LA DAREEN NOQO DADKAAGA

 LA DAREEN NOQO DADKAAGA

W/Q: Muscab Cabdi Cismaan


             “Nin Haddii Masuul Laga Dhigoo Mudane Loo Doorto

                Madal La Isu Soo Baxay Haddii Maalin Lagu Dhaarsho

                Magacii Illaah Iyo Kitaab Midigta Loo Saaro

                Macbuudkiyo Mushtamicii Dadkiyo Malagyadii Eebbe

                Munaasabaddii Lagu Dhaariyey Bey Marag Furayaane”

Abwaan Jaamac Kediyo (AHN)

     Qormadani waxa ay si foolaadnimo ah uga faalooyansaa masuuliyadaha iyo mansabyada kala jaadka ah ee loo igmado madaxda kala gedisan ee dunida islaamka, kuwaaso oo xilaalka ku yimaada hannaan doorasho ama magacaabid.

Madaxu waa xubinta ugu saraysa xubnaha jirka aadamaha, waana saldhiga uu ku yaalo maanka oo halka ay kasoo arooran dhammaan amarada lagu hagayo inta kale ee jirka. Go’aan walba oo aan kasoo fulin maanka kama hano-qaado jirka intiisa kale.

Macne aad u weyn baa ku jira in masuulka qaada amaanada aadamaha la yiraahdo madaxa oo lagu samiyo dhumcada jirka. Soomaaliduna waxa ay tiraahdaa “Madax meel ka saraysa oo la tabtaa majirto”

Madaxatinimadu waa mansab Eebe weyne baxsho kolba ciddii uu u gartona hantisiiyo. Qof walba si gaar ah buu uga soo dhalaala maaraynta iyo maamulida maamuuska loo diray wanaag iyo xumaanba, waxa jira mida dadaal fara badan ku bixiya sidii uu u gudan lahaa waajibaadkaas isaga oo maanka marwalba ku haya mawlihii maamuskan milgiyey iyo mudanihii gacantiisa ku doortay. Nasiib daro, waxa kale oo jira masuul u arka waxa uu lahaa oo uu helay, Rabbina aan uga cabsoon, cid kalena aan ku ixtiraamin mustawaha uu joogo.

Dareenku waa naxariis Eebe SW ummaddiisa u hibeeyey in ay kula socdaan dhacdooyinka kala duwan ee ka dhacaya gudaha naftooda iyo dibada (nafaha kale). Dareenku waa laf dhabarta aadamaha ee ka falceliya hawl kast oo jirka, ruuxda soo foodsaara kulayl, qaboow, qaylo, oohin, farxad, murugo, iwm.

Jirka iyo ruuxda bini aadamku waxa ay leeyihiin dareen celiyaal ka falceliya marxaladaha soo wajaha, dareen celiyaashaas oo ku dhisan damqasho, maqsuud, naxariis, naxariis daro, dhugmo la’aan, dhugasho dheer, qawda maqashii oo waxba ha u qaban, igu sawir, iwm.

Eebe nasahanaa oo korreeye, waxa uu dadka ka uumay ciid, dunidana ah waxa ugu hooseeya ee aadamuhu ku socdo na waa ciida. Abuuritaanka nool ah ee ciida iyo ku socodashada wixii laga abuuray, waxa ku dhidban macne mug iyo miisaan weyn oo qofkii maankiisa kaashadaa ogaanayo in aadamaha aan loo uumin kibir iyo isla weyni, cibaado mooye.

HAB FIKIRKA TOOLMOON EE MADAXDA

     Marka madaxu uu fikirayo si wanaagsan oo toolmoon oo talo baxsan, waxa uu qaadanayaa go’aamo taban oo lagu tanaado, kuwaas oo bulshada u noqda dhaxal reeb. Hab dhaqanka wacan ee madaxu waxa uu horseeda indho aragoodu fiyoow yahay, dhego hanaankooda maqal uu aad u sareeyo, iyo minjo/lugo socod quruxoon. Hase ahaate kolka madaxu u maansoonayo si aan walaf ahayn oo waydarsan masalooyinka ku gadaaman, waxa uu qaada talaabooyin aan la mahadin una dhigma raadadka wuxuushta ee aan waxba laysu hambaynin. Maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd “meel hashii durdurisay aarankii maxaad ka filin waa durdurin xoogan”.

MADAXTINIMADA IYO AMAANADA

    Madaxatimo waa ammaano loo igmado muwaadin kasoo jeeda ummaddaha uu masuul u noqonayo, una maareeyo amuurahooda guud iyo kuwooda gaarka ah si habboon. Amaanadaas xilkasnimadeed iyo isla-xisaabtankeeda waxa leh Eeebe SW oo qofkaas ka abaal-marinayaa maalin aan fogey, samo iyo xumaan wixii uu geystay. Dhanka kale waxa xisaab celintaas leh bulshadii uu masuulka u ahaa ee doortay ama uu magacaabay mid ay doorteen inuu weeleeyo waayahooda, abaal-marintooda waxa lagu tira dibnaha ama faruuryaha aadamaha oo muujiya wanaag iyo xumaanta uu leeyahay.

