ADDEEGSIGA AAN HABBOONAYN EE EREYGA MUCAARADNIMO W/Q: Muscab Cabdijamaal Cismaan

 

ADDEEGSIGA AAN HABBOONAYN EE EREYGA MUCAARADNIMO

W/Q: Muscab Cabdijamaal Cismaan

   Isticmaalka ereyada aan ku wanaagsanayn addeegsigooda bulshada dhexdooda iyo dhaxalka rasmiga ah ee laga dheefo si guud iyo si gaar ah waxa ka mid ah horay u socosh la’aan baahsan, addeegsiga ereyada aan ku wacnayn ummadda qayabaheeda kala duwan waxa ay horseed u noqdaan hab-u-fakarid gurcan oo dib u dhac aad u ballaaran ku ah shacabka iyo dalka ba, badbaadinta guud ee dalka waxa qayb aad u weyn ka ah ereyada wanaagsan ee ummaddu addeegsato si waddanka horumarkiisa iyo nabad gelyadiisa u tisqaado.

   Ereyga mucaarad waa kelmad carabiya oo ah caarida macno ahaana ah bayrid (mukhaalafo), diidmo (manci) danta guud iyo tan gaarka ah oo ay ku dhan tahay xilkasnimo la’aan weyn, dhanka kale waa erey aad u xun oo ku dhisan diidmo qayaxan oo bulshadu ka dhaxasho waxqabad la’aan iyo is-qabqabsi joogto ah, xaqiiqdii ereyganu waxa uu samayn buuxda ku yeesha hab-dhaqanka siyaasadeed, dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ee ummaddaha dunida gaar ahaan bulshadda Soomaaliyeed.

   Ummadda Islaamka waxa ay diinteenna suubban ku boorisay in ay iska ilaaliyaan mucaaradada (diidmada) oo bulshada dhexdeeda ka abuurta khilaafaad iyo is qabasho oo inta badan soo noqnoqota.

   Ummadda Soomaaliyeed iyo dawladoodba heer fedaraal iyo mid maamul gobolleedba waxa loo baahan yahay in ay si wada-jir ah u suuliyaan looga na tanaasulo addeegsigii ereyga mucaaradnimo sida muwaadin muraacad ah, ganacsade mucaarada, siyaasi mucaarad ah, xisbi mucaarad ah iyo mucaarad dhan walba oo loo dhigo.

DHAXALKA SOOMAALIDA EE EREYGA MUCAARADNIMO

   Bulsha-weynta Soomaaliyeed waxa ay ka dhaxleen ereyga mucaaradnimo dheef aan wanaagsanayn taas oo ku dhisaalan qorshe aan lahayn waxqabsi dhab ah, dhibta ugu weyn waxa aan ku qiyaasi karaan in ay ka timaado ereyada aan habboonayn addeegsigooda oo aalaaba ummadda Soomaaliyeed isu fudud u isticmaalan. Dhaxalka rasmiga ah ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed ka dheefeen ereyga mucaaradnimada oo ah diidmo aan oggolayn horumarka iyo horseedka bulshada qaybaheed kala duwan oo si wanaagsan u hirgala.

    Addeegsiga ereyga mucaaradnimo (caaridid) ee bulshooyinka islaamku gaar ahaan ummadda Soomaalilyeed waxa ay ka dhaxleen is oggolaansho la’aan qayaxan oo aan ku dhisnayn hab talo-siineed iyo maamuusid madaxeed sababta ugu weyn ee diidmada keenaysa oo ah isticmaalka ereyada aan u wanaagsanayn bulshada ama dawladda sida mucaarad.

   Ummadda Soomaaliyeed xaqiiqdii addeegsiga ereyganu waxa uu u horseeday horumar la’aan aad u weyn, dagaallo sokeeye, dhaqaale xumo baahsan, midnimo darro, ammaan xumo, qabyaalad iyo reernimo hano-qaaday, waxbarasho iyo caafimaad la’aan. Dhib walba oo bulshadeenna Soomaaliyeed kasoo wajahada ereyada xun xun ee sida fudud oo aan hubsiimaha lahayn loo isticmaalo dhaxalkoodu dhabta waa dib u dhac hano qaaday. Tusaale haddii ninka bulshadu u wanaagsan ummadu ku magac-dhabaan cabdi-khasaaro waxa biyo kama dhibcaana in uu noqonaayo nin talaabo kasta oo uu qaado ay noqoto mid khasaaro ah bulshadana dib u celiysa, magac dhabida xumi waxa ay la fal-gashaa ficilada qof samaynaayo, mar haddii addeegsiga ereyada xumi horseedaan dhibaatooyin badan xaqiiqdii shacabku waxa uu mudan yahay isticmaalka ereyada cuddon ee bilaya bulshada qaybaha kala duwan sida siyaasiyiinta, ganacstada, culimo awdiinka, isimada, aqoonyahanka, dhalinyaradda, haweenka iyo iwm.

