya,
Soomaliya, Yaman, Afgaanistaan, Jabuuti, Kiinya, Suudaan iyo Turkiga.
Ugu
dambayntii, dawladdaha dunida ugu awooda badan waxa u soo baxday hannaanka
gaajaysiinta inuu uu ka dhalan karo ama horey uga dhalatay arrimo qalafsan oo saamayn
buuxda ku yeelatay hab nololeedka nolosha aaddamaha, haddii aan si xidaarnimo
iyo xeel-dheeri leh aan looga xeeladaysan, waanna arrinta keentay heshiiska
saddex geesood ah oo labadii dagaalamayey miis isugu yimadeen iyagoo wadda
danaysanaya, dunida kalena u danaynaya.
Hannaanka gajaysiinta muwaadiniinta si loo maamulo dunida horumartay waa soo tijaabiyeen, waanna lagu hongoobay hirgalintooda dhaxalkeeduna waxa uu noqday burbur iyo baa’ba baahsan.
KACDOONADDII
GUGII DAWLADDIHII CARABEED
Kacdoonaddii Carabta waxa uu
kasoo bilaamay dawladda Tuniisiya kadibna ku fiday dawladdaha kala ah Liibiya,
Masar, Yaman, Siiriya, Baxrayn iyo Suudaan. Inta badan madaxdii horseeday
gumaynta, gabood falada, gaajaysiinta waxa ay ku dambeyeen mid la dilay, mid
xiran iyo mid baxsaday.
Kacdoonaddii
Gugii Carabta waxa uu ahaa mowjado ku biloowdau mudaaharaado oo ka dhacay
Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika oo na bilaabmay 2010-kii iyo 2011-kii. Mowjadahaas
ayaa billowday markii ay mudaaharaadyo ka dhaceen Tunisia iyo Masar ay xukunka
ka tuureen si is-daba-joog ah madaxdii talada haye Seynula Caabidiin Binu Cali
iyo Xusni Mubaarak, taasoo dhiirri-gelisay shacab badan oo Carabeed. Si kastaba
ha ahaatee, dibad-baxayaasha oo muujinaya cabashooyinkooda siyaasadeed iyo kuwa
dhaqaale ayaa inta badan waxay la kulmeen rabshado ay u gaysteen ciidamada
ammaanka, kuwaas oo ku muquuninayey dibad-baxayaasha si mudaharaadyadu u
joogsadaan, hase ahaate waa maarayn kariwayeen ilaa madaxdii iyo qoysaskoodu
lagu daatay hoygoodii.
Dhacdooyinka
ugub ahaa ee laga diiwaan galiyey saldhigna u noqday kacdoonkaas waxa ugu
weynaa muwaadin Tunuusiyaan ah oo lagu magaacaabo Maxamed Baw-asiis, da’diisuna
ahayd 26 jir, kaas oo nolosha isku gubay. Subaxnimo Jimce ah taariikhduna ku
beeganayd Diisambar 17, 2010, markii Booliiska magaaladda Sidii Bowsid la
wareegeen miis yar uu qudaarta ku iibin jiray, miiskaas oo uu ka maarayn jiray
noloshiisa iyo tan qoyskiisa, booliska oo ka doonaya laaluush uusan awoodin,
Maxamed cabashadiisu waxa ay ahayd caga juglayn iyo handadaad kaga imanaysay
ciidamadda booliska iyo kormeerayaasha suuqa ee Dawladda Hoose oo inta badan
dalban jiray laaluush, maalinkaas waxa uu u dacwooday guddoomiyaha xarunta Dawladda
Hoose ee Sidii Bowsid, balse wuu diiday
inuu arko. Isagoo quus iyo niyad jab ka muuqato ayuu Maxamed si soo toosa isugu
gubay waddada dhexdeeda.
Maxamed Baw-asiis waxa uu kusoo koray nolol agoonimo ah, aabbihiisna wuxuu
dhintay isagoo saddex jir ah, Maxamed waxa uu reerkooda u ahaa isha ugu
muhiimsan ee dhaqaale, qoyskuna ku tiirsan yahay, waxa uu caruurta la korinayey
hooyadiis, isagoo nolosha ka dabooli jiray miiskaas qudaarta ah, waxa uu ka
haray waxbarshada dugsiga sare, isaga oo aan qalin jabin duruufo awgood, waxa
uu raadiyay shaqo ka wanaagsan miiska qudaarta, nasiib daro kuma guulaysan,
dawladiisuna uma dhisaalin waddo kale.
Dhulkoo Xaabkii
Idlaaday, Xantoobsada Ay Ka Yeedhay, Nimcaa Fadhidee Xamaasha
Qofkii Yidhi
Waa Mid Xiiqsan, Indhaha Xuub Baa Ka Saaran, Xiskiisuna Waa
Caloosha
Badhaadhaha
Xaafaddooda, Sabool Qatan Baa Ku Xeeran, Dadkana Muu
Xaal Waraysan.
