ODORASKA DOORASHADDA SOOMAALILAND – NATIIJADDA W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN


Hordhac

   Shacabka reer Soomaaliland todobadii sano hal mar oo ka mid ah waxa aay u dareeraan doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorta madaxweynaha talada qabanaya, muddo xileedka rasmiga ah ee madaxweynaha waa ammin ku siman shan sannadood, hase ahaate waxa jira labo sano oo ka baxsan sharciga dastuuriga ah oo Golaha Guurtidu u kordhiso madaxweynaha talada haya.

Doorashadda Soomaaliland waa ku tartama xisbiyo tiradoodu gaarayso saddex xisbi oo kala ah xisbul xaakimka iyo labo xisbi oo mucaarad ah, xisbiyadaas oo doorashadooda la qabto tobankii sano hal mar, kuna yimaada cod dadweyne.

Doorashooyinka kale ee Soomaaliland ka qabsooma dadweynuhuna soo doortaan madaxdooda waxa ka mid ah, doorashadda Golaha Wakiiladda oo dhacday labo jeer 2005-tii iyo 2021-kii, golaha wakiiladda oo muddo xileedkooda rasmiga uu yahay shan sannadood, hase ahaate joogay waqti ka badan 15 sannadood oo ay talada ku joogeen muddo kororsi. Doorashadda kale ee dadweynaha waa mid golayaasha deegaanka oo hannaankeeda codeyneedna yahay qof iyo cod. 

Doorashadda sanadkan 2024-ta waxa aay ka duwan tahay doorashooyinkii hore ee Soomaaliland ka dhici jiray, qodobka koowaadna waa doorasho isku-sidankan oo ah madaxtooyo iyo doorashadda sadex xisbi oo ay ku tartamayaan toban ururo siyaasadeed. Qodobka kale saddex xisbi labo ka mid ahaa waxa ay yeesheen musharaxa xisbiga oo ah arrin aan horey u jirin oo ku cusub hannaanka doorashadda madaxtooyda, kolkii hore gudoomiyaha xisbiga aay ahaa musharaxa laakinse kalkan gudoomiyuhuna waa gaar, xisbiyada qaab-dhismeedkaas yeeshay oo kala ah Kulmiye iyo Waddani.

Doorashaddii ugu horreeysay ee dimuqraadiya shacabkana taladooda doorasho gacanta loo galiyey waxa ay qabsoontay sannadii 2003 oo talada ku tartarmeen xisbiyada Udub, Ucid iyo Kulmiye, guushuna ku raacday Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iy xisbigiisi Udub oo helay codad gaaraya 205,595, halka Kulmiye helay 205,515, Ucudna wuxu helay 77,433 cod. Guud ahaan tirada codadka ansaxa noqday oo ahaa 488,543 cod.  Doorashadaas oo lagu kala guulaystay codad tiradood gaarayso 80 cod una dhigma boqolayda 0.01% ee tiradada codadka guud. Doorashadaas oo muran fara badan ka dhashay hase yeeshee lagu xaliyey qaab hoose iyo isu-tanaasul.

Doorashadii xigtay waxa aay ahayd doorashadii Golaha Wakiiladda loo la qabtay sannadii 2005-tii, aqlabiyada xildhibaanadda golaha Wakiiladda waxa helay xisbiyadii mucaaradka ee Ucid iyo Kulmiye kuwaas oo jaangoyey shir guddoonka golaha Wakiiladda oo ka yimi dhanka mucaaradka loona doortay guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi maantana u tartamaya madaxweynaha Soomaaliland, doorashadaas waxa lagaga adkaaday xisbigii talada hayey ee Udub. Doorashadaas tirada dadweynaha codey waxay ahayeen 349,291 cod oo ansaxay, waana doorashadii ugu horreysay ee golaha Wakiiladda Soomaaliland lagu soo doorto hannaanka doorashadda ee qof iyo cod. 

Doorashadii labaad ee madaxtooyada oo ahayd sanadii 2010-kii waxa ku tartamay madaxdii sadexdii xisbi ee Kulmiye, Udub iyo Ucid ee tartamay sanadii 2003-dii, doorashadaas codadkii xisbiyadu kala heleen, Kulmiye waxa uu helay 266,906 oo cod una dhigma 49.59%, halka Udub uu helay 178,881 cod boqolaydeeduna ahayd 33.23%, Ucidna uu helay 92,459 cod ahana 17.18%. Guud ahaan codadka ansaxa noqday ee codeeyey tiradood waxa ay ahayd 538,246 cod, guushuna waxa ay ku raacday xisbiga Kulmiye, madaxweyne waxa loo doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Kolka loo eego korarka cod bixiyaasha doorashadii 2003-dii iyo 2010-kii tiradad codeed ee korortay ayaa ahayd 49,703 cod una dhiganta 9.2%. Guddiga doorashadda Soomaaliland bishii Juun waxa uu ku dhawaaqay tirada codbixiyaasha ee qaatay kaararka codeynta oo ahaa 1,069,914 qof, waxse codkoodu ansaxay doorashadii 538,246 qofood, tirada aan codeyn ama codkoodu ansixina waxa uu noqday 531,668 cod, una dhigma 49.6%. 

Doorashadii saddexaad ee madaxtooyo ee Soomaaliland ka qabsoontay oo dhacday 2017-kii waxa ku tartamay xisbiyada Waddani, Kulmiye iyo Ucid, labo ka mid ah musharaxiinta jagadda madaxweynaha ayaa ahaa musharaxiin ku cusub saaxada musharaxnimo halka Faysal Cali Waraabe uu tartamayey markii saddexaad. Doorashadaas codadkii xisbiyadu kala heleen ayaa ahaa Kulmiye 305,909 una dhiganta 55.10% Waddani waxa uu helay 226,092 una dhimaysay 40.73% halka xisbiga Ucid helay codad gaaraya 23,140 una dhigma 4.17%. codadka lagu kala guulaystay ayaa ahaa 79,817 oo cod, laguna doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Doorashadaas oo ay ka dhalatay tabasho gaartay in xisbiga Waddani qaadaco natiijaddii doorashadda, xalin dheer kadib xisbigaasi waa uu tanaasulay. Dhanka kale, guddigii doorashadda Soomaaliland tiradada cod bixiyaasha ee qaatay kaararka codeynta ayaa ahayd 704,089 hase ahaate tirada codeysay waxa aay ahayeen 565,617 halka codadka xumaadayna ahayeen 10,475 cod. 80% dadweynihii qaatay karaarkooda waa codeeyeen. 

