DANAYSTA WAA DEGDEGTEENE W/Q: MUSCAB CABDI CISMAN

 DANAYSTA WAA DEGDEGTEENE


HORDHAC

Dagaalka lagu qaaday Iiraan waa wareer qorshihiisa si wadajira uga mideysanaayeen dawladdaha Israa’iil, Maraykanka iyo xulufadooda reer Galbeedka. Bilaabista dagaalka waxa lahaa qorshahiisa Yuhuuda oo degan Bariga Dhexe loona doonayo awoodda gacan ku hayneed ee Bariga Dhexe, dagaalka Yuhuudu waxa uu lahaa qaybo badan oo u badan gantaalo si toosa u lahaa bartilmaameed, waanna ganataaladii lagu dilay hoggaminyaal badan oo Muslima, saraakiil sarsare, saynisyahano iyo siyaasiyiin Iiraan u dhashay iyo kuwa carab oo xulufo la ahaa Iiraan.  Weerarada ugu waa weynaa waxa lagu dilay madaxdan hoose iyo kuwa kale ba.  

1- Shirqoolkii lagu dilay Madaxweynihii Iiraan Ibraahim Ra’iis ee 19-May 2024.

2- Dilkii Ismaaciil Haniya (Hoggaamiyihii Xamaas)  iyo Fu’aad Shukri (Xisbullah) 31- July 2024

3- Dilkii Hassan Nasrullah (Hogaamiyasha Xisbullaha) 27- Sep 2024

4- Dilkii Yahya Sinwaar (Hoggamiyihii Xamaas) 17- October 2024

5- Weeraradii lagu laayey Xuseen Salami, (Taliyihii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), Maxamed Baghari, Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iiraan, Golamali Rashid oo ah Taliye ku xigeenka ciidamada Iiraan, Ismaaciil Qaani Taliyihii Guutada Qudus, Camir Cali Taliyihii Ciidanka Hawada Sare ee Ilaalada Kacaanka, iyo saynisyahanno badan oo ka tirsan barnaamijka nukliyeerka, dhammaantood waxa la dilay13-Juun-2025.

Duqaymihii magaalooyinka Iiraan iyo Israa’iil ee socday mudda ku siman labo todobaad, duqaymahaas oo dhaliyey kharaase nafeed, burbur hantiyeed, ciidan, iyo barakac xoogan oo ka dhacay dhulka Yuhuuda.  

MOSAD IYO AWOODDA DIFAAC EE IIRAAN

Wakaaladda sirdoonka Israa’il ee Mosad waxa ay awood xoogan ku yeelatay gudaha Iiraan, arrimahaas oo dhab ahaanshihii fududeeyey hawl-galo fool xun oo arxan darnaa oo ka dhacay gudaha iyo dibadda Iiraan laguna dilay saraakiil sare, saynisyahano, siyaasiyiinta miisaan culus iyo saaxiibo awood lahaa oo Iiraan laf-dhabar u ahaa sida Ismaaciil Haniya, Xasan Nasrulaaha, Yaxye Sinwaar, Fu’aad Shukri, iwm.

Hase ahaate awoodda difaaceed ee Iiran sidaa uma fududeyn oo dunida waxa ay tustay in dalkeedu yahay dawladda aan lagu soo degdegi karin, arrintaasi oo dharbaaxo weyn ku noqotay Yurub, Maraykan, iyo Israa’il. 

BAABI’INTII GARABAHA IIRAAN EE ISRAA’IIL

Yuhuudu oo garab buuxa ka helaya Maraykanka waxa ay si weyn u burburiyeen dhammaan awoodihii Iiraan ee dibada ku lahayd sida hoggaamiyaashii ururadda Xamaas (Ismaaciil Haniya iyo Yahye Sinwaar) Xisbulaha (Xasan Nasrulaah iyo Fuaad Shukri). Dhammaan dharbaaxooyinkaasi waxay ahayeen burburinta awood walba oo difaac adag u noqon karta Iiraan ka hor hawl-galkan waan sababta keentay in Xamaas iyo Xisbulah uga qayb noqon wayeen duulaanka Israa’iil iyo Maraykan ee Iiraan Bishan Juun 2025. 

Dhanka kale, awooddaha la rabay in la burburiyo oo garabaha Iiraan u ah waxa ka mida Xuutiyiinta Yaman oo awood walba oo weerar lagu ekeeyey hase ahaate aan lagu guulaysan ilaa duulamayaashii danaysteen.

