DOORASHO DADWEYNE IYO DALKEENNA (SOOMAALIYA) W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN
Hordhac
Doorashooyinka Madaxtinimada
Soomaalida ka hore xorinimadii lixdankii iyo xornimada gadaasheed ba waxa ay
ahayeen labo nooc biloowgii waxa lagu la kumay doorashooyin dadweyne oo lahaa
qaab kala gedisnaa, nooca kalena wuxu ahaa doorashooyin dadban oo ilaa hadda
jira. Masraxa hoggaaminta talada dalka
waxa ay soo bilaabatay doorashadii 1960-kii lagu doortay madaxweynihii ugu
horreeyey Soomaaliya Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade), kursigana ku
yimi nidaamka doorasho barlamaani ah.
Doorashadii
ugu horreysay ee Soomaaliya dadweynuhu u dareeraan codeyn waxa ay ka dhacday
Koonfurta Soomaaliya, taariikadu markay ahayd Maarso 1959-kii, laguna soo
doortay Baarlamankii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed, doorashadaas oo lagu galay
hannaanka asxaabta badan, xisbiga Somali Youth League (SYL) waxa uu helay
kuraastii ugu badnayd ee doorashada 92% oo ah aqlabiyada golaha, halka kuraasta
kalena ay heleen xisbiyada Somali Independent Constitutional Party (HDMS) iyo Liberal Somali Youth Party.
Dhanka
kale, doorashadii ugu horreysay ee Goboladda Waqooyi waxa ay qabsoontay Feb
1960-kii, doorashadaas codadkii ugu badnaa waxa helay xisbiga Somali National
League (SNL) oo helay 60%, codadka kalena waxa helay labada xisbi ee USP and
NUF.
Doorashooyinka
Soomaaliya ka dhacay ee lagu soo doortay madaxweynha guud ahaantood waa
baarlamani, hase ahaate xildhibaanadda waxa soo doornayey dadweynaha,
doorashooyinkaasina waxa ay dhaceen labo jeer 1959-kii, 1960-kii iyo 1964-kii, mudda
xileedkooduna wuxuu ahaa 4 sanno.
Hadda,
doorashooyinka kuraasta go’aamiyaan talada dalka waxa lagu soo doortaa doorasho
dadban inta badan ee bulsho weyntu ma leh jaan-goynta madaxda talada u
qabanaysa, waxa soo doorta mudnaanyaal ku fadhiya matalada codka bulshadda oo
lagu soo xulay hab qabiil labadda heer fadaraal ama dawlad goboleed.
Hannaankaasi
mahan mid bulshada madaxdeeda toobboon soo saara, kaliya waxa uu u adeegga hoggaanka
talada haya, mudanahaas oo gacan lixaad leh ka helaya odayaasha dhaqanka oo
doorkooda doorashadda mudanaha matalaya bulshadda xoogan tahay. Qaab-dhismeedkan
qabiilaysan ee lagu soo doorto madaxda labada heer waa mid aan raad ku lahayn
cadaalad iyo sinnaan oo ummad badan oo Soomaaliyeed u diiday matalaad, ummadaas
oo aan tayo iyo tiro ba ka yarayn kuwa kale.
Soomaliland
waa nidaam soomaaliyeed oo madaxdooda ay soo doortaan bulshadu kuna yimaada
codka shacab, mudane walba oo ku fadhiyaa kursi looga arrimiyo maslaxada
muwaadiniinta waxa uu ku yimaada doorasho furan laga soo bilaabo xisbiga,
madaxweynaha ilaa xildhibaan gole wakiilo ama deegaan. Hannaankaas doorashadda
furan ee dadweynuhu leeyihiin codkooda waxa uu soo jiray muddo ku siman 22
sannadood oo laguna doortay madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliland Mudane
Daahir Riyaale Kaahin, sanadkii 2003-dii.
Dhanka
kale, nidaamka wada-ogolka ee Soomaaliland waxa uu u dhisan yahay xisbiyo qaran
oo markoodii hore ahaa ururo qaran. Tirada xisbiyada qaranka Soomaaliland waa
sadex xisbi oo ku yimaada saddexda urur ee hela codadka ugu badan ee bulshadda,
kuna dhisnaa kooto gobolaysi haddase noqday hal dheeri.