Doorashadii ugu damabaysey Soomaaliland ay dhacday sanadii 2021-kii, doorashadaas oo ahayd golaha Wakiiladda iyo golayaasha deegaanka oo isku sidankan. Doorashadaas waxa guushu ku raacday xisbiyada mucaaradka oo helay codadkii ugu badnaa, lana soo baxay xildhibaanadii ugu badnaa ee labada gole Wakiilo iyo Deegaan. Doorashadaas waxa shir gudoonka golaha Wakiiladda helay xisbiyada Mucaaradka Waddani Guddoomiye, halka labadii ku xigeena uu helay xisbiga Ucid. Tirada codadka shacabku dhiibtay ee ansaxay xisbiga Waddani waxa uu helay 258,658 (37.22%), halka Kulmiye helay 256,524 (36.91%) Ucidna uu helay codad gaaraya 179,735 (25.86%). Isku darka codadkaasi waa 694,917 cod, kolka la barbar dhigo codbixiyaasha guddigu ku dhawaaqay ee qaatay kararkooda codeyna waa 1,065,847, boqoleyda dadka codeeyey oo ahaa 65.1% codadkaas oo ansaxay. Dhanka kale shir gudoonadda golayaasha Deegaanka waxa ku guulastay intooda badan xisbiyada Mucaaradka oo na helay maayiraddii magaalooyinka waa weyn sida Hargeysa, Burco, Boorame, Ceerigaabo, Laascanood iyo Barbera oo aqlabiyada la hayeen xisbiyada mucaaradku laakinse arrimo siyaasadeed darteed gacantooda kaga baxday oo Kulmiye ku guulaystay.

Doorashada loo madlan yahay 13-ka Noofeembar 2024 oo ah doorasho isku sidankan madaxtooyo iyo xisbiyo. Tirada cod bixiyaasha ee guddiga doorashada Soomaaliland ku dhawaaqeen ayaa tiradoodu tahay 1,227,048 qof, tirada cod-bixiyaashii doorashadii 2021-kii ayey ka badan tahay 161,201 qof oo is diiwaan galiyey.   

Isbadaladda Waaweyn Ee Jira Doorashadan

Doorashadan waxa jira isbadello waa weyn oo Soomaaliland soo food saaray muddooyinka dambe, doorashooyinkii horena aan jirin, arrimaha isbadelay oo leh mudnaano kala gedisan saameyn togan iyo mid tabana ku leh doorashooyinka Soomaaliland ee loo madlan yahay qabsoomidooda maalmahan food soo haya. Isbadeladaas waxa ugu weyn.

Dagaalka Soomaaliland iyo Khaatumo

Ammintu kolkii ay ahayd Diseembar 2022-kii waxa Gobolka Sool gaar ahaan Magaaladda Laascanood lagu dilay muwaadin reer Laascanood ahaa laguna magaacaabi jiray Cabdifitaax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi), dilkaas waxa ka dhashay kacdoon bulsho oo mar kaas loo arkayey in xoog lagu maamuli karo, hase ahaate dhalay dhimasho shacabkii mudaharaadayey oo Soomaaliland u addeegsatay xoog iyo ciidamo, laakinse arrintaasi waxa ay dhashay dagaalo kharaar oo galaftay naf shacab iyo ciidamo kala duwan oo deegaan iyo Soomaaliland ba leh. Dagaalkaasi waxa uu bilaamay bishii Febraayo 2023 ilaa uu soo gaaray daba-yaaqadii bishii Ogoosto 2023-kii oo ciidamadda Soomaaliland la keenay deegaanka Oog oo ah xuduud beeleedka Soomaaliland iyo Khaatumo. 

Dagaalo kale oo dabayaaqadii bishii Oktoobar sanada 2024-ka ayaa ka bilaamay deegaanadda Hawdka ee Buuhoodle iyo Qori-lugud, dagaaladaasi oo ah dagaalo qabiil laakinse kama marna gacmaha Soomaaliland iyo Khaatumo. Dagaaladaas oo khasaare kale horseeday.

Doorashada Soomaaliland iyo Dagaaladaas soo biloowday sannadii 2023-dii waxa ay samayn weyn ku yeesheen doorashadda Soomaaliland waxa meesha ka baxay dhul weyne aad u balaaran oo codeyntu ka dhici jirtay qaybna ka ahaa jaan-goynta natiijadda doorashadda. 

Gobolka Sanaag iyo Doorashada Soomaaliland

Deegaano fara badan oo hoos taga gobolka Sanaag una badan deegaanadda Laas qoray, Badhan, Dhahar, Xingalool, Kononfurta Sanaag iyo waliba deeggaano hoos yimaada magaaladda Ceerigaabo oo horey loo geyn jiray sanaaduuqda codeynta Soomaaliland ayaan maanta ka mid ahayn deegaanadda doorashadda Soomaaliland aysan ka dhacayn. Deegaanadaas oo natiijada doorashooyinka Soomaaliland qayb ka ahaa.     