BEDDELKA SUUBBAN EE EREYGA MUCAARADNIMO

   Bulshada Soomaaliyeed waxa ay leedahay luuqada hodona (qani ah) oo leh erey bixino aad u badan oo ku dhisan cilmi iyo waaya-aragnimo gur fog oo ay dhisaaleen aqoonyahaniin Soomaaliyeed lana dhigaalay taariikhdu kolkay ahayd 1972-kii waqti dawladdii Kacaanka, afkaas oo ah luuqad hodon ah oo loo dhammaystiray dhammaan baahiyaha luuqad ama af u baahan yahay sida erey bixinta, qaab dhismeedka xirfadaysan ee ereyada iyo iwm. Helitaanka beddelka wanaagsan ee ereyga mucaarad waxa ay laf-dhabar u tahay hirgalitaanka horumarka iyo horay-u-socoshada shacabka Soomaaliyeed.

EREYAGA TALO-TOOSIYE/TOOSIYAAL

   Ereyga toobboon ee lagu baddeli karo ereyaga mucaarad waa erey macno iyo qiimo aqoon ahaaneed ku fadhiyaa kaas oo ah ereyga talo-toosiye/toosiyaal oo macno ahaan ah wax sax’e si xidaarnimo iyo xilkasnimo ku dheehan tahay waxa ugu tilmaama madaxdiisa, dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisana ugu damqada si naxariisi ku jirto.

   Ereyga ugu habboon ee bulshada Soomaaliyeed ku beddeli karaan mucaaradada waxa aan ku tilmaamaya ereyga talo-toosiye/toosiyaal oo ah erey leh miligo, maamuus, mudnaan iyo muujin ku dheehan aqoon iyo xirfad erey bixineed oo diinta, dadka, iyo dalkana gaarsiin kara horumar iyo horseed baaxad leh sida dhan dhaqaale, dhaqan, bulsho, siyaasad iyo iwm.

   Taladu waxa ay u qaybsantaa saddex qaybood oo bud-dhig iyo udub-dhexaad u ah horumarka iyo hiigsiga himillooyinka qaranku leeyahay, saddexaad nooc ee taladu waxa ay kala yihiin kuwan hoos ku xusan:

Talo-keenku: waa qayb bulshada ka mid ah oo loo xilsaaray shaqo ay bulshadooda ku matalaan, kuwaas oo leh maskax iyo maan-furnaan xikamadeed oo aad u sarraysa soona dhirraan dhiriya waxa walba oo dalkooda dan guud ugu jira kuna dhiirrada hirgalintooda oo suubban oo leh la-tashi bulsho iyo talo-toosiye ba.

Talo-raacu: waa qaybta ugu ballaaran ee bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaas oo hirgaliya tallooyinka toolmoon ee ka yimaada talo-keenayaasha shacabku u xil-saraateen in ay dejiyaan arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda si dalku u gaaro isku filnaan dhammaystiran.

Talo-toosiye: waa qolada saddexaad oo si hufnaan iyo waayo-aragnimo baaxad leh u saxa tallooyinka toobbon ee ay dajiyaan talo-keenayaasha, kuwaas oo ku taliya si waafaqsan sharciga dalka u degan ee dastuurka iyo xeer hoosaadyada kala gedisan, talo-toosiyaashu inta badan waxa ay ku deddaalan muujinta waajibaadka dalkooda ka saaraan. Dhanka kale talo-toosiyaashu mahan mucaarad iyo dad diidan dawladnimada iyo ummaddooda alaaba waxa ay xaq u leeyihiin in ay arrimaha dalka si waafiya uga talo-bixiyaan.

MAXA LAGA DHAXLI KARAA EREYGA TALO-TOOSIYE!