Puntland
sanadii 2022-dii waxa ka qabsoomay doorasho gole deeggaan oo talada cod-bixinta
shacabku lahaa laguna tijaabiyey saddex degmo Qardho, Eyl iyo Ufeyn, waxna ku
tartamay ku dhawaad ilaa toboneeyo urur siyaasadeed, codadkii ugu badnaa waxa
helay ururadii mucaaradka.
Doorashadda
Puntland waxa ay ahayd hannaanka liistada xiran, dadweynuhu waxa uu u
codeynayey uruka/xisbiga laakinse ma dooranayn ashkhaasta (qofof) matalaya,
ururkuna waxa uu lahaa go’aanka qofku liiska meesha uu kaga qorayo.
Doorashadaas
waxa ka dambaysay doorashadii golaha deegaanka Puntland lagu soo doortay
xildhibaanadda matalaya golayaasha deeggaanka, dhanka kalena lagu jaan-goynayey
ururadda siyaasadda ee u gudbayey xisbiyo, doorashadaas waxa laga qabtay 30
degmo oo isugu jira degmooyinkii Soomaaliya iyo kuwa cusub oo Puntland
magacoowday, halka saddex degmo oo gobolka Nugaal ah aan laga qaban doorashadaas
arrimo la xidhiidhay dano siyaasiya, hase ahaate sanadda 2024 baa laga qabtay
doorashadaas, kolkii Madaxweyne Siciid Deni dib loo doortay.
Ma Laga Qaban Karaa Dalkeenna Doorasho
Dadweyne?
Doorasho dadweyne waa la
qaban karaa sida ku xusan dastuuradda dawladda fadaraalka iyo dawladdaha
xubnaha ka ah, oo u dhigan in talada mataladda shacabka gacantoodu lagu celiyo,
hase ahaate doorasho dadweyne oo daacadnimo ku dhisaalan, shuruuceedna loo
hoggaansamayo, la waafajiyanayo xeerarka toolmoon ee u degan doorashooyinka
dadweynaha ee dunida, doorasho ka madax-banaan madaxda talada haysaa iyo qaar kaloo
badan waa adag tahay in dalkeenna hooyo ka dhacdo, waxana ku gadaaman duruufo
waa weyn.
Doorashadda
madaxda Soomaalidu doonayso waa tolashada derin aad kaligaa salka dhigto oo dhan
walbana kaga filan, danta guudna aad u aragto danahaaga gaarka ah, madaxda
taladu gacantooda ku jiraan sida faderaalka ama maamul goboleedka qorshahooda
koowaad waa kusoo laabashada xukunka, maahan dhisid nidaam doorasho oo dalka iyo
dadka u damaanad qaadaya mustaqabalkooda una jihaynaya jidka toobboon.
Doorasho
toolmoon ee lagu dhisay aragtida rasmiga ah ee dadweynaha bud-dhigeedu waa
hirgalinta shuruucda iyo xeerarka sida waafaqsan dastuurka oo aan lagu samayn
wax ka badal. Doorashadaas hirgalinteeda waxa kasoo horreeya madaxda qabanaysa
in si waafiya oo walafa ugu qancaan natiijooyinka doorashooyinkaas, si daah-furan
ugu fogaadan fara-galinta hannaanka doorashadda, laguna ixtiraamo tixgalina
lagu siiyo guddiyada shaqadda loo igmaday ee xeerarku siinayo awooddaha doorashooyinka.
Doorashadda Dalka Laga Qaban Karo
Madaxdeenna Soomaaliyeed
ee talada haysa doorashadda ay qaban karaan magac-dhabisteedu waa xulasho,
loona marayo marino ka mid ah jidadka dimuqraadiyada sida codeynta dadweynaha,
diiwaan-galinta bulshadda, muwaadiniin awooda u leh codeynta, qaybinta kaararka
cod-bixinta, diyaarinta goobaha codeynta, iyo hawl-galinta dhammaan
makaaniyaadka doorashadda dadweynaha dareewaliya. Dhabtiise madaxdeennu
dadaaladaas doorashadda ee ay bixinayaan waxa qorshahoodu yahay helitaanka
natiijooyin ku daban dantooda, kuwaas oo hirgalkooda loo jabinayo dhammaan
shuruucda iyo xeerarka dalka u degan.