Caqabaddaha Xisbiga Kulmiye

Xisbiga Kulmiye waxa soo food saaray caqabado fara badan oo aan horey u jirin, caqabadahaas oo natiijada doorashada madaxtinimada sameyn ku yeelan doona waxana ugu weyn, muddadii taladu uu hayey waxa gacanta Soomaaliland ka baxday dhul weynihii ugu balaaranaa Sool, Buuhoodle ilaa Sanaag, deegaanadaas oo ku baxay dagaalo galaaftay nafo badan. Dagaalo ka dhacay Soomaaliland guduheeda oo uu ka mid yahay dagaalkii buuraha Ceerigaabo, iska horimaadkii buurta Gacan libaax oo dhimasho iyo dhaawac horseeday, kacdoon xoogan oo ka jira Gobolka Awdal saldhiiguna yahay saami qaybsi oo horseeday ku dhawaaqista Jabhad hubaysan, dhaqaale xumo aad u weyn iyo sixir baraar xaragaha goostay, oomananta beelaha Garxejis ee kursiga dalka ugu sarreeya. Burburka isbahaysigii Bariga Burco iyo Gabiley (jeegaanta) oo muddo dhawr iyo labaatan sano ahaa jaal siyaasadeed, haddase kala xariga furtay, kaadirin waaweyn oo aasaaskii xisbiga Kulmiye oo banaanka u baxay kuna biiriyey cududoodii xisbiyada Mucaaradka gaar ahaan xisbiga Waddani, kuwo furtay ururo siyaasadeed, ka dhaqaaqista odayaashii dhaqanka Soomaaliland oo intoodii ugu badnayd hormuud u ahaa isbadel Soomaaliland ka dhaca, dhacdooyin kala gedisan oo u badan xariga lagula kacay shacab, siyaasiin, xildhibaano, masuuliyiin xisbi, fannaaniin, madax dhaqameed, dhallinyaro, aqoonyahan, wariyaal, ganacsato iyo qaar kale. Magaalooyinka Hargeysa oo ay ka dhaceen mudaharaadyo xisbiyada mucaaradku qabteen hase ahaate dawladu kaga jawaabtay rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawaca, ka bixitaanka xildhibaano gole deegaan iyo inta badan maayiradda goleyaasha deegaanka oo ku jira gacanta xisbiyadda mucaaradka, madaxweyne Biixi oo horey loo soo doortay horyaalaana balanqaadaydii doorashadii hore ee aan fulin, caa’ilada madaxweynaha oo talada dalka gacanta la galay. 

Fursaddaha Xisbiga Kulmiye

Xisbul xaakimka Soomaaliland ee Kulmiye fursaddda ugu weyni oo haddii si waafiya u hirgasho, dadweynaha dhexdooda waxa uga goyn kartaa waa dantii uu u galay heshiiskii Soomaaliland iyo Itoobita oo badelkeedu ahaa helitaan aqoonsi (madax-banaani) dawladda Itoobiya siiso Soomaaliland oo aan weli si rasmiya u hirgalin, soona food saartay diidmadii iyo dadaaladii dawladda Soomaaliya ka gashay in uusan hirgalin qorshahaasi. 

Caqabaddaha Xisbiga Waddani

Xisbiga Waddani waxa jira caqabado dhawr ah oo ay ugu horeeyaan deegaano badan oo horey codad badan uga helay maantana ka baxay gacanta Soomaaliland, kuwaasi oo aan rajo dambe laga qabin oo codeyn, isku sidkanaanta doorashada madaxtooyda iyo xisbiyada oo leh dildilaacayo siyaasadeed qaybtood qarxay kuwa kalena qarxi karaan ka hor doorashadda sababta ugu weyn oo aha xisbiga oo doonaya waxa ay dhammaan ururadu doonayaan. Dagaaladda kasoo cusuboonaaday deegaanadda Hawdka oo waji kale u yeeli kara doorashada Soomaaliland fursadna u noqon kartaa xisbiyada kale una goyn karta codad.  

Fursaddaha Xisbiga Waddani

Waddani waxa uu haystaa fursado aad u waaweyn oo lagu dooran karo sida musharaxa xisbiga oo la tartamayaa Muuse Biixi oo ah Madaxweynaha talada ku fadhiya inta badan doorashooyinka dunidda ee daaha-furan fursaddaha dib doorasho madaxda talada haysa aad bay u yaryihiin, waa kolkii doorashadu tahay mid xor oo xalaala sababta ugu weyn oo ahaa xisbiga ama madaxweynaha talada hayaa oo khaladaadkoodu fursada u noqda cidda la tartamaysa. Dhanka kale waxa la tartamaya Faysal Cali Waraabi oo tartamaya kalkiisii afraad, fursaddaha kale, beesha uu kasoo jeedo musharax Cabdiraxmaan Cirro oo muddo fara badan aan qaban talada Soomaaliland taas badalkeedna tirsanayaa in kursiga laga hor-joogay kolkana yahay ammintoodii salaadiinta beelaha kalena la doonayaan. Xisbiga Waddani oo barnaamijkiisa siyaasadeed gun-dhig uga dhigay soo celinta iyo walaaleynta bulshooyinkii kala irdhoobay oo dad badan oo foolaadka reer Soomaaliland aaminsan yihiin in dib laysugu soo noqon karo haddii isbadel yimaado Cirro hoggaaminaayo, isbahaysiga ururada Soomaaliland iyo xisbiga Waddani oo baritaar u noqon karaa musharaxa xisbiga Waddani, ururadaas oo ururka ugu tunka iyo miisaanka weyn ee Kaah heshiis siyaasadeed la galeen xisbiga Waddani, natiijooyinkii kasoo baxay shirar beeleed kala duwan oo ka dhacday Ceel Afweyn, Burco, Hargeysa, Boorame iyo deegaano kale laguna taageeray musharaxa xisbiga Waddani, tiradda ugu badan ee odayaal dhaqameedka Soomaaliland horseedna u yihiin salaadiinta soo jireenka ah oo u muujiyey taageero musharaxa xisbiga Waddani, Waddani oo fursaddihiisa ay ka mid tahay haysashada maayirada magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland, doorashadana ku leh door aad weyn, dhanka ku dhex jirista dadweynaha, qunyar socodnimada Cirro oo loo arko fursad abuuri karta jawi degnaanasho. Docoda kale xisbiga Waddani oo helay ku biiritaanka kaadiriin xisbiyeed iyo shakhsiyaad kale oo aad u waaweyn codadka deegaanadooda saamayn ku leh, xisbiga waddani oo xalinta tabashadda reer Awdal ku helay taageero lixaad leh, Madaxweyne ku xigeenka talada haya Saylici oo dhisaya ururka Barwaaqo oo isbahaysi la ah Waddani.    

Caqabaddaha Xisbiga UCID

Caqabadda ugu weyn ee xisbiga Ucid haysta waa musharaxnimada Cabdiraxmaan Cirro oo ay kasoo wada jeedaan isku daraa dhaw, bulshada oo aan laabta u wada furin Faysal Cali Waraabe taas oo ahaa muddo ku siman afar doorasho oo madaxtooyo uu hor tagnaa, xisbiga Ucid oo aay ku yaryihiin maqaawiirta siyaasadda ee door muuqda ku leh codadka yaala deegaanadooda.