AWOODDII LA CAABIN WAAYEY

Xuutiyiintu waxay noqodeen awood la caabin waayey oo wareeraddii bishii Apriil Dawladda ee Maraykanka waxa ay daah ka qadeen in aan awoodooda la loodin karin. Iska caabinta Xuutiyiinya ee Maraykanka waxa ay gaarsiisay burbur Militari, khasaare nafeed, mid dhaqaale oo xoogan oo sababtay in guud ahaan markiibtii ganacsiga, iyo kuwa militariga Maratkanka, iyo reer Galbeedku mari-wayeen gacanka Caddan, xaaladahaas oo Maraykanka iyo xulufadiisa ku khasbay joojinta dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta, Maraykana ku khasbay inuu la heshiiyo Xuutiyiinta. In dalka Iiraan Maraykan danaysto waxa door weyn ku leh awoodda Xuutida oo ku dhawaaqday in xabad joojintii jabay weeraradda Iiraan kadib.

DAN-QAADASHADDA DAWLADDAHA KHALIIJKA  

Wareeradda u dhaxeeya Iiraan, iyo, Israa’iil oo gaartay heer uu Maraykanku si buuxda qayb uga noqdo dagaalka Iiraan iyo Israa’iil. Dawladdaha Khalijka oo guud ahaan saldhigayo Militari gudaha dhulkooda Maraykankan ku leeyahay sida Qatar, Kuwayd, Emarat, Sucuudiga, Baxrayn, iwm.  Xalaytona Dawladda Iiraan weeraaro toosa ku qaadeen saldhiyada Maraykanka ee Qatar iyo Ciraaq. Arrintaas waxa ay keentay qaylo gar dhawaysay oo dawladdaha Khaliijku waxa ay dadaal badan ku bixiyeen joojinta colaada Bariga Dhexe (Iiraan iyo Israa’iil). Khaalijku wuxuu arkay inuu dhibane u yahay dhibta duulaanka socda xaaladaas oo keentay dadaalkooda in dagaalka la joojiyo. Lama oga isbadaladda ku iman doona saldhiyada Maraykanka ee Khaliijka. Wareeraddii Iiraan 23, Juun 2025 ee saldhigyada Maraykanka Qatar iyo Ciraaq waxa ay indhaha u fiiqday Maraykanka oo arkay awooda Iiraan xalkiisu wuxu noqday Danaysta Waa Degdegteen.

Israa’iil Ma Boobeen, Carab Uma Badheedheen, Nabad Kuma Bariisteen

Baydkii Ilaahiyo, Barxaddii Rasuulka (NNKH), Waxaan Loo Banayniyo

Bakhti Kuma Dhex Kariyeen, Kaara Kuma Burburiyeen

 Bili Kuma Ciyaareen, Haddan Muruqa Buuxiyo

Isticmaarku Baal Jirinoo, Bayda U Garaaceen 

SAAMEYNTA DHAQAALE EE WEERARADDA

Dunidda waxa soo gaaray dhaqaale xumo aad u weyn maalmo ku dhawa labadda todobaad, dhaqalaahas oo guud ahaan caalamka laga dareemay sida Shidaalka, lacaga danabaysan (Crypto), isu socodka safaradda, dalxiiska, iwm.  Kor u kac xoogan ee tamarta Shidaal dunida oo gaartay 4% muddo labo maalin ah oo dawladda Iiraan ku dhawaaqday xirida marin biyoodka Hormus oo ah marinka maraakiibta sida shidaalka, maalintii lagu qiyaasu inuu maro xadi dhaqaale oo gaaray 600 Bilyan. Marinkanu waxa uu isku xira Beershiya, waddamadda Khaliijka iyo dunida kale. Xirnaanshaha marin Hormus waxa uu kor u sii qaadaya qiimaha foostada shidaalka oo la qiyaasay in ay gaari doonto 110 USD halka maanta ay dunida ka joogto tiro todobataanad. Soomaaliya oo koror xogan laga dareemay qiimaha shidaalka oo meelaha qaarkood Litr waxa uu kordhay 22% ilaa 33%. 

Lacagaha danabaysan (Crypto) oo hoos u dhac aad u xoogan ku yimaadeen maalmahan dagaalku socoday. Tusaale ahaan lacagaha Bitcoin (BTC) oo bishan gaartay meeshii ugu saraysay ee taariikhda, halkii Coin wuxu noqday 111,970 USD, inta dagaalku socdayna wuxuu gaaray 98,467 USD oo dhan boqol hoos u dhaceed 12.05% oo u dhiganta 13,503 USD. Dhanka kale ku dhawaaqistii xabad joojinta dagaalka Iiraan, Israa’iil iyo Maraykan ee Madaxweyne Trump, lacagaha danabaysan gaar aan Coinka ugu weyn (Boqorka Koynanka) wuxuu kor u soo kacay mudo ka yar 24 saacadood 6,411 USD hoos u dhaciisu wuxu noqday 99,705 USD ilaa uu gaaray xalaysto 106,116 USD oo u dhigan  boqoley kor u kaceed oo dhan 6.01%lacagahan ah. 

