DAREEN AMA DAN KU SAAXIIB W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN
“Allow Saaxibo Wacaniyo, Qaar Samaha Jeceloo, Na Saluugin Waligood Summadooda Noo Badi”
Saaxiibtinimadu waa dhawr nooc oo kala duwan sida dareen, dan iyo sheeko wadaag, mid walbana waxa ay leedahay micno iyo min-qeexid aad uga faaloonaysa fahamkeeda.
Mancaha ku duugan maqaalkanu waxa udub-dhexaad u ah fasirka iyo fahanka sida muga iyo miisaanka weyn aan ugaga faaloonayo heerark iyo haykaliska ay leedahay saaxiibtinimada ku dhisan dareen ama dan.
Sunnaha aasaasiga ee saaxiibtinimadu waa arrin dhanka suubbanaheenna aad ugu weyneeday (NNKH), oo maamulkiisi gadaashiisa waxa muslimiinta mutay majarahooda saaxiibkii dhabta ahaa ee Rasuulkeenna ((NNKH Abuubakar Al Sadiiq (RC) oo ahaa saaxiibkii rumaad ee xabiibkeenna Muxammad (NNHK).
Dhab ahaanshaha saaxiibtinimada rumaad waxa xaalad muhiim u ah nolosha aadaamaha taas si waafiya oo walaf u weeleeysa wadaag dhib iyo dhiif wixii ay mutaan asxaabtaas si aaminay, Alle dartiina u saaxiibay, dareenkooduna noqday la jecelow wanaag walba oo naftaadu doonayso saaxiibkaagaga rumaad.
Sida ku xusan magaca qormadan oo saldhigeedu yahay saaxiibtinimada ku dhidban dareennimo ama dan gaara, waa labo nooc oo ka mid ah rafiiqnimada ama saaxiibtinimada ka jirta aadamaha dhexdooda.
Dareen Saaxiibtinimo: rafiiqnimada ku dhisan dareen saxiibtinimo waa ka guro fogtahay nooc walba oo saaxiibtinimo, saldhigeeduna waa sal ogaanshaha saaxiibka rumaad, heerarka rafiqinimadaasi gaarto waa in aad wax walba oo naftaadu doonayso ka horumarisaa doonista saaxiibkagaga dhabta, marxaladaha la gaaro waxa ka mid ah in aad u dhib mudantid mansabka, magaca, milgaha, muujinta saaxiibkaas oo dano badan aad adigu lahayd dartiis uga tanaasushida ama ku weydo nasiib wanaagse adan qoomamayn.
“Mid ka mid ah sifooyinka ugu quruxda badan ee saaxiibtinimada dhabta ah waa in la fahmo oo aad la garto”
Lucius Annaeus Seneca
Dan Saaxiibtinimo: waa nooc ka mid ah qaybaha saaxiibtinimada, waxa jira ummad badan oo ka mid ah aaddamaha Rabbigeen uumay oo dan kuwada jooga, rafiiqnimadaasu mahan mid leh jirid iyo jiritaan waara oo layska dhaxalo, kol kasta oo dantaas la gaaro ama lawaayo meelahaas bay ku dhamaataa waxase dhacda in aad aragto mudda kadib markii dan ka timaado wada socosho hor leh.
Sheeko Wadaag: waxa kale oo jira nooc saddex oo saaxiibtinimada ah aan maqalkan si toosu ugu lafo gurayn hase ahaate iftiimin u noqdaan labad saaxiibtinimo ee qormadan aan kaga faaloonayo. Waa sheeko ku saaxiib oo ka duwan labada hore ee aan ku soo xusay, sheeko wadaag waa labo qof oo sheekadu isugu baxdo kana wada sheekaysta arrimaha siyaasadda, dhaqanka, dhaqaalaha, dumarka, iyo arrimaha qabaa’ilka dhexdooda ka jira, sheekooyinkoodaasi inta badan saldhigeedu waa mawduuca maalintaas taagan. Inta badan waa wada joogan sheekooyinkooduna uma badana wadaagista dhib iyo dheef.
ASTAAMAHA LAGU GARTO SAAXIIBKA RUMAAD (DAREEN)
Saaxiibka rumaad waxa uu leeyahay calaamadu uu kaga duwan yahay dhamaan noocyada kale ee saaxibtinimada sida damqasho ku dhisan dareen waalidnimo oo uu si toosa ugu diirnaxayo dhibaatooyinka uu mudanayo saaxiibkaasi siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iwm, mararka qaarkood waxa uu ku dareemayaa si aan labadii waalid ee ku dhalay aysan ku dareensayn arrimahaaga.