Tusaalooyin
taariikheed oo mug iyo miisaan leh oo lagu meeray mareegaha keydaha xogaha, kana
dhashay doorashooyinkii dimuqraadiyadii
curdinka ahayd ee Puntland, waxa ugu waa weynaa, wax-ka-badelka xeerarka
doorashadda iyo dastuurka Puntland oo horey ugu qornayd saddex urur in ay noqon
karaan xisbiyo, hase ahaate madaxweynaha talada hayey uu dadaal fara badan
galiyey hirgalka dantiisa gaar ahaaneed inuu dastuurka wax ka badelo, arrinta
ugu balaaran ee salka ay ku haysayna ahayd fulitaanka qorshihiisa gaarka ah,
fariisin la’aanta golayaashii deegaanka ee la doortay, kolkii xisbigii dawladu
awoodi wayey aqlabiyadda codadka xildhibaanadda, dhacdaas oo ahayd arrin soo
noqnoqotay muddo ku siman saddex doorasho oo gole deegaan uguna horreysay
doorashadii tijaabadda ahayd ilaa saddex degmo ee ugu dambeyey.
Dhacdooyinka
kale ee laga diiwan-gashay doorashadii Puntland waxa ka mid ahayd fariisinta
mudanayaal gole deeggaan oo aan kooromkooda buuxin in wasaaradda Arrimaha
guduhu u bareerto, si loo doorato musharaxa xisbul xaakimka, mudanayaal tiradoodu
gaarsiisan tahay 19 oo ka mid ahaa tirada guud ee 33 xildhibaan (19 out of 33),
mudanayaashaas oo doonayey helitaanka doorasho furan oo musharaxiinta shir
gudoonka golaha deeggaanka caasimadda Garoowe ku tartamaan, nasiib darose, baaqii
iyo bayaanadii golahaas looma dhigin dheg. Xibsigii dawladda oo ka biyo-diiday doonista
mudanayaasha ay ku guulaystay guddonkii golaha, xildhibaanadii aqlabiyadda ahaana
ee doonayey doorasho furan, markii dambe waa tanaasuleen sida ay ka sheegeen
baraha bulshadda.
Arrimahaas
oo dhabar jab aad u weyn ku noqda hirgalinta qorshayaasha doorashooyinka
dadweynaha, haddii doonistii shacabku ku damayn doonto rabitaanka dawladda kolkaas
joogta, xataa haddii xukuumadu haysan tirada guud ee kooramka, waxa cadaatay
doonista xildhibaanadda la doortay ee
doorashadda shir gudoonka in ay ka muhiimsan tahay rabitaanka dawladda oo aan
xataa u baahanyn aqlabiyada golaha deeggaanka, waa cilmiyaddii laga dheegtay
doorashadii Puntland. Nidaamka Doorasho ee madaxda Soomaalidu doonayso waa
hirgali hannaan doorasho aan rabo, taas xalaala oo dantaydu tahay.
Doorasho
dadweyne oo loo maarayn doono natiijadeeda hannaan magacaabiseed iyo rabitaanka
madaxda taladda jooga. Adduunku waxa uu laabay dhammaan dhigaaladda ku dhisan
hannaanka doorasho ee madaxdeennu doonayso, go’aanadiinna waxa gacanta loo
geliyey dadweynaha, natiijaduna waa marinadda ugu badan ee codkoodu maray. Madaxda
waddamadaas waxa dadaalkoodu yahay hirgalinta aragtida shacab oo aan lagu
barxin go’aamo dawladeed.
Dawladdaha
dunida ee dedaalka faraha badan ku bixiyey hirgalinta dimuqraadiyada ku dhisan daah-furnaan
iyo daacadnimo lagana dheereyey dheelin walba, loona dhammaystiray dhammaan makaaniyaadka
jiheeya doorashooyinka farsamo, xeerar, hindisayaal, miisaaniyad, iwm.
Caqabaddaha Ku Gadaaman Doorasho Dadweyne
Doorasho walba oo dunida
ka dhacda waxa ay leedahay caqabado kala gedisan oo soo wajaha dadweynaha
cod-bixiyaasha ah, maamulka doorashadda, dhibaatooyinkaas oo isugu jira kuwo maamul,
farsamo, loolan, iyo fara-galinta saamilayda siyaasadda.
Hase
ahaate doorashadda dadweynaha ee laga hirgalinayo waddan aan horey looga qaban
jiray waxa uu leeyahay caqabado fara badan oo ka balaaran dawladdaha mudooyinka
badan ku dhaqmayey hannaanka qof iyo cod.
Dalka
Soomaaliya muddo ku siman 60 sanadood lagma qaban doorasho dadweyne,
waqtiga intaas le’egna dalku wuxuu ku
dhaqmayey doorashooyin baarlamaani ah oo matalayaashu ku imanayeen heshiisyo
iyo is-af-garado siyaasiya oo dadban.
