HODONTINIMADA AFKEENNA HOOYO IYO SIDAYNU UGA ILDUUFAYNO ADEEGSIGIISA

HODONTINIMADA AFKEENNA HOOYO

IYO

SIDAYNU UGA ILDUUFAYNO ADEEGSIGIISA

■◇■
W/Q: Muscab Cabdijamal Cismaan
■◇■

Ummadda Soomaaliyeed waa bulsho ku dhaqan dhul weynaha Afrika gaar ahaan Geeska Afrika. Ummaddaasi waxa ay ood-wagaayihiin dadyow kala duwan sida Oromada, Canfarta, Amxaarada, Riindiilaha, Gambeelaha, Jalwada, Masaayda iyo Qoomiyado kale oo aad u badan. Kuwaas oo dhammantood Eebbe ku kala beeray dalalka Itoobiya, Kiinya iyo Jabuuti.

Soomaalida waxa Eebbe ku galladday diin, dhaqan iyo af uu ku suntan yahay ilbaxnimo guun ah. Si gaar ah afka Soomaaligu oo ah af aad u facweyn waa luuqade, soo na jiray guyaal aad u fara badan.

Kaadiiriinta, aqoonyahannada ku xeel-dheer aqoonta afka ee loo yaqaan af-aqoollada, waxa ay ku tilmaaman in afka Soomaalidu yahay afkii ay ka soo unkameen afafka kale ee aadamaha. Sida oo kale hiddo-baarayaasha ku talax-tagay aqoonta barashada aadamaha waxa ay sheegeen in Soomaalidu tahay asalka aadamaha ee laga soo farcamay.

Haddaba, waxa nasiib wanaag ah, in shalaytoole Dawladda Fedaraalka Soomaaliyeed ay ku soo biirisay golaheed wasiirrada, wasaarad cusub. Hase-ahaate dhanka kale waxa nasiib daro aad u weyn ah in maankii iyo muunadii madaxda Soomaaliyeed ay noqoto buumka iyo carroogga bulaalisa afafka shisheeye.

Wasaaradda waxa ay u bixiyeen "Wasaaradda Bii’ada iyo Is-badalka Cimilada", halka erayga Bii’adu uu yahay eray ka soo-jeeda afka Carabiga. Haddaba eraygaas Carabiga ah waxa u dhigma oo si walba ugu suubban in loogu adeegsado waa ereyga Soomaaliga ah ee "Deegaan." Waxa ayaan-daro aad weyn ah in dawladdii dadka Soomaaliyeed u igmadeen inay dhawrto oo ilaaliso furihii nolosheenna oo afkeenna ah in ay ilaalin waydo oo ayba adeegsan weydo ereyda toobboon ee Afkeenna hooyo.

Madaxda iyo xilosaamadyada loo igmaday inay qarankeenna u adeegaan waxa aan u soo jeedinayaa oo aan kula talinayaa: "in inta aan la hor-geyn Golaha Shacabku inuu ansixiyo, in wasaaradda cusub loogu wanqalo looguna magac-bixiyo "Wasaaradda Deeggaanka iyo Is-badalka Cimiladda."
..............................

Comments

Popular posts from this blog

ODORASKA DOORASHADDA SOOMAALILAND – NATIIJADDA W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

MALA MAAMULI KARAA DUUL GAAJAYSAN!

SOOYAALKA SALADDAHA SOOMAALIDA