Nebigeenna Muxummad NNKH waxa laga wariyey todobada maalinta uusan jira har la harsado aan ahayn har Alle SW ee uu ku harayo maalinta dambe (Qiyaamaha). Todobadaas waxa loogu horaysiiyey “Masuul (imam) caadil ah oo ka run sheegay amaanadii loo dhiibay una gutay sida waafaqsan Quraanka iyo Sunnaha Nebigeenna Suuban NNKH”.

DOORROONAANTA MASUULKA HAYA MANSABKA ISLAAMKA

1.     Naxariis iyo Dulqaad

2.     Ixtiraam, Tixgalin iyo Xushmayn.

3.     Sinaan iyo Cadaaladda Aadamaha.

4.     Dhimirin iyo Damqasho kuwa aan awooda lahayn (naafo) iyo weliba awoodayaash.

5.     Maarayn iyo Maamulid Toolmoon oo aan nacayb iyo jeclaysi midna aan ku dhisnayn.

6.     Ilaalinta Amaanada Ummadu Leedahay.

7.     Dhego nuglaan ku dhislaan naxariis inta taagta daran iyo mid awood leh ba.

8.     Hoggaamin iyo Haybad lagu soo Hirto.

9.     Hal-doornimo iyo Hoodaarnimo Xeel-dheere.

10  Go’aan qaadasho turid iyo tusaalayn leh.

MADAXDII TOOLMOONAYD IYO TALO SEEGAYAASH MAANTA TALINAYAA

·       Nebigeenna Suubanaa Muxummad (NNKH): waxa uu ahaa hormuudkii ummadda islaamka, dhanka kalena waxa uu tusaalaha nool u yahay madaxdii hore iyo kuwa maanta talada haya in ay ku daydaan hanaankiisi maamul, maarayn, cadaaladeed isagoo marar qaarkood mudanaanyey waxa uusan xaq u lahayn inuu muto. Nasiib wanaag waxa uu ahaa dulqaad badan naxariistu biyo dhigtay laabtiisa, una damqada dadkiisa, ku dadaala sinaanta kana dheer eexda.

·       Abu-bakar Al Sadiiq (RC): waxa uu ahaa ku-xigeenkii Nebigeenna Suubane, la taliyihiisi gaar ah, kuna kaalmeeya wax walba oo wanaag ah, naftiisa ka horaysiiyey nafta suubanaheenna Muxummad NNKH. Abu-bakar waxa uu ahaa amiirkii ummadda Nebi Muxummad markii uu geeriyooday NNKH talada qabtay. Waxa dhacday “maalintii uu dhintay Abu-bakar RC in biilkii muddada labada sano ee talada Islaamka uu hayey qoyskiisa laga siinayey Baytul maalka uu kula dardaarmay wiilkiisii Cabdiraxman ibnu Abu-bakar in uu iibiyo dhul uu ku lahaa magaaladda lacagtaasna laga celiyo baytul maalka si aan maalinta qiyaame waxba lagu yeelan, ugana gudo bilkii reerkiisu ka qaadan jireen baytul maalka”.    

·       Cumar Binu Khadaab (RC): waxa uu ahaa ku-xigeenka Abu-bakar Al Sadiiq iyo amiirkii labaad ee talada qabtay Nebi Muxummad gadaashii. Waxa uu ahaa masuulkii amaanada heerka ay agtiisa ka joogto yidhi “waxa aan ka baqayaa in maalinta qiyaame Alle SW i waydiiyo, haddii Baqal iyo Faras ku turun-turoodaan jidadka Shaam, maxaad uga hagaajin wayday wadooyinka ay marayaan”. Dhanka kale waxa uu madaxdiisa kula dardarmayey sadex qodob, albaabada guryihiina ha furnaadeen, dharkii Nebi Muxummad NNKH idin kaga dhintayna ha badelinina, cuntada aad cunaysaana hala mid ahaato cunatada muslimiinta daciifka ah (aan waxba haysan cunayaan). 

·       Cumar Binu Cabdicasis (RC): waxa uu ka mid ahaa amiiraddii soo maray talada Islaamka guud ahaan xukumay dunida muslimka ah. Waxa uu ahaa hoggaamiye caadil ah oo sinaanta iyo cadaaladu agtiisa gabaad u ahayd, Allena hantisiiyey mudadiisii in Yeyda iyo Arigu si dhex daaqo oo aan midna mid kale ku safaadin(damcin). Waxa dhacday maalin maalmaha ka mid ah “Cumar Binu Cabdicasiis oo ummadda Muslimka ah u qaybinayaa Tufaax, ay waxa dhacday in wiilkiisu la baxsado hal tufaax intuu ka daba tagay buu kasoo qaaday isagoo leh, hantidan waxa leh ummadda Islaamka ah”. Muddo xileedkiisu waxa uu noqday ammintii la wayey cid fuqur ah oo qaadata Sakadda laga soo ururiyo Islaamka.