Baraarug La’aan
Bulsho: dadweynaha Soomaaliyeed dhabtii si rasmiya uguma
baraarugsana awooda uu leeyahay codkoodu, caqabaddaha ugu waa weyn ee soo
wajahaya waxa ugu horreeya baraarug la’aan hano-qaaday oo meesha ka saartay xaqii
dastruuriga ahaa ee muwaadinku lahaa ee inuu codeeyo ama loo codeeyo,
arrintaasi oo dhashay in cudud cod-bixineed ee shacabku meesha ka baxdo. Doorasho
dadban oo dhashay mudane dadan oo aan ogayn dantii loo doortay.
Hannaanka Awood
Qaybsiga Beelaysan: waa caqabadda ugu weyn ee doorashadda dadweynaha
Soomaaliya, sababtoo ah mudanayaasha matalaya shacabka markoodi hore waxa loo
qaybsaday qaab qabiilaysan, waxna la gaarsiiyey heer reer walba matalaadooda si
gaara ah u leeyihiin, dadyow fara badan oo Soomaaliyeedna laga dhigay matalaad
la’aan. Doorashadda dadweynuhu waa nidaam shacabka uu hor iman karo muwaadin
walba oo u diyaarsan hoggaaminta bulshadiisa, xayn-daab xirayaana usan jirin,
laakinse arrintaasi dalkeenna kama dhici karto oo waxa diidan kursaatada
matalaada ee la beeleyey.
Doonista Madaxda Toobiyaha
Haya: arrintan waa caqabad kale oo saldhigeedu yahay
hirgalinta rabitaanka masuulka xukunka jooga, madaxda Soomaaliyeed ee ku fadhida
kuraasta dalka looga arrimiyo dhammaantoodu qorshahoodu waa hirgalinta hankooda
iyagoo addeegsanaya awooddaha dastuuriga ah, inta badan waxa dhacda in doonista
danahooda loo burburiya arrimo masiiriya sida dastuurka, dhaqaalaha, dhaqanka,
diinta iwm.
Ammaanka Iyo Nabad-Galyda: doorasho
dadweyne oo dalkeenna ka dhacda waxa ay u baahan tahay kala danbayn iyo ammaan
hano qaada gaarsiisan guri iyo geed walba si muwaadiniintu u gutaan
waajibaadkooda dastuuriga ah ee cod-bixineed. Caqabaddaha guud ee Soomaaliya
haystaa waa ammaan daro baahsan oo ka jirta deegaanno badan oo dalka, kuwaas oo
ku jiraa gacanta argagixisadda.
Hannaanka
Fadaraalismka: nidaamka fadaraalismka Soomaaliya bud-dhigiisu yahay
macaamilka dawladda fadaralka iyo dawlad goboleedayda dhanka awooddaha,
dhaqaalaha, dastuurka, xeerarka, doorashooyinka oo dhammaantood u dhisaalan
hannaan kala madax bannaani ah oo ka jirta dhexdooda, taasi oo maamul goboleed
awoodiisu tahay inuu si rasmiya uga madax bannaan yahay dawladda fadaraalka doorasho
ahaan iyo dastuur ahaan ba. Tusaale ahaan dawlad goboleedyda waxa ay awood u
leeyihiin in xidhiidha kala dhexeeya dawladda dhexe goyn karaan goor walba iyo
arrin kasta oo dantooda gaar ah ka hor imanaysa madaxda talada haysa sida
Jubaland iyo Puntland oo hadda taagan.
Odayaasha Dhaqanka:
guud ahaan mudanayaasha golaha baarlamanka iyo deeggaanka waxa soo xula
odayaasha dhaqanka, waxna lagu soo xulaa hannaanka beelaysan ee qaybta, guud
ahaan labada gole ee wakiilo iyo deeggaan ee Soomaaliland waxa soo doorta
dadweynaha halka sanadkii 2023-kii Puntland u jihaysatay waddada dimuqraadiyada
ee qof iyo cod laguna soo doortay mudanayaasha golaha deeggaanka. Odayaasha dhaqanka
Soomaalidu waxa arrimahan u arkaan wiiqitaanka go’aanadooda iyo awooddaha kala
jaadka ah.