Abwaan Cali
Iley
Mudaaharaadyadu waxa ay dhiirigaliyeen shacabkii Carbeed ee waddamada kale,
waxa si toosa u biloowday mowjado kacdoon oo ka dhacay waddamada Carabta
qaybtood, mudaharaadaas oo salka ku hayey marxalado badan oo is barkan sida
kali taliyaal waqtigoodu dheeraaday, musuqmaasuq hanti shacabka oo gacanta loo
geliyey qoysaska iyo qaraabada madaxdii Carbeed, faqriga iyo gaajaysiin lixaad
leh.
Kacdoonadaasi waxa laga bartay in madaxda nidaamka dawladnimada ku
takrifasha una addeegsta danahooda gaarka adagtahay in ay ku badbaadan
shacabkooda dhexdooda, xataa tuulada ama magaaladda ay ku dhasheen, ku barbaareen,
qoyskooda iyo qarabadooduna degan tahay. Tusaale Madaxweynihii hore ee Dalka Liibaya
Macmarul Qadaafi waxa lagu dilay magaaladdii uu ku dhashay ee Sirta, maalinnimo
cadna waxa toogtay shacabkiisi, dhibta intaas leg in ay dhacdo waxa keenay
foolxumooyinka maamul ee madaxdu sameeyaan mudda xiloodkooda oo aan lahayn waxa
damqasho diirnax iyo dareen dadnimo toona. Waqtiga maamulkooda bulshadda waxa
ay u horseedaan nolol xumo, dar-xumo, farqi, macluul, iyo hantida dadweynaha oo
lagu ururiyo calcalaha caruurtooda.
“Haddii
Xarragada Dhashaadu, Indhaha Qurxinayso Xaaji
Barbaar
Xayraan Dhaqaaqday, Ayaa Saxaraha Ku Xaaqmay,
Dar
Bay Xigtadoodi Wayday, Caloolaha Xuudka Jiifa”
Abwaan
Cali Ileye
BURBURKII DAWLADDII DHEXE IYO HALKA
LA JOOGA MAANTA
Dawladdii
dhexe ee Soomaaliya uu hoggaaminayey Sarreeye-gaas Maxamed Siyaad Barre (AUN)
kolkii nidaamka dawladnimo gacanta lasoo galeen xaasaskisii, caruurtiisii,
walaalihiis, xididkiis iyo xigaalkiis guud ahaan waxa meesha ka baxay
hannaankii dawladnimo, waxana biloowday dildilaacyaadii dawladda burburiyey.
Soomaalidu dhaqan ahaan waa dul badan yihiin hase ahaate dulqaadkoodu waxa uu
ku egyahay cidda talada u haysa, haddii go’aanadda dalka gacanta lasoo galaan
qoyska madaxdii talada haysa oo awoodda dawladnnimo u addeegsada danahooda
gaarka. Dadyowga Soomaaliya waa ku adag tahay u dulqaadashada qoysas qarankii
masiirkiisa qaada dhigaaya, waanna tan inta badanaa keenta burburka
dawladnnimo, Soomaaliyna 33-dii sanno ee ugu damabays burbur ugu jirtay gabood
faladii qoysasku ka galeen qaranimada.
Nasiib darada ugu weyni waa halkii lagu jabay mudda kor xusan oo aan
weli laga kicin in misna madaxda hadda joogtaa heer Fadaraal iyo Maamul
Goboleed dhex gudaayan gudcurkii madooba ee horay lagu hungoobay. Maanta waxa
aad mooda in ay shalay ka daran tahay kolka loo eego gacan ku haynta guud ahaan
talada dalka, shalayto awaamiirta waddanku waxa uu kasoo fulayey hal gacan,
maantase taladii qaranka waxa loo kala qaaday qoysas (maamul goboleed) oo mid
walba danta reerkiisu kaga culus tahay dantii guud ee waddanka. Kolka dalkaaga
iyo dadkiisa loo kala qaybiyey toban toban mid walbaa meel fadhiyo oo aan
gargaar iyo bixin dhexdooda oolayni, mamuulkiina noqday mid aan lahayn turaale
iyo tartiibin. Waa tuduc ka mid ah gabaygii Durdur oo uu Abwaan Maxamed Warsame
Hadraawi tiriyey Maarso 1973-kii.