GUUSHA IIRAAN EE DAGAALKA 

Dagalkanu waxa uu Iiraan dunidda tusay heerka awoodeed gaarsiisan tahay dhanka wareerka madaafiicada iyo in hannaankeeda haysashada hubku yahay mid xoogan oo adduunka lama filaan ku noqday, waanna arrinta soo dedajisay in dawladda Maraykan is dhiibto oo Madaxweynaha Trump ku dhawaaqo xabad joojin degdeg ah, isagoo oo aan libin helin, loona daadatay saldhigyadiisi Bariga Dhexe. Taas waxa ay guul weyn u tahay dawladda Iiraan oo si awood leh isaga celisay Israa’iil, Maraykan iyo xulufadooda. Adduun waynahana indhaha u saartay in awoodda militari ee Iiraan xoogan tahay horayna lagu soo degdegi karin, si fududuna ku gaartay miiska dawladdaha awoodooda aan la qarin karin, hase yeeshee qorshuhu ahaa burburinta awoodooda. 

 

“Waa Bahal Gumeystuhu, Kala Baahsanaantiyo, Baylahdaad Jeceloo

Markuu Baadka Kula Helo, Kaa Bogaa Qaniinyada Burka Kuu Dhex Gelaayee

Bushumaha Dushoodiyo, Been Weeye Nabaduyee Nabaduyee

Baaruuda Qiiqdiyo, Bunduq Weeye Duniduyee, Duniduyee”

Heesaa Xasan Aadan Samatar 

FAA’IDADA IIRAAN EE DAGAALKA

Iiraan fursad wanaagsan oo helitaankeedu ku adkayd ayaa si fudud gacanteeda kusoo gashay, fursadaas oo haddii aan weeraradani dhicin mustqabalka fog Iiraan gelin lahayd burburin xoogan oo aysan kasoo kabateen abid oo gaari lahayd in shirqool lagu dilo Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Ayatullah Cali Khumayni sidii horey lagu laayey asxaabtiisa siyaasadeed. Waa awooddaha Sirdoonka Mosad ee ku balaaranayey gudaha dalka Iiraan, awooddahaas oo gaaray heer madaxda dalka iyo guud ahaan xulufadda Iiraan lagu duqeyo gudaha caasimadda Tehraan ilaa weerarkii ugu dambeeyey ee 13 Juun lagu dilay saraakiish sar-sare, saynisyahan siloonaa, iyo siyaasiyiin saaxadda dunida maqaam ku lahaa. Haayaddaha Sirdoonka Iiraan muddada dagaalku socday waxa ay qabteen shaqo ku adkaan lahayd qabashadeed, gudaha Iiraan waxa dagaal xoogan ku dhex maray jawaasiistii Mosad ee ku sugnaa guud ahaan magaalooyinka Iiraan, in ka badan boqolaal sirdoona baa soo galay gacanta dawladda Iiraan, kuwo kalena waa la dilay oo u badan Iiraaniyiin. Dhanka kale, hanjabaadii Trump iyo Natenyahu ee burburinta awoodda Kacaanka Iiraan ee wadaadda ah, waxa aay balasha indhaha u furtay hoggamiyaha ruuxiga Iiraan Aayatullaha Cali Khumayni oo hannaanka awoodeed ee kacaanka dhidhibada u sii adkeeyey ilaa uu gaarsiiyey inuu magac dhabo saddexda xubnood ee haddii meesha uu ka baxo talada isaga dabadii la wareegi doonta.

GUUL DARADDA YUHUUDA EE DAGAALKA

Dawladda Israa’iil waxa loo diray laylis xisaabeed u baahan soo koorsayn qaadan doonta muddo, layliskaas oo isugu jira dhismaha guud ahaan burburkii dhaqaale, bulsho, siyaasadeed, militari, sirdoon, tiknoolajiyadeed iyo saaxiibtinimo ba. Shacabka Yuhuudana waxa u muuqatay inta awoodoodu legtahay taasi oo keeni doonta maraynta hannaankooda siyaasadda iyo suulinta aragtida Natenyahu ee joogista kursiga. Si lama filaana waxa u burburay awooddii Yuhuudu Bariga Dhexe ku lahayd oo awoodda rasmiga ah ee Bariga Dhexe maanta waa Iiraan. Dalkii Yuhuud la gashay Xisbulah sannadii 2006-dii, in Israa’iil kasoo kabato burburkiisa waxa ay ku qaadatay 19 sanadood, xaqiiqdii jabka maanta gaaray dagaalkaas waa ka baxaad weyn yahay dhan walba oo ay noqoto.