Saamileeyda
Siyaasadda: arrimaha siyaasadda Soomaaliya waxa
jira saamiley fara badan oo ku daban hannaanka doorashooyinka tooska ah ama
dadban, saamileydaasi waxa ay leeyihiin door muuqda oo doorashadda ah sida
tartan, talo bixin, hogo tusaalayn. Hase ahaate madaxda joogta talada diyaar-garoowga
doorsiinta saamileydu ee dhanka doorashadda kama muuqdo dhankooda, arrintani
waa caqabad taagano oo nidaamka doorashadda toosan hortaagan. Saamileeydu waa
laga maarmaan si loo helo doorasho xalaala laguna wada qanacsan yahay
natiijooyinka kasoo baxa doorashadaas.
Maxkamadda Dastuuriga: hirgalka
doorashooyinka dadweynaha makaaniyaadka saldhiga u ah waxa ugu waaweyn
jiritaanka maxkamadda dastuuriga ah oo awoodeed gaarsiisan tahay maareynta qodobadda
dastuuriga ah. Jiritaan la’aanta maxkamadda dastuuringa waa caqabaddaha ku
hor-gudban doorashadda dadweynaha, maxkamaddasi waxa ay saldhig sharciyadeed u
tahay daah-furnaanta iyo cadaaladda doorashada sida ansixinta natiijadda
doorashadda, tafaasiilinta qodobadda dastuuriga ah ee doorashadda la xidhiidha,
iwm.
Faa’idadda iyo Fursaddaha Doorasho Dadweyne
Gebi ahaan aaddamaha
adduunku waxa uu isla qirsan yahay doorashooyinka dadweynuhu ee leh hannaanka
daah-furnaanta iyo cadaaladda ay xal u yihiin helitaan masuul dhiifoon oo gudan
karaa masuuliyadaha ka saaran shacabkiisa, noqon karana mudane la mahadiyey matalaadiisa
dad, dal, deegaan, diin, iwm. Ilaalinta danta qaranka ama gobolku leeyahay waxa
dhawri kara mudane si waafiya looga soo baaran degay lehna xirfad hoggaamineed
ku dhisan cadaalad iyo sinnaan.
Jiho
bixinta bulsho, waddan, iyo diimeed waxa udub-dhexaad u ah doorasho dadweyn oo
si furan oo xor ah lagu soo doortay mudanaha hoggaanka dalkiisa hormuudka u noqonayaa,
waanna dheefta codka shacabku leeyahay, codka dadweynuhu waxa uu soo saara
madaxa toobboon iyo kuwo talo seega, hase ahaate marka shacabku eedaan fartooda
waxa meesha ka baxda in qof ama shakhsiyaad gaara loo aaneeyo dhacdooyinkii
dhacay.
Doorashadda
mudanayaal ku yimi dareenka shacabka waxa laga faa’idaa wax-qabad ku dhisan
aragti, sababtoo ah soo laabashadooda dambe waxa ay ku xiran tahay hirgalinta
qorashayaashii lagu doortay kolkii ay ololaha ku jireen.
Doorka Baarlamanka Dadban Ee Doorasho Dadweyne
Mudanayasha lagu soo
doortay hannaanka beelaysan dhab ahaantii waa ku adagtahay ka guuritaanka
waddadii lagu soo xulay sababtoo ah doorashadiisa waxa saameynteeda lahaa
madaxweynaha maamul goboleed, odayaasha dhaqanka iyo shakhsiyaad kooban oo
dhammaantoodna leh dano u gaar ah. Mudanahaasi waa biyo kama dhibcaana in uusan
u baahanayn doonista kursigiisa inuu u maro waddo dadweyne oo go’aan
gaaristiisa shacabku leeyihiin.
Mudanayaashaasi
waxa qorshahoodu yahay dib u laabasho, marna diyaar uma ah in talada ku jirta
gacmo yar oo kooban laga saaro oo dadweynaha la galiyo, si arrintaas loo
dibin-daabyeeyo waxa ay ansixinayaan wax kasta oo doorasho dadweyne oo xor oo xalaal
ah dabri karaya, sida wax-ka-badelka dastuurka, shuruuc aan loo meel dayin,
guddiyo aan xirfadooduna doorasho ahayn, iwm.
Tusaale,
muddo xileedkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo
iyo mudo xileedka madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxa baarlamanka dalka laga
ansixiyey sharciga doorashadda qof iyo cod, mana hirgalin kii hore, kan haddana
waxa ku gudban darbiyo adag oo aan diyaar u ahayn doorasho dadweyne oo cadaalad
ah oo uu ugu horreeyo madaxweynaha xukuna hayaa, saamileeyda siyaasadda,
odayaasha dhaqanka, baarlamanka jooga, ganacsadda dalka, daneeyasha arrimaha Soomaalida,
iwm.