Fursaddaha Xisbiga UCID

Musharaxa Faysal Cali Xuseen oo fursadiisa kaliya noqon karto bulshada Soomaaliland oo u aragta badelka Mudane Biixi taasi aad bay u yartahay oo dadweynuhu badelka Muuse waxa aay u arkaan Cabdiraxmaan Cirro taasina waxa ay aad u yaraysay fursadda Faysal Cali Waraabe.

Jaangoynta Salaadiinta ee Jihadda Doorashadda

   Salaalidinta dhaqanka Soomaaliland waxa ay door muuqda ku leeyihiin jaangoynta jihadda doorashadda, iyagoo addeegsanayaa samaayntooda taban iyo mid togan ba sida abaabulka, wacyi-galinta iyo ku dhiirashadda ka qayb-galka doorashooyinka. Odayaasha dhaqanka Soomaaliland waxa ay daw u jeexeen doorashadan oo muddo ku siman labo sano aan loo helin waddo, odayaasha oo keenaya qabashada doorasho isku sidankan, go’aankoodiina noqday mid qaabeeyey hannaanka doorashadda la filayo 13-ka Noofembar. 

Shir kala duwan oo ka dhacay gudaha Soomaaliland garwadeenkooduna ahaa salaadiinta dhaqanka waxa ay horseedeen iftiiminta jihadda guusha madaxweynaha talada imanayaa, sida haddana muuqata inta badan salaadiinta dhaqanku waxa ay la jaal yihiin in Soomaaliland ka dhacdo isbadel siyaasadeed cudud iyo taageerona lagu biiriyo musharaxa Cabdiraxmaan Cirro, arrintaas waxa tusaale buuxda u ah qabashada shirar qabiil oo lagaga arrinsanayo jihaynta codka dadweynaha dhaqankuna laf-dhabar u yahay.  

Saameynta Isbahaysiga Isbadel-doonka Siyaasadda

   Muddadii ugu dambaysay ee la gaaray heshiiska doorashadda, Soomaaliland waxa kasoo burqanayey is-af-garad, xulufaysi, isbahaysiyo abaabulan, wada-hadalo, saxiixiyo heshiis oo isbadal siyaasadeed salka ku hayaa. 

Arrimaha isbahaysiga siyaasadu oo u badan dhanka mucaaradka gaar ahaan xisbiga Waddani oo heshiisyo kala duwan la galayey ururadda siyaasadda, haldoorka, ganacsatadda, salaadiinta, iyo siyaasiyiin madax banaan.

Inta badan bulshada Soomaaliland isbadel siyaasadeed oo dhac doorashadda madaxtooyada waxa ay u arkaan inuu ku jiro jiritaanka iyo midnimadda walaalaha wada leh Soomaaliland oo qolo ka mid talada dalka laga oomiyey waqti aad u dheer, tabashadaasna xalkeedu uu u muuqda in maanta kursiga lagu baritaaro sida dhawaaqyada kasoo baxaya salaadiinta dhaqanka, haldoorka, siyaasiyiinta, haweenka iyo qaar kaloo badan.

Doorashadan waxa samayn buuxda leh ururadda siyaasadda oo hirdan adag ugu jiraa sidii ay xisbiyo qaran ku noqon lahayeen, codka kale ee madaxweynahana lagu dhiso musharaxiinta fursada u helay in ay u tartamaan doorashada madaxtooyda.

Inta badan ururadda siyaasadda ee saamaynta togan ku leh doorashada Soomaaliland waa isbadel doon, cududoodna ku biirinaya in Soomaaliland ka dhaco isbadel siyaasiya loona arko fursado, qofka siyaasiga ah ee dib jooga ah inta badan waxa uu dadalkiisu yahay isbadel si uu u helo ribix siyaasadeed.        

Qabyaaladda iyo Doorashadda

   Sanadkan ololaha doorashadda Soomaaliland iyo casriga warbaahineed  ama baraha bulshadda waxa aad u xoogan addegsiga ololaha ee qabiilka, arrintaas oo ololeyaasha si toos ah afka ugu dhufanayaan, ashkhaas badana xisbiyada ama ururadda reerahooda ugu jiraan olole xoogan. Doorashooyinkii hore saamaynta balaaran ee baraha bulshada iyo warbaahinta aad bay u yaraayeen, taas badelkeeda waxa dhif ahaa helitaanka xogaha la xiriira ololeynta qabyaaladda. 

Arrintan oo salaadiin, siyaasiyiin, cuqaal, haldoor ba sanadan aad ugu dhiiradeen ku dhaceeda iyo in qolo ka mid ahaa walaal wada leh Soomaaliland qatan yihiin loona galo olale qabiil si kursiga loo saaro, dhanka kale, waxa aad mooda in ay saamayn ku yeelatay dadweynaha oo qaybo ka mid aha u arkaan duulaan lagu soo qaaday musharaxa reerkooda. 

 

Tabashadda Saamiga ee Reer Awdal

   Doorashadan waxa aad u jira kacdoon xaragaha goostay, horeyna aan u jirin soona xoogaystay dagaalkii Laascaanood kadib, tabashadaas oo kasoo bilaabatay galbeedka Soomaaliland gaar ahaan gobolka Awdal oo dooduna tahay helitaanka Soomaaliland loo wada siman yahay, dhaqaalaha, xilalka siyaasiga ah ee dawladnimada muhiimad gaar ah u leh sida wasaaraddaha Maaliyadda, Arrimaha gudaha, Arrimaha dibadda, xisbiyada, furitaanka dastuurka, addeegyada dawladeed, maamulka ciidamadda sida helitaanka taliyaasha Booliska, Sirdoonka, iyo Militariga oo hadda jira dhan kaliya iyo dhammaan awood qaybsi rasmiya oo dhan walba ka dhisaalan.