Saaxiibtinimada ku dhisan dareenka waxa seeskeeda ugu waaweyn ka mid ah mudashada dhib walba oo saaxiibkaa mudan lahaa inta usan isagu mudan (kahor), la noolow dhibtiisa adiga oo aan dareensiin in aad u hoyanayso hooy qodax, qaniin, qahar, qalafsanaan iyo qaraaxooyin leh oo isaga gaar u leeyahay mudashadeeda, hase ahaate aad adigu u ridatay dhabarka is aan dhibaatooyinkasi u gaarin dhankiisa.
Muujinta micnihiisa waxa laga yaaba in aad u dhibtoonayso, meel walba aad ka muuqan lahaydana aad uga tanaasusho sidii isagu micno u yeelan lahaa magac, maal iyo mansaba.
Saaxiib rumaad waxa uu leeyahay calaamadu u gaar ah, kuwaas oo war-doon aan ku iman dan ama xaajo gaara ee waa kala war-qaadasho, xog-waran xaladeed, oggaansho arrimahaagu meelaha ay marayaan. Kala maqnaanshihiinu kuma dhisan waqti aad u dheer oo asbuuc ama labadii asbuuc mar baad kala war-qaadanaysaan.
Wada tashi arrimaha masiiriga ah, dan gaarka, hirgalka qorshayaal horumarineed intaas iyo kuwo ka badan waxa aad tihiin saaxiib kawada tashada, wax-iska waydiiya, dan cusub oo timi aysan isu keenin.
Marka aad wada hadashaan ama aad meel isugu timaadan, kulamadiina waxa udub-dhexaad ama saldhig u ah ka tashiga arrimaha qoyska, dhaqaalaha, siyaasadda, shaqada , iwm. Kulankiinu waxa ibo-furkiisu yahay is-waraysiga arrimaha qoyska oo saaxiibka rumaad waxa uu dareemaya masuuliyad qoyseed.
Daacadnimo iyo daah-furnaan waa astaamaha lagu garto saaxiibka rumaad oo xaalad walba oo dhankiisa lasoo darista waxa uu kugu waramaya si laab furan, dadaalkiisuna waa inuu waxa walba oo laabtiisa ku jira kula wadaago oo aan keliya ahayn dan uu leeyahay, xaaladdaha jira oo aad ka warqabin, isir qarsi, talo iyo hogo tusaaleyn.
Ixtiraam iyo tixgelin xaragaha goostay, saaxiib rumaad ee saaxibtinamdiisu ku dhisan tahay dareen iyo dadnimo guro fog waxa uu leeyahay qadarin iyo qiimeeyn uu aad ugu weyneynaayo saaxiibkiis, dhankiisa lagama yaabo in dabayshu kasoo gasho.
Doonista iyo hirgalka hawlaha aad u baahan tahay saaxiibka rumaad waxa uu uga hawl-guta sida uu dantiisu ugu foofi lahaa, dhabtii waxa dedaal ah kama hagrado hirgalinta danaha saaxiibkiis leeyahay oo waxa laga yaabo inuu ku bixiyo dedaal naf-hurnimo ah oo uusan u hurin danihiisa gaarka ah.
Dantaadu kuma muuqanayso marka uu jiro dareen saaxiibtinimo oo ku dhisan dadnimo, haddii aad aragto saaxiib dantiisa gaarka macano weyn agtiisa ka leedahay ogoow waa dan ku saaxiib ee dareen ku saaxiib mahane.
ASATAAMAHA LAGU GARTO DAN KU SAAXIIB
Calaamado dhawr buu leeyahay saaxiibka aad ku wada joogtaan danta iyo arrimaha ku dhisaalan dano gaara oo la gaari karo ama aan lagu guulaysan gaaritaankooda.
Dan wicid waa astaan lagu garan karo asxaabta ku wada jooga danta oo inta badan waxa ay wada xiriiran waqtiyada danuhu yimaadaan ha u doono naftiisa ama nafo kale oo aan aqooni idin ka dhexayn, kulamadaasi qorshahoodu waxa uu ka bilaaman dan laysugu yimi dantaas baan lagu gunaanadda.
Qiimo uma leh qof ee waxa aad ugu qaayo weyn danta miiska saaran, mar waa faa’ido markii labada qofba si rasmiya u ugu yihiin xiriirkooda saaxiibtinimo inuu yahay dan ku saaxiibayaal dhanka kale, waa dhibaato weyn marka qof ka mid ah labadooda uu saaxiibtinimada u hayso nooca loo yaqaan dareen ku saaxiib, qofkaas waxa uu arko ficilo agtiisa ka noqda qaadan-waa.
Dhanka dhaqaalaha laysuguma naxo oo mid walba waxa uu bixinayo waxa uu ku bixiyaa dantiisa haddii aysan dan ugu jirin lagama yaabo innuu gacantiisu gaarto dhanka kale, hase ahaate dantooda waxa biyo-kama-dhibcaana in mid walba ku bixiyo waxa walba oo dantaasi ku hirgalayso.