Kaalinta Madaxa Lagu Doortay Doorasho Dadban iyo Doonistooda Mid
Dadweyne
Dunidda horumartay
hannaanka doorashooyinka waxa gardaadiya haayaddo madax bannaan oo
shaqooyinkooda u qabsada sida uu qabo xeerarka iyo shuruucda doorashooyinka.
Hase ahaate dawlado badan oo dunida ah doorashooyinkooda waxa saameyn aad u
weyn ku leh madaxda joogta talada, kuwaas oo inta badan qorshayaashoodu u
dhidban yihiin nidaamka ay doonayaan.
Soomaaliya
doorashooyinkeed waxa saameyn buuxda ku leh masuuliyiinta ku jira mudda
xileedkooda sida madaxda fadaraal iyo dawlad goboleedyada oo heshiiska
doorashada si waafiya isugu af-garata jidadka iyo jihooyinka doorashadda loo
jeexayo.
Arrintaasi
waxa ay dhibaato weyn ku tahay hannaanka doorashada dalka oo inta badan waxa
dhacda in madaxda labada heer diyaarsadaan nidaam doorasho oo ku dhisan
rabitaankooda, xaladahaas oo guud ahaan meesha ka saaraya daah-furnaantii
doorashada iyo hirgalintooda, aalaaba waxa dhaca is-diidooyin iyo
is-af-garad-waa dhex mara madaxda arriminaysa iyo saamileeyda siyaasadda.
Maan-taashiilida
toobboon waxa lagu hirgaliyaa nidaam doorasho oo si turxaan la’a loo talo
bixiyey, dalka iyo dadkana u horseeda doorasho xora oo xalaala, waase kolka
madaxda talada joogta u diyaarsan yihiin qaabilaada waji walba oo doorashadda
dalka taabo-galinaya kuna dhisan daah-furnaan, sinnaan iyo cadaalad, laguna
dhiso guddi doorasho oo leh aqoonta doorashooyinka, diyaarinta xeerarka,
nidaamyada iyo shuruucadda doorashadda dalka. Gudashada hawlahaas waa muhiimad
gaara u leh ka dheeranshaha eex, sad-bursi, cadaalad daro, sinnaan la’aan,
wada-tashi la’aan saldhigeednu noqdo hirgalinta doorasho la aqbali karo
natiijadeeda oo bud-dhigeedu yahay tartan furan oo xor ah.
Dhacdooyin
kala duwan ee hirgalinta doorasho dadweyne oo madaxda taladda u kala dambeeyey
ku dhiiradeen sannadihii 2020-kii ee dawladdii Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi
Farmaajo iyo 2024-ta ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, madaxdasi waxa ay
golayaasha fulinta iyo sharci dejinta geeyeen shuruuc doorasho dadweyne, hase
ahaate xukuumaddii Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxa ka hor yimi saamileeydii
siyaasadda, arrinta ugu weyna waxa lagu haystay toloshada shaar doorasho iyo
inaan dalka laga qaban karin doorasho dadwyne xiligaas oo duruufo fara badan ku
gadaaman yihiin. Madaxweyne hadda jooga ee Xasan Shiikh Maxamuud ifafaalaha
muuqda waxa uu jidkiisu la jaal yahay marinkii uu maray madaxweynihii hore ee
toloshada tiisa.
Hirgalinta Rabitaanka Dadweynaha Ee Doorasho Toosan
Ummadda walba oo ku nool
koonka Eebe Nasahanaa oo Koreeye ee leh daaw lagu le’do (dawladnnimo),
shuruucdooda iyo xeerarkoodu waxa uu u damaan-qaaday in ay xaq dastuuriya u
leeyihiin helitaanka hannaan doorasho dadban ama toosan (dadweyne).
Doonista
dadweynaha waxa saldhigooda koowaad uu yahay hirgalka nidaam doorasho oo si xor
oo xalaala ay kusoo dooran karaan muwaadiniinta ku matalaya golayaasha dawladda
sida fulinta (Madaxweyne), sharci dejinta ee golle deeggaan ama wakiillo. Rabitaanka
saxda ah ee bulshadu baahida u qabtaa waa in ay fartooda ku ciil baxaan kuna
doortaan masuulka buuxin kara awoodna u leh qaadista masuuliyadooda.