Doonista saamiga reer Awdal waxa uu doorashadda Soomaaliland ku shubayaa shidaal hor leh oo ku dhisan isbadel sababtoo ah xukuumadda talada haysa waa tan laga cabanayo, musharaxiinta iyo ururadda siyaasaduna waxa ay olole buuxa ku galeen, mudnaanta, qaabaynta iyo hirgalinta dooda reer Awdal oo musharixiinta qaarkood balan-qaadeen furista dastuurka Soomaaliland is loo xaliyo tabashada reer Awdal. 

Inta badan fursadan waxa ay u gadamaysa musharaxiinta doonaya qabashada xilka madaxweynaha oo dhanka kale ku duraya dawladda hada jirta in ay ka gaabisay maaraynta iyo maamulida arrimaha reer Awdal, si gaara arrintanu waxa aad mooda in ay ribix siyaasiya u tahay musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo doorashadii hore codad lixaad leh ka helay gobolka Awdal.

Tabashada reer Awdal kaliya kuma dhisana doonista xilal waxse dibad joog ah qaybo badan oo salaadiinta iyo siyaasiyiin uuna ugu horreeyo Ugaaska guud ee deegaankaas, dhanka kale waxa xariga lagula kacay xilidhibaan ka mid ah golaha Wakiiladda saamayna ku leh deegaankiisa, hormuudna u ah jiil jooga Awdal.

Kaadiriinta Siyaasadda iyo Doorkooda Doorashadda

   Maqaawiirta siyaasadda Soomaaliland waxa ay door muuqda ku leeyihiin jaan-goynta jihada doorashooyinka ka dhaca deegaanadaas. Tusaale Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa kaadiriintii xisbiga Kulmiye tacabka badana galiyey doorashadii madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu saamayn xooga oo muuqata ku yeeshay doorashadii golaha Wakiiladda iyo Deegaanka isagoo maqaawiirta xisbiga Kulmiye kaga adkaaday dorashadii Bariga lana soo baxay xildhibaano fara badan reerkiisana gacanta u geliyey mudanayaal barlamaan aysan horey u lahayn, qodobkaasi waxa uu tusaale nool u yahay saamaynta kaadiriinta ee doorashadda, dhanka kale, Maxamuud waxa uu door muuqda ku lahaa doorashadii shir gudoonka golaha Wakiiladda Soomaaliland labadii jeerba oo ay guushu raacday musharaxiintii uu baritaarayey, ammintaasna waxa lagu bixiyey magacii hano-qaaday ee Jookarka siyaasadda Soomaaliland. Waxa jira kaadiriin badan oo xisbi iyo kuwa siyaasadeed oo madax banaan oo dhisaya isbadel doonka kuna jira olole xoogan sidii ay u jihayn lahayeen doorashadda madaxtooyada iyo tan ururadda, codka dadweynahan loo maarayn lahaa iyagoo addeegsanaya xirfadda xidaarnimadda.

Kaalinta Warbaahinta, Baraha Bulshadda iyo Fannaaniinta 

   Doorshaddan waxa door aad u weyn ku leh fannaaniinta, warbaahinta iyo baraha bulshadda gaar ahaan barta tiktok oo dhalinyaro fara badan oo haystaa kumanaan iyo ku dhawaad maaliyin raacayaal ah (followers) oo si toosa ula kala safan xisbiyada iyo ururadda siyaasadda kuwaas oo dhawaaqa geynaya meel aad u dheer. 

Warbaahinta kala duwan ee wararka u tabaya dadweynaha waqtigan waa ka awood badan yihiin doorashooyinkii hore, arrimahaas waxa fududeeyey heerka uu gaaray hannaanka isgaarsiinta iyo internet oo xawaarihiisuna aad u sareeyo guri, geed, gaari iyo gabaad walbana gaarsiisan. Warbaahinta oo addeegsanaysa qaybaha kala gedisan ee baraha bulshadda waxa ay shidaal badan ku shubeen karaarka doorashadda, ololaha, iyo wacyi galinta dadweynaha iyagoo fariimaha u marinayaa bar kulanada sida Facebook, X (Twitter), Tiktok, Television channels iyo iwm. 

Dhanka kale, waxa jira wariyaal si toos ah ugu biiray ololaha doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo xisbiyada, kaalin muuqatan ku dhex leh talooyinka, qorshayaasha, qaabaynta, qaada-dhigista hannaanka danabaysan ee doorashadda, dadaaladda ugu badan ee wariyaashu oo ah dirista fariimo xamaarsan olole iyo codeynta bulshadda ee maalinta doorashadda. 

Fannaaniinta reer Soomaaliland mar walba door muuqda ayey ku lahaan jireen doorashooyinka, iyaga oo taageeri jiray musharaxiinta kala duwan ee ku tartamaaya doorashadda, inta badan kaalintoodu waxa la arki jiray maalmaha ololaha doorashadu bilaabato, hase ahaate sanadkan doorkoodu wuu ka duwan yahay kalkii hore, sida muuqatay ka hor intii aan la gaarin ololaha doorashadda ayey bilaabeen taageero kala gedisan oo ay la kala safanayeen musharaxiinta iyo ururadda siyaasadda ee doorashada galaya. Kooxda Fannaaniinta Soomaaliland ee Xidigaha Geeska oo si naf-hurnnimo ah u garab istaagay musharaxa Cabdiraxmaan Cirro iyagoo soo qaaday heeso badan oo aad lagu dhaliilayo madaxweynaha talada haya ee Mudane Muuse Biixi, qaab heesaadkanu horey uguma dhicin Soomaaliland, dhanka kale waxa jira fannaanin aan ku jirin kooxo laakinse taageero la barbar jooga musharaxiinta doorashadda. Dhanka kale, kooxda Dayax Band oo taageero aad u weyn la garab joogsaday madaxweynaha Soomaaliland si weyna uga soo jawaabayey heesaha kala gedisan ee ka imanayey fannaaniinta Waddani taageersan, waxa kale oo jira fannaanin ka madax-banaan kooxaha oo madaxweynaha safkiisa ku jira.       

Korarka Tirada Cod-bixiyaasha Ee Doorashadan

   Tirada shacabka reer Soomaaliland ee u diyaarsan in ay bixiyaan codkooda kuwaas oo qaatay kaararkii cod bixinta, sida guddiga doorashadda Soomaaliland iclaamiyeen bishii Juun 2024, waa tiradoodu gaaraysa 1,227,048 qof. Dhanka kale sanadkii 2017-kii dadweynaha qaatay kaararka cod bixinta tiradoodu waxa ay ahayd 704,198 sidii guddigii hore ee Komishanku ku dhawaaqeen kolkii doorashadu soo dhawayd. 