“Israa’iil Ma Boodeen Bari Dhexe Intuu Dego Birta Kuma Afaysteen

Waa Boqol Yuhuudee, Rag Baa Biirinayoo, Barka U Fidhaayee, 

Barqo Laguma Gaareen, Badda Kuma Ciyaareen, Barbaarada Ma Laayeen, 

Haddaan Muruqqa Buuxiyo, Isticmaarku, Baal Jirin Bayda U Garaaceen” 

Heestii Xasan Aadan Samatar

XABAD JOOJINTA WEEYE XALKEENNU

Dawladdaha Israa’iil, Maraykan, xulafadooda iyo saxiibooda Islaamka dhammaantood xalkooda wuxuu noqday in aan dagaalkan Iiraan lagaga adkanayn ee lays dhiibo oo gacmaha la taago si aan khasaaruhu meesha uu maanta joogo uga sii balaaran. Waddamadda Khaliijku waxa ay awoodooda isugu geeyeen joojinta duulaanka oo si biyo-kama-dhibcaana u garawsadeen in dhibta ugu badan dhankooda tahay.

DAWLADDAHA MUSLINKA MAXA LA GUDBOON

Guud ahaan wadamadda Islaamka dagaalkanu waxa uu u furay jiho cusub oo ah in dawlad Islaama awoodeedu noqotay mid la loodin kari waayo oo guul u ah dhammaan waddamada Islaamka, dhanka kale horseedi karta in Muslimiintu iskaashadaan waa haddii guulaystuhu (Iiraan) la yimaado aragti toolmoon oo lagu qabaynayo dawladdaha kala quban ee Muslimiinta dunida oo aan awoodahooda ku dhiiran karin, door bidayna qancinta reer Galbeed, Israa’iil iyo Maraykankan waddada loo marayno noqotay dulaynta Islaamka kale.

“Afrikaay (Muslimoow) Is Buuroo, Isasoo Bahaystoo, 

Ninka Baal U Leexdana, Basar Wax Ugu Sheegoo 

Ku Balama Dagaal”

Heesaa Xasan Aadan Samatar 

SOOMAALIYA IYO DANTEEDA DAGAALKA IIRAAN

Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay waddamadda sida gaarka arrintani saamayn ugu leedahay oo haddii awoodda Bariga Dhexe gacanta Israa’iil gasho, qorshaha xiga wuxuu noqon lahaa awoodsiinta Dawladda Itoobiya iyo siddii lagu rumayn lahaa riyadeeda helitaanka biyo badeed. Xaqiiqdii arrintanu weli waa khatar taagan oo u baahan in si foolaadnimo leh looga fakaro meesha laga saaro aragtiyaha ma dhalayska ah ee aan dhafsiisayn doorasho dadban iyo dimuqraadiyad oo hannaankii dawladnimadu dhaafi wayey isgoyska doorashadda, halka dunidu ku tartamayso hirgalinta awoodahooda iyo horumarinta nidaamayda tiknoolajiyada.

Gunnaanadkii 

Yuhuuda weerarkii ay bilaabeen oo qorshahoodu ahaa helitaanka guuleed waxa uu noqday libinta Iiraan iyo muujinta awoodda Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ee saaxada difaac iyo siyaasadeed ee dunidda, guud ahaan calaamku waxa uu qiray in Iiraan tahay awood aan si fudud lagu suulin karin, sii socoshadda dagaalkuna uu furi doona iridaha dagaalka saddexaad ee adduunka sababtoo ah Iiraan mahan waddan awoodiisu yartahay oo cagta la marin karo, taas badelkeeda waxa imanaya khasaare aad u weyn oo aan la mahadin dunidan soo dedejiya burburkeeda. 

Dhanka kale, waxa si buuxda awoodooda loo tusay Israa’iil oo noqotay shimbir balaashii ka qoyeen, waxa dhacday in dhibaatadii Qasa ku hayeen muddo kooban iyagu muteen oo ficil walba oo Falastiiyiinta u geysan jireen laga jaro, dhawaaqii laga maqli jiray shacabka iyo madaxda Falastiiyiinta maanta afkooda laga maqlayo sida Cusbitaal baa la burburiyey, dugsi waxabarasho baa la baabi’iyey, shacab baa lalaayey, iyo qaar kaloo badan. 

Comments

Popular posts from this blog

ODORASKA DOORASHADDA SOOMAALILAND – NATIIJADDA W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

MALA MAAMULI KARAA DUUL GAAJAYSAN!