Dhanka
kale, awoodda dadweynaha ee doorashadu waxa ay gaarsiisan tahay in madaxdii
hirgalin wayda doonistooda si waafiya looga saaro saaxada siyaasadda, iyadoo
aan dhiig ku daadan laakinse shacabku fartooda ku aarsadaan. Tusaale ahaan
Madaxweynihii hore Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo muddo ku siman todobo sano
hoggaaminayey talada Soomaaliland hankiisii musharaxnimo muwaadiniintu u
badaleen hal bacaad lagu lisay, miirihii uu beertay todobadda sano gurtay maalin
gudaheed oo ah in lagaga adkaaday codadkii ugu badnaa ee aan taariikhadda lagu
kala guulaysan doorashooyinka Soomaaliland oo gaarayey 182,389 cod oo u dhigma
28.58% oo ah codkii lagu kala guulaystay doorashadda 2024.
Sidoo
kale, dadweynuhu waxa awoodahooda ka mid ah gudista iyo hirgalinta hanka
hoggaamiyaha quman ee qadarinta ku dhex leh shacabkiisa, abaal celinta
muwaadiniinta ee madaxdooda toolmoon waxa tusaale buuxa u ah codadka ay ku
abaal-mariyaan amminta doorashadda. Tusaale doorashooyinka dadweynuhu soo
doortaan madaxdooda si furan waxa ugu mudan doorashadda ka dhacda Soomaaliland,
taas oo aan gebi ahaan deegaanadda kale ee Soomaalida aan ka dhicin. Madaxda Soomaalida
ee abaal-gudka weyn bulshadooda ka helay waxa ugu codad badnaa Cabdiraxmaan Cirro
oo helay codadka kor ku xusan iyo Axmed Siilaanyo AUN oo helay codad gaarayey
88,025 una dhigmayey 16.35%.
Doorasho
dadweyne baahida ugu balaaran waa madax-bannaani iyo xornimo in lagu qabto,
lagu codeeyo, natiijaddana loogu dhawaaqo si xalaala oo aan lahayn nin jeclaysi
iyo nacayba. Madaxda taladda joogta doorashadu waxa ay ugu baahan tahay dardar-galinta
farsamooyinka dareewalinaya doorashadda si anxisinta iyo bixinta miisaaniyadda
doorashadda lagu qabanayo, dadaal arrimaha dibadda ee doorashadda kaabaya sida
dawladdaha danaynaya arrimaha doorashadda dalka Soomaliya.
Doorasho
dadweyne waa farxadda muwaadiniinta in codkooda si toosa u dhiibtaan soo
doortaan madaxdii talada u qaban lahayd, dareemaaan in kursiga madaxweyne,
xildhibaan (deeggan iyo wakiillo) uu ku yimi codkooda kuna degi karo isla
codkooda oo usan u baahanayn awood kale oo dibadda ka timaada.
Yaa Qaban Kara Doorasho Dadweyne Oo Xora?
Doorasho dadweyne oo xor
iyo xalaala waxa qaban karaa mudanaha ugu sarreeya talada dalka oo dantiisa
guud ama gaar ahaneed noqoto hirgalinta hannaanka cod-bixinta dadweynaha. Masuulkaas
oo qorshihiisa ugu weyn uu yahay in talada doorashadda si rasmiya oo biyo-kama-dhibcaana
gacanta loo geliyo muwaadiniinta, soona doortaan masuulka ay u arkaan inuu
leeyahay aqoonta, waayo-aragnnimadda, xirfadda iyo gebi ahaan tilmaamaha
tooboon ee lagu dooran karo mudanaha qaadaya taladda dadweynaha.
Masuulkaas
waa in maankiisu si walaf oo waafiya ugu madax-bannaan yahay tolashadda derin
uu keligiis ku fariisto, waxa muhiimad gaara leh innuu fakarkiisa ku jaan-gooyo
jihadda mustaqbalka dalkiisa iyo dadkiisa oo ah doorasho dadweyne oo dhammaan
baahiyaheeda loo dhammaystiray dhan walba sida shuruucda, xeerarka, dhaqaalaha,
farsamadda, xidhiidha dibadda, guddiyada qabanaya oo daah-furnaan, aqoon iyo
waayo-aragnnimo doorasho lagu soo xulo.