Isbadel xoogan ayaa ku yimi tirada cod bixiyaasha maanta, kuwaas oo kordhay tiro gaaraysa 522,850 cod oo cusub una dhigma 42.6%. Tirada cod bixiyaasha ee gobol walba aay ka sara martay tiradii hore ee 2017-kii. Goboladda sida xawaaliga ha codadkoodu u kordheen waxa ugu horreeya gobolka Maroodi-jeex codadka u kordhay waa (50%), Awdalna (43.5%), Togdheer (37.6%) Sool (35.6%), Saaxil (34.3%), Sanaag (32.8%) waanna gobol ugu yar dhanka korarka codadka.    

Dhanka dhiibashada codka ee dadweynaha gaar ahaan goobaha codadka bulshadu kolkii loo eego cod bixintii doorashadda madaxtooyada ee sannadii 2017-kii, deegaanadda si buuxda bulshadu codkoodu u dhiibteen waxa ugu horreeyey gobolka Maroodix-jeex oo 87%, gobolka kusoo xigay waxa uu ahaa Togdheer 82% halka goboladda Saaxil (80%) iyo Awdal (79%), gobolka Sanaag (71%) iyo gobolka ugu yaraa cod bixiyaasha doorashadaas waxa uu ahaa Sool tirada boqoleyda ah ee codkooda dhiibtay waxa ay ahaayeen (63%) guud ahaan dadweynihii is diiwaangaliyey. Celcelis ahaan dhammaan cod bixiyaasha goboladda wuxuu ahaa (77%).

Odoraska Natiijadda Doorashadda 2024

   Soomaaliland sida ku xusan qaybaha hore ee maqaalkan waxa kasoo qabasoomay saddex doorasho oo codka dadweynaha ah (qof iyo cod), doorashooyinkaas oo hal xisbi ku guulaystay labo jeer guddoonka talada (madaxweyne) waana xisbiga Kulmiye oo dhawr iyo labaatan sano ahaa xisbi qaran.

Natiijooyinkaas doorashooyinka Soomaaliland 2003-dii ilaa 2017-kii marna qaab iyo ififaalo gaar bay lahaayeen. Natiijadii doorasho ee awooda xoogan laysu sheegtay waxa ay ahayd 2010 oo lagu kala guulastay boqoley gaaraysa 16.36%, ammintaas oo bulshadu hamuun u qabtay isbadel siyaasadeed oo talada looga tuuray xisbigii awoodda badan ee Udub.

Doorashadanu waa mid ka duwan guud ahaan doorashooyinkii Soomaaliland ka dhici jiray, waxa burburaya isbahaysigii xisbiga Kulmiye ee Bariga Burco iyo Gabiley (Jeegaanta), isbahaysigaas oo doorashooyinka Soomaaliland ku lahaa codad xoogan oo wada jira, doorashadii ururada Soomaaliland oo ku sidkan tan madaxtooyada oo in badan saamayn ku yeelnaysa natiijadda doorashadda, dagaalo aan horey uga jirin Soomaaliland oo maanta deegaanno fara badan ka holcaya, kacdoono dadweyne oo xaragaha goostay jihaynta doorashadna door ku leh, qabyaaladda oo aad u xoogan, warbaahinta iyo isticmaalka baraha bulshadda oo saamaytoodu balaaran tahay door muuqdana ku leh doorashadda, dhaqaale xumo baahsan, salaadiin dhaqan oo hirdanka siyaasadda si xaawliya ugu jira oo jahida natiijadda doorashada baritaari kara, deegaano badan oo Bariga oo aan doorashadda Soomaaliland guud ahaan markii ugu horreeysay aysan ka qabsoomayn, iyo arrimo kale oo fara badan door buuxna ku leh natiijadda horeyna u dhici jiray. 

Natiijaddii Doorashadii Hore ee Xisbiga Kulmiye

Xisbul xaakimka Soomaaliland doorashadii madaxtooyada ee sanadii 2017 waxa uu helay 305,909 cod oo ansaxay codadkii ugu badnaa xisbigu waxa uu ka helay gobolka Maroodi-jeex codadka uu helayna waxa aay ahayeen 130,334 cod una dhigma 61% ee codadka guud ee gobolkaas.

Gobolka labaad ee codadka ugu badan ee lagu doortay madaxweyne Mudane Muuse Biixi waxa uu ahaa gobolka Saaxil oo codad gaaray 31,183 cod boqoley ahaan noqonaya 64.7% waana gobolka ugu badan boqoleyda u codaysay xisbiga Kulmiye, marka la barbar dhigo tirada codadka gobolkaas.

Gobolka saddexaad ee codadka badan xisbigu ka helay waa gobolka Sool oo uu helay codad gaaray 21,707 una dhigmayey 54.9%, deegaanadda uu ku xoogan waxa ka mid ahayd degmada Caynabo.

Gobolka Afraad ee xisbul xaakimku ka helay codadka ugu badan waxa uu ahaa gobolka Togdheer 57,499 cod lana mid noqonaya boqoley ahaan 48.6% guud ahaan codadkii ansaxay.

Gobolka Shannaad waxa uu ahaa gobolka Awdal oo doorashadii madaxtooyada ee lagu doortay madaxweyne Muuse Biixi waxa xisbigiisu ka helay codad tiradood gaarayso 38,454 cod, boqoley ahaana noqonaysa 48%. Degmooyinka Saylac iyo Lughayo buu xisbigu codadka ugu badan ka helay.

Gobolka Lixaad ee madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi ka helay codadka gaaraya 26,732 cod wuxuu ahaa gobolka Sanaag codadkaas oo u dhigmayey boqoley gaaraysa 47.6%. Dhanka kale, gobolka Sanaag waxa uu ahaa gobolka xisbiga Kulmiye ugu codka yaara, codad badanse Waddani kama badnayn.  