Ma jecel muuqashada iyo muunada saaxiibkiis, xaqiiqdii arrintaas waxa dareemayaashoodu u sheegayaan inuu yahay qofka mudnaa waxa uu helay saaxiibkiis, lagama yaabo bogaadin iyo hambalyeen horumarada haddii uusan ahayn dan si wadajira loo gaaray labadooda dhinac.
Qorashayaashu asxaabta dan ku saaxiibka ah runtii saldhigoodu waxa uu noqdaa hawshaan waa ku muhiim maad gasho, hase ahaate dhiraandhirin, lafagurid, taxliilin midna ma wadaagan dantaada u qabso weeye qorashahoodu.
Astaamaha ama caalamaddaha saldhigeeda ah saaxiibtinimada ku dhisaalan danaha waxa ugu waaweyn arrimaha danahaaaga gaarka ah si hoose uma galo, inta badan doonistiisa waa bilowga sheekada, marka dantiisu dhankaaga soo jirto wicida, imaanshaha, qoob qaadis la’aan aad u weyn, arrimahaasna waxa keenaya danta aad gacantaada ku jirta mahan tiisa, dedaalka isaga la baxaya halka saaxiibtinimada ku dhisan dareenka markii labada qof dhexdooda yimaadan arrimo mid gaar u leeyahay uu kalsooni badan ku qabo dadaalka arrintaas saaxiibkiis ka geysanayo oo ma waco ama dabo galo hase ahaate goor hor buu helaa wuxu u bahnaa sababtoo ah danta uu qabanayey waa dantiisa oo labadooda waxba uma kala socon dumarka mooye.
WADA SOCOSHADA WAQTIGA DHEER
Run ahaantii wada noolanshaha, wada jooga iyo aqoonta waqtiga dheeri kama marag iyo makhriintii kacayso saaxiibtinimada ku dhisan dareen ama dan. Xaqiiqdii astaamaha lagu yaqaano midabadooda waa kuwan an kor kusoo xusay. Waqtigu dheeri ma jaan-gooyo micnaha saaxiibka rumaad ee rasmiga ah.
Asxaaab rafiiqnimadoodu qaadatay muddo ku siman guyaal badan ay ah saaxiibo dan ku wada yaala halka asxaab muddo kooban wada noolayd ama aqoontooda qofnimo kooban tahay in dhexdooda uu ka jiro saaxiibtinimo ku dhisan dareen dhab ah.
“Saaxiibku Waa Guul, Marna Waa Sad Ku Yaal, Marna Waaba Sababtaa, Ninka Seymo Ku Galay Sooryadiisu Waa Maxay”
Maxamed Siciid (BK)
GUNNAANADKA QORMADAN
Dhab ahaantii micnaha, macaanka, milgaha, mudnaanta iyo mustawa saaxiibtinnimadu waa saaxiibtinimo ku dhisan dareen dadnimo, xaqiiqdii aaddamaha waxa muhiim u ah noloshooda saaxiibtinnimo in ay noqoto mid ku dhisaalan dareen taas oo keeni karta hirgalka himilooyin si wadajir ah ugu tisqaada oo jiritaankoodana door muuqda ka qaata.
Quruxda iyo qiimaha nolosha saaxiibtinimo waxa asal iyo aasaas u ah laab-furnaan iyo kalsooni labada dhan ah, arrimahaas waa jiridaha waaweyn ee lagu yaqaano saaxiibka rumaad ee naftu idin dhexayso. Asxaabta is aaminaya oo haykal iyo heerar sare ka gaaray nolosha saaxiibtinimo waa kuwo si toosan ama dadban ugu talaaba dhammaan caqabaddaha nolosha ku xeeran tusaalayaasha buuxan u ah micnaha saaxiibtinnimo.
Saaxiibtinimada ku dhisan danta inta badan mahan mid waarta oo waxa laysku qaban dano gaara oo labada qof leeyihiin ama cid iyaga ka baxasan leedahay, taasi oo keenta kala fogaansho iyo dhammaad jiritaanka saaxiibtinimo. Inta badan ma dhacda isu-soo laabasho marka saaxiibtinimadu ku dhisan tahay dano gaara, waxa diidaya kala tagi hore iyo asbaabihii dhaliyey oo mid walba xasuusanayo hurgumooyinkii hadimaayinkaas.
Gebi ahaan waxa aad ku dadaasha in aad yeelato saaxiib rumaad oo saaxiibtinimadiinu ku dhisan tahay daacadnimo, xog waran furan, kalsooni, diirnax, damqasho, daryeel, aaminaad, iyo is taageerid dhan walba ah. Saaxiibkaasi waxa uu kala gudbi karaa baddaha hirarka waaweyn waqtiyada adag isagoo aan dareemin culuskaaga dhibna aan u arag wanaag walba uu u weeleeynayo dhankaaga.
“Saaxiibka Suubbani Haddii Aad Siloontahay Wanaagii Ma Saydhee, Samuhu Horseedaa”
Comments
Post a Comment