“Toban
Dudaya, Toban Uurka Daba, Toban Kaloo Doorsan, Toban Didaya, Toban Duuf-Cunoo
Nacab La Daaweysta, Toban Dabata, Toban Duur-Xuloo Garab Ku Daaqaaya, Dushaa
Toban Ka Wada Fiicannoo Duunka Milil Jiifo, Iyo Toban Da'dii Soo Kacdaba Dubata
Beerkooda, Dad Qal Iyo Abees Iyo Orgobe Diir Wax Xaganaysa, Iyo Toban Dibnaha
Leefayoo Damacu Heeryeystey”
Abwaan Maxamed Wasame (Hadraawi)
GUNAANADKA
QORMADAN
Kolka aan
qormadan kusoo idleeyo hogo tusaalayn kasoo bilaabatay go’aamaddii kala
gedisanaa ee madaxda dunidu ku gaajaysiisay shacabkoodii, cawaaqibkii laga
dhaxlay, qorshayaashii loo qaaday qaabkii looga bixi lahaa qaraarkii la
dheefsaday, iyo miciyo lisi hore leh oo hadda socoda.
Qoraalkanu
waxa uu si aad faahfaahsan u qaadaa dhigay dhibaatooyinka laga dhaxlay baahinta
bulshaddaada oo dhaxalkeedu yahay keligii cuno xaage ku daacaysaa, dheefta
rasmiga ee aaddamuhu isla qiray oo si waafiya loo weeleeyey oo ah burbur iyo
baa’ba aan soo daahin.
Dawladdaha
horumaray maanta waxa uu go’aankoodu noqday in aad dib loogu noqon jidkii
qodaxda, qaharka, qaraabasiga iyo qaab la’aanta ahaaa, loona jihaysto jidad
kale oo loogu jaangoynayo masiirka ummaddooda sida hirgalinta tubaha
cadaaladda, sinnaanta, tixgalinta oraahda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha
si loola dagaalamo gaajada iyo sabboolinimada, iyo ammaanka iyo kala dambaynta
oo saldhigeedu yahay wadajir iyo wada-noolasho loo siman yahay.
Madaxdda
Soomaalida qorshayaashooda horumarineed waxa muhiima in hor-tebin uga dhigaan,
hano-qaadid cadaaladda iyo sinnaanta bulshadda, dhaqaalaha dalkana laga dhawro
inuu galo gacmo gaara, arrintan oo muddo kadib u xuub-siibata gaajaysiinta
shacabka oo looga golleeyahay suulinta arragtida dadweynaha ee xorta ah. Qorshe
walba oo dhextaal looga dhigo daacadnnimo, run, sinnaan, iyo daaqsiin togan.
Gunnaanadkii, masuuliyiinta hoggaaminaya hormuudkana u ah talada
Soomaali waxa la gudboon waa arrinta maanta aay bulshadu u ooman tahay taaso ah,
hoggaan daacada, digtoon, deeqsiya, daryeela danyarta, dareen dadnimo leh,
duntiisu wacan tahay, doorkiisu daalacan yahay, dhaqaale doon aan ahayn, dadbanaanta
aan shaqo ku lahayn. Hoggaankasi waxa uu samata bixin karaa duulkan isagoo ka
dhawraya in ay gaajoodaan, sabboolnimo na warkeeda daa.
“Inuu
Samuhu Door Dhalo Hadday Daacadnimo Raacdo, Oy Dhaqasho Ruux Doona Tahay Dib U
Xasuusnaada, Cirka Oo Daruuraha Marshoo Darara Mooyaane, Inaan Roob Da'aa Laago
Rogin Dib U Xasuusnaada, Haddaan Meesha Doog Iyo Tayale Duunyo Lagu Raacin,
Inaan Doobi Loo Culan Hantida Dib U Xasuusnaada, Ruuxaan Dantiisiyo Aqoon Waxa
Daryeelaaya, Inuu Deeqda Eebbahay Ka Qaday Dib U Xasuusnaada, Daanyeer
Jarmaadiyo Qadhaab Gelin Hadduu Daayo, Inuu Ruuxna Soor Uga Durkayn Dib U
Xasuusnaada, Hadday Dunidu Ber Dheef Lahayd Dux Iyo Haaneedsi, Dufankii In Laga
Laastay Iyo Dalaggi Hoos Yiilley, Oy Maanta Dabagoosi Tahay Dib U Xasuusnaada” Abwaan
Hadraawi
TIXRAAC
https://www.dw.com/en/five-facts-on-grain-and-the-war-in-ukraine/a-62601467
https://www.un.org/en/black-sea-grain-initiative/background
https://www.britannica.com/event/Jasmine-Revolution
https://www.aljazeera.com/features/2020/12/17/remembering-mohamed-bouazizi-his-death-triggered-the-arab
https://www.britannica.com/event/Arab-Spring
https://www.bbc.com/somali/articles/c03dl9dnjdlo
Comments
Post a Comment