Natiijaddii Doorashadii Hore ee Xisbiga Waddani

Xisbiga Waddani doorashadii madaxweynaha ee 2017-kii, gobolkii uu ugu codka badnaa waxa uu ahaa gobolka Awdal oo uu ka helay codad gaarayey 40,959 cod una dhigmay 51.17%. Gaar ahaan magaaladda Boorame oo uu codadka ugu xoogan laga siiyey. 

Gobolka Togdheer oo ahaa gobolkii labaad ee musharaxa xisbiga Waddani ka helay codadka ugu badan oo noqday tiro dhan 59,404, boqoleeyna ahaa 50.2%. Degmadda Oodweyne gebi ahaan codkoodii waxa uu maray dhanka Cabdiraxmaan Cirro. 

Gobolka Sanaag waxa uu ka mid ahaa saddexda gobol ee xisbiga Waddani hoggaaminayey codadkooda, gobolkaas musharaxa madaxweynuhu waxa uu ka helay tiro codad ah oo gaarayey 28,777 una dhigmayey 51.3% codadka guud ee ka codeeyey deegaanadda hoos yimaada gobolka.

Gobolka Sool oo ahaa deegaankii afraad ee xisbiga Waddani codadka ugu badan uu ka helay, codadka gobolkaas uu ka helay waxa uu gaarsiinaa 17,426 boqoley ahaan noqonaysa tiro dhan 44%. Codadka ugu badan ee Sool xisbigu waxa uu ka helay Magaaladda Laascanood.

Gobolka Shanaad wuxuu ahaa gobolka Saaxil oo uu musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro ka helay codad ku siman 16,399 cod, una dhigmaya 34% codadka guud ee Saaxil.

Gobolka Maroodi-jeex mar waa gobol uu xisbiga Waddani musharixiisu ka helay codadka ugu badan ee cod bixinta, hase ahaate kolka loo eego tirada codadka gobolkaas yaalay waxa uu noqonayaa gobolka uu ugu codka yaraa, waxa uuna ka helay codad dhan 63,127 oo u dhigma 29.6%. Degmadda Hargeysa oo ah caasimadda Soomaaliland codadka ugu badana yaalan xisbigaasi waxa uu ka helay cod gaaraya 54,013 cod, Hargeysa waa meelaha xisbiyada Kulmiye iyo Waddani sida weyn ugu kala baxeen, Kulmiye kaliya waxa uu ka helay cod tiradiisu noqonayso 86,024 cod. 

Natiijaddii Doorashadii Hore ee Xisbiga Ucid

Xisbiga Ucid oo musharixiisu ahaa Mudane Faysal Cali Xuseen (Waraabe), gobolka ugu badan ee uu xisbigaasi codadka ka helay wuxuu aha Maroodi-jeex 19,795 una dhimay 9.28%, gobolka labaad waxa uu ahaa Saaxil oo uu xisbigu ka helay codad gaaray 563 cod una dhimay 1.17%. Togdheer waxa uuna ka helay 1,233 oo ah 1% codadka guud ee ansaxay. Gobolka Afraad waxa uu noqonayaa Sanaag oo uu ka helay codad dhan 550 cod, boqoley ahaan ah 0.98%. Gobolka Shannaad waxa uu ahaa gobolka Sool 383 cod oo ah 0.96% codadka guud ee gobolkaas. Gobol ugu hooseeyey codadka dadweynaha xisbiga Ucid iyo musharax Faysal Cali Waraabe waxa uu ahaa gobolka Awdal tirada codadka u codeeyey waxa ay ahayeen 617, oo noqonaya 0.7% (less than one percentage).

Saadaasha Natiijadda Doorashadda Soo Socota (13-ka Nov 2024)

   Dib u milicsiga natiijaddii doorashadii hore, isbahaysiga isbadel doonka siyaasadeed, salaadiinta Soomaaliland ee dorashadda ku dhidban, xisbiga talada haya ee Kulmiye oo mar kale fursad musharaxnnimo u abuuray musharax Muuse Biixi Cabdi, Dagaaladda Soomaaliland iyo Khaatumo, korarka lixaadka leh ee ku siyaaday tirada cod bixiyaasha oo gaaraysa 42% oo ah codad cusub, saamaynta baraha bulshada iyo warbaahinta ee doorashadda, doorasho isku sidkan ee madaxtooyada iyo xisbiyo, xoogaysiga qabyaaladda, saamiga gobolka Awdal, maqnaanshaha deegaanadda Sanaag aan ahayn Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn, jookarada jaangoynaya jihada siyaasadda, ganacsatada, warbaahinta, aqoonyahanka, haldoorka, haweenka iyo dhalinyaradda u diyaarsan in ay codeeyaan, guud ahaan kaalimahaas oo aan kor kusoo xusay waxa ay door muuqda ku yeelan doonaan natiijadda doorashadda soo socota iyo deegaano laga filayo isbadelo xoogan.

Gobolka Awdal iyo Doorashadda 2024

Gobolka Awdal sanadkii 2017-kii waxa aad ugu xoogan xisbiga Waddani oo helay codadka ugu badan, doorashadii golaha wakiilada iyo deegaanka ee 2021-kii helay xubnaha ugu badan ee golaha deegaanka halka Wakiiladna xisbiga Kulmiye sinaayeen. Gobolkaasi cududa codkiisu waxa uu maraya dhanka isbahaysiga isbadel doonka Soomaaliland codadka ugu badan waxa helay musharaxa madaxweynaha Cabdiraxmaan Cirro oo si weyn uga faa’idaystay tabashooyinkii saami ee reer Awdal inuu xalinayo, garabkiisna ay joogaan kaadiriin badan oo gobolkaas u dhashay saamayn ku leh jihada iyo jaan-goynta codadka dadweynaha uguna horreeyo Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland oo dhisaya ururka Barwaaqo oo mushariixisu yahay Cirro. Deegaano badan oo xisbiga Kulmiye ku xooganan jiray baa isbadel ka iman doona sida Saylac iyo Lughayo.