·       Madaxa Maamulay Talada Islaamka Muddooyin kala Duwan: waxa jiray ammino kala jaad ah in talada Islaamka ay soo mareen madaxa kala duwan oo u maareeyey mansabyadii ay hayeen sida Alle SW agtiisa lagu jecelyahay oo ah sinaan, cadaalad, naxariis, dulqaad iyo dareensanan inta aan awooda lahayn iyo weliba ka-war-qabkooda.

·       Madaxda Islaamka Ee Maanta: masuuliyiin badan oo loo doortay talada Islaamka ee maanta jooga, waxa ay ka bayreen waddaadii Nebigeenna Suubanaa Muxummad NNKH, Khulufadiis, Asxaabtiisii, iyo Taabiciintiiba ay qaadeen ammintay maamulaayeen amaanadda Islaamka.    

   Madaxda maanta waxa ay noqodeen kuwo mansabka iyo masuuliyadaha ay hayaan ugu faa’idaysta dantooda gaarka ah, kuwa awlaadood, xaasaskooda, xigaalkooda, xididkooda, iwm. Hantidii islaamka sida dhaqaalaha, dhulalka, gaaddiidka, guryo, mansab, maamuus iyo wax walba oo muslimku lahaa na si gaar ah ugu wareejiyeen. Waxa baylaha noqday masiirkii iyo masuuliyadihii loo hayey ummadda muslimka ah, oo in badan u gacan galay cadowga islaamka. Dhibaatadaasi waxa ay horseeday amaan-daro, xasilooni la’aan, dil, dhac, boob, foodo, ciil-qab, naxariis daro, cuqdad xargaha goosatay iyo masuul laga ilaalinayo kuwii doortay. Mudane iyo marwo walba oo loo igmado xil ummadeed waxa ay ku dadaalayaan habkii ay u dhici lahayeen.

   Hase ahaate waxa biyo kama dhibcaan ah, masuuliyadaha la dayacay oo si waafiya lagu gacan geliyey shakhsiyaad dano gaar ah ku qabsanayaa in aan laga helayn wanaag iyo baraare aan ahayn il-haano iyo dhacdooyin ugub ku ah dhegaha iyo araga aadamaha. Dhaca iyo boobka lagu gaysto maamuus iyo mansab bulsho wada leedahay dhaxalkeedu ma dib dhaco, dhibtiisna waa la dhadhamiyaa, aakhiro iyo miisaanka Alle na SW waa halkiisi.     

GUNAANAD QORMADAN

     Guntii iyo gebogebadii waxa aan kusoo gunaanaday maqaalkan, madaxdu in ay la dareen noqdaan dadkooda sida ay ula dareen yihiin xaasaskooda, caruurtooda, xididkooda iyo xigaalkood. Mudanka rasmiga ah waa muwaadinka aan soo gaari karin agtaada, iridaaduna ka oodan tahay, dabka gurigiisuna bakhtiisan yahay muddo badan, dhawaaq, oohinta caruurtiisa, tiiraanyda, ciilka, calool xumo badan taalo hooygooda. Dhugashada dhaw ee dhawaaqyada taagta daran ee kasoo baxaya af iyo adin tabar daran oo aan awoodin inuu u hadalo si furan, u socon karin si wanaagsan gaajo, macaluul, maariyaad iyo musiibo ku habsatay aqaladooda oo ay sababtay maamul iyo maarayn xumada madaxda Islaamka ee maanta joogta. Dhacdooyinka ugubka ah ee la diiwaan-galiyey maalmahan dacarta ka kharaar waxa ka mid ah, muwaadin xaqiisii muwaadinnimo la addeegsanyo isaga oo aan raali ka ahayn, hase ahaate lagu dulaynayo hantida ku jirta qasnaddaha dawladda ee ay isticmaalyaan qoysaska madaxda.

      Madaxda Soomaalida ee la doortay ama la magacaabay si gaar ah waxa aan ugu baraarujinayaa in ay kala gartaan xilka ummadda iyo masuuliyadaha ka saaran guryahood. Masuulka dhabta ah waa kan isu arkaa inuu yahay addeeg (khidmeeye) ummadeed oo u khidmaynaya bulshadii lahayd mansabkan. Dhanka kale awlaada, xaasaska, walaalaha, ehelka, xididka, xigaalka muddooyinkan dambe ku milmay maamulka iyo maaraynta arrimaha Muslimka ah ee uu hormuudka u yahay masuulka loo doortay ama loo magacaabay. Awoodihiisina u isticmaalay dano gaar ah sida dhaqaale urursi, dhul boob, dhac bareer ah, eex, burburin hantida dadweynaha iyo dawladda, naxariis daro baahsan, ku takrifalka awoodaha masuuliyiintii kale ee dalka u addeegaya, loona arko shaqaale ka shaqeeya hoygooda/aqalkooda madaxda iyo ehelkood leeyihiin.

Comments

Popular posts from this blog

ODORASKA DOORASHADDA SOOMAALILAND – NATIIJADDA W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

MALA MAAMULI KARAA DUUL GAAJAYSAN!

SOOYAALKA SALADDAHA SOOMAALIDA