Madaxda
hirgalinaysa qorshahaas waxa mudnaan iyo milgo gaar leh in maankoodu noqdo mid
mar walba muhanaya miida macaan ee muwaadiniintu dhaxlayaan mustaqbal dhaw ama fog
ee doorasho dadweyne oo xor iyo xalaala, guud ahaan saamileeyda siyaasadda
Soomaaliyana ku qanci karaan.
Madaxweynaha
talada jooga ee qaban karaa doorashadaas kor ku xusan waa in doonista guuleed saldhigeedu
noqdaa cod-bixinta dadweynaha iyo dedaalkiisii oo si rasmiya u miro dhala,
laakiinse rabitaankiisu uusan noqon in natiijadda doorashadda guddiga
doorashadu dhankiisa mariyaan si uu u guulaysto hankiisa musharaxnimo.
Dad
walba oo helay xornimo doorasho oo daah-furan waxa saldhigeeda lahaa madaxda dantooda
guudi tahay hirgalinta hannaan doorasho oo dadweynuhu ku qancsan yahay. Tusaale
nidaamka doorasho ee Soomaaliland ka dhisan waxa saldhigisteeda lahaa Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal, hirgalinteeda iyo hana-qaadnimadna waxa ku suntanaa Daahir Riyaale
Kaahin oo qabtay doorashadii ugu horreysay oo dadweyne laguna soo doortay golihii
deeggaan ee ugu horreeyey, kuna yimi cod dadweyne iyo saddexdii xisbi qaran ee
ugu horreeyey sannadii Diseembar 2002.
Quruxda
iyo dimuqraadiyada soomaaliland ku naaloonayso waxa aabaheedu ahaa Daahir
Riyaale Kaahin oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey oo xisbi mucaaradda intuu
talada kaga guulaystay haddana aqbalay kuna wareejiyey, waanna qaan-gaarnnimo
dimuqraadiyadeed, 14 sano kadibna waxa dhacday in talada uu ku guulaysto xisbi
mucaaradda (Waddani) loona madlan yahay xil-wareejin la mid ah guushii 2010-kii
ee xisbiga Kulmiye.
Doorasho
dadweyne oo xor iyo xalaal baahineed ugu horreysa uguna weyni waa helitaanka madaxda
ugu sarreeysa dalka oo si waafiya madaxooda ugu dhigta marin aan la garanayn
natiijadda ka iman doonta kuna qanacda maxsuul kasta oo miiska yimaada, haddii la
waayo masuuliyiin u ban-baxa hannaanka doorashadda dadweynaha oo xora, dalkaasi
waxa uu ku jiraya toloshada shaar dhan walba kaga filan mudanaha haya majaraha.
Tisqaadida
iyo taabo-galka hannaan dorasho oo xornimo iyo xalaalnimo saldhigeedu yahay waa
helitaanka madaxa raasumaalkoodu yahay miraha guuleed ee bulshadoodu gareen. Tusaale
ahaan madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya Aadan Abdulle Cismaan (AUN)
waxa uu si foolaadnimo ah ugu ban-baxay hana-qaadnimada dimuqraadiyada
doorashooyinka dalka, isaga oo tartankii lagaga guulaystay ayuu si rasmiya ugu
wareejiyey Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake. Amminta uu joogay Madaxweyne
Aadan Cabdulle Cismaan oo lahayd xaalado kala duwan sida waddan helay madax-banaanidda
muddo ku siman todobo sano oo kaliya, dalal badan oo ka mid ahaa qaaradda
Afrika oo ay ka socodeen awood maroorsi, ka-talisnimo, xukun jacayl iyo fursado
badan oo u saamixi karay joogitaanka kursiga awood iyo xeelad ba.
Taariikhda
quruxda badan ee Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) ugu tagay guud
ahaan qaaradda Afrika iyo gaar ahaan dalka Soomaaliya inuu si dimuqraadiya
xukunka ku wareejiyey, Aadan Cade waxa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey Afrika
ee talada dalka si nabadoon ugu wareejiyey musharaxii ka guulaystay.
Hannaan
walba oo doorasho waxa ay u baahan tahay madaxa si hoodaarnimo iyo haldoornimo
ku dheehan tahay ugu ban-baxa jiritaanka dawladooda iyo dadkooda, kuna wareejiya
xukunka si nabad ah, iyagoo ka dheeraanaya colaado sokeeye oo ku daaban xukun
jacayl iyo kaligi-talsnimo burburiyaa dhammaan kaabayaasha horumarineed,
dhaqaale, iyo jiritaan ee dalku leeyahay.
Comments
Post a Comment