Gobolka Togdheer iyo Doorashadda 2024

Deegaanadda gobolka Togdheer doorashadan waxa weyn baa iska badalaya hannaankii hore ee uu doorashooyinka ku geli jireen, waxa ku soo kordhay dagaalo u dhaxeeya beelaha wada degan deegaankaas oo garab istaag ka helaya dawladda, shacabka Soomaaliland iyo bulshada Khaatumo iyo maamulkooda, waxa burbur xoogan uu gaaray isbahaysigii jeegaanta oo muddo ka badan 22 sano ka dhisnayd bariga Burco iyo Gabiley haddase kala furtay xaragaha. Bulshadda bariga Burco waxa ay ku dhawaaqeen in ay dhisayaan walaalahood galbeedka Burco iyo musharax Cabdiraxmaan Cirro, xaaladaas oo wax badan ka badeli doonta sanaadiiqda cod bixinta ee gobolkaas yaala, doorashaddii hore Waddani baa ku xoogana gobolka haddan wuu ku xooganan doona kolka loo eego korarka ku yimi cod bixiyaasha. Dhanka kale, bulshadda bariga Burco oo u muuqda in culays badan oo ku iman karay doorashadda 2030 in ay hadda dajinayaan, taas oo u muuqata in kolkoodu noqdo doorashadan doorashadda xigta, gogol xaarasho ku jiraan. Meelaha isbadeladu ka iman doonan waxa ka mid noqonaysa gudaha magaaladda Burco oo ahaan jirtay xudun xisbiga Kulmiye.

Gobolka Maroodi-jeex iyo Doorashadda 2024

Caasimadda Hargeysa, Gabiley, Salaxley iyo Bali-gubadle oo ah degmooyinka gobolka Maroodi-jeex waxa laga filayaa qaybo ka mid isbadelo ku yimaada hannaankii codadkoodu ahaan jiray gaar ahaan magaalooyinka Bali-gubadle oo doorashadii hore udub-dhexaad u ahayd xisbiga Kulmiye haddase u muuqata xoogeedu inuu jiri doono dhanka xisbiga Waddani musharaxiisa Cabdiraxmaan Cirro, Salaxley oo horey saldhig ugu ahayd Faysal Cali Waraabe codkeeda waxa ku iman doona isbadel, gudaha Magaaladda Hargeysa waxa ka dhici doona hardan adag oo u dhexeeya labada xisbi Kulmiye iyo Waddani oo saldhigiisu noqon doon is ceshi, degmadda Gabiley codkeeda waxa badan iska badeli maayo waxa ay la mid noqon doontaa Oodweyne, badanka codadka Gabileyna waa dhanka xisbiga Kulmiye.

Gobolka Saaxil iyo Doorashadda 2024

Magaalooyinka Barbera iyo Shiikh muga codadkoodu waxa uu ahaan jiray xisbiga Kulmiye doorashadii 2017-kiina waxa labadaas degmo ku xoogan musharax madaxweyne Muuse Biixi, hadda waxa dhici karta in laga arko isbadel ku yimaada codkooda laakinse si rasmiya looma saadaalin karo, hase ahaate kaadiriin badan oo reer Saaxil ah baa saaran salaanka xisbiga Waddani kuna dadaalaya in codad xoogan ka yimaado dhanka gobolkooda gaar ahaan labadda degmo ee Shiikh iyo Barbera.

Ceerigaabo, Caynabo, Ceel Afweyn iyo Doorashada 2024

Sadexdan degmo oo ka tirsan goboladda Sanaag iyo Sool doorashadii hore ee 2017-kii labo gobol oo ka mid ah waxa ku xooganaa xisbiga Kulmiye waa Caynaba iyo Ceel Afweyn, halka xisbiga Waddani ku awood sarreeyey degmadda Ceerigaabo. Doorashadan oo ah mid isku sidkan dhawaan baaqii beelahaasi si bareere ah u taageereen musharaxa Cabdiraxmaan Cirro iyo isbahaysiga isbadel doonka siyaasadeed ay garwadeenka ka yihiin Maxamuud Xaashi iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan oo kasoo wada jeeda deegaanadaas si wadajirna u dhisaya musharaxaas. Ceerigaabo codkeeda waxba iska badeli maayo waxa uuna maraya dhanka xisbiga Waddani codadka ugu badan waxa helaya musharax Cirro. 

Gunnaanadka Qormadan

   Qormadan oo si waafiya oo walaf u weeleysay doorashadda Soomaaliland ee ku aadan bisha Nofembar 13, 2024. Doorashadaas oo ay ku tartamayaan musharaxiinta jagada madaxweynaha, ururadda siyaasadda waa mid xambaarsan isbadel siyaasadeed oo Soomaaliland ka dhici doonaa kolka aad eegato doonista dadweynaha iyo rucla orodka siyaasiyiinta, salaadiinta oo intooda ugu badan raadinaya waji ka duwan madaxweynaha talada hayaa ee Mudane Biixi. 

Guud ahaan dadaaladda socda oo ififaalahoodu u muuqdo siyaasi jadiida oo ku cusub kursiga madaxweynaha inuu waddada soo hayo, lana baritaaro isbadel-doonka, arrintaas oo ay shidaalinayaan haldoorka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, salaadiinta, dadweynaha, warbaahinta, fannaaniinta iyo cid walba oo doonaysa in ay Soomaaliland isbadel ka dhaco.

Codadka lagu kala guulaysan doono doorashadan saadaashayda waxa uu ka badnaan doonaa codadkii ugu badnaa ee madaxweyne laga doorto ee doorashadii dhacday sannadii 2010-kii oo Madaxweynihii hore mudane Axmed Siilaanyo kaga guulaystay Mudane Daahir Riyaale, codadkaas oo gaarayey 88,025, una dhigmayey 16.35% gebi ahaan codadka ansaxay. 

Saadaasha sahankayga waxa uu saldhigtay in Soomaaliland isbadel siyaasadeed ka dhici doono. Qoraalka Alle (SW) waa halkiisa amarka iyo go’aamadda waxa gaar u leh weynaha weeleeyey waxa walba oo aadamaha ka mug iyo miisaan weyn, Allahaas oo aqoon, xikmad, xeelad, xoog, xidaarnimo iyo xadaarada ba u leh waxa kasta oo aan bini aadamku cilmigiisa aan ahayn (Qaddar), ogaanshaha waxa soo socda.  

Comments

Popular posts from this blog

MALA MAAMULI KARAA DUUL GAAJAYSAN!

SOOYAALKA SALADDAHA SOOMAALIDA