   Ereygan talo-toosiye/toosiyaal waxa laga dhaxli karaa mustqabal wanaagsan oo qarannimo iyo qofnimo ku dhisan iyo bayaaminta wanaag dalku leeyahay si qaybaha bulshadu ugu soo hirtaan horumarka waddanka uu horseedka ka yahay talo-toosiye, ereygan talo-toosiye oo lagu bedello ereyga ah mucaaradnimo (caaridid) waxa laga dheefi karaa sidan:

Isu-tanaasul Ummadeed

   Dhaxalka wanaagsan ee ereyga talo-toosiyaal waxa udub-dhexaad u ah isu-tanaasul bulsho, siyaasiyiin, dhaqaale yahano, aqoonyahano iyo iwm, halku dhigeeda dhabta ah ee talo-toosiyaasha waxa uu yahay u tanaasul dalkaaga si dheeftiisu u noqoto mid guul ah.

 

Iskaashi Horumarineed

   Horumarku waxa uu ku jira gacamaha bulshada dalka u dhalatay kuwaas oo dareen buuxa u muujiyaha muhashadooda (doonistooda) horumarineed mar walbana ku deddaala horumarka dalka haddii ay noqoto talo-keene, talo-raac iyo talo-toosiye ba.

Kala-dambayn Iyo Ammaan Buuxa

   Xasiloonida iyo nabad gelyada dalku waxa ay ku jirta cududaha ay leeyihiin saddexda qaybood ee tallooyinka ee kala ah talo-keen, raac iyo toosiye oo ah qaybaha bulshada dalku u qaybsamaan, hirgalinta nabad gelyo waartana waa wada-jirkooda.

Hoggaamiye Suubban

   Madaxda talada dalka haysa waxa looga baahan yahay in ay talada dalka waxa ka wadaajiyaan u heelanayaasha dalka ee ah talo-raac iyo talo-toosiye oo ah labada kale oo hoggaanka waddanka talada la gardaadiya hubaashiina waddankooda ka dhawra dhib walba oo dalkoodu mudanaayo sida ammaanka iyo hurumarka noocyadiisa kala gedisan.

Dhaqaale Xooggan

   Cudud dhaqaale oo xooggan waxa laga dhaxali karaa addeegsiga toobboon ee talo-toosiyaasha dawladda dhexe ama maamul gobolleedyadu leeyihiin, dhaqaale aan si waafiya loo gorfeyn oo aan loo qaada-dhigin xaqiiqdii horumar lagama sameeyo, horumar walba oo dhaqaale waxa uu u baahan yahay iskaashiga bulshada qaybaheeda kala duwan.

Siyaasad Hufan

   Xiribta wanaagsani waxa ay dhashaa talo-toosiyaal toollmoon oo aad ugu foogan tallooyinka wax-ku-oolka ah ee ay dalkooda la garab joogan, siyaasada leh xidaarnimada iyo xilkasnimada gurada dheer waa hal-beegga rasmiga ah ee lagu cabiro hannaanka hoggaanka mustaqbalka dhaw iyo kan dheer ee hiigsanaya hoggaaminta dhulkan hodonka ah.

Bulsho Waayo-arag Ah

   Ummad qorshahoodu aad u dheer yahay waxa laga dhaxala talo-toosiyaasha toobboon ee bulshadood ku hagaya hannaanka wanaagsan ee iskaashi, daryeelida, dhaqan ilaashiga, tayo sari, qabyaalad ka dheeransho, hufnaan iyo ceeb ka saliimnimo aad u sarraysa.

GUNAANADKA QORMADAN

   Gebagebada qormo dhigaaleedkan waxa aan kusoo afmeereya ilaalinta hab addeegsigan suubban ee ereyada wanaagsan ee ku jira afkeenna hodonka ee Rabbi dhaxalka inooga dhigay, bulsha walba oo ilaalisa hodontinimada afkooda waxa si waafiya u sugma dhaqankooda, diintooda, cirdigooda, sharafka iyo karaamada Alle u hibeeyey.

   Isticmaalka ereyga wanaagsan ee talo-toosiye waa habka ugu habboon ee lagaga gudbi karo gebi ahaan caqabadaha soo wajaha ummadda Soomaaliyeed sida siyaasada, dhaqanka, dhaqaalaha, bulshada iyo iwm. Dhanka kale wanaagu waxa uu ka wacan yahay addeegsi xumaanta oo bulshada dhaxalsiiya mugdi iyo madow mustaqbal oo aad u daran, isticmaalka ereyada toollmoon ee ku jira afkeenna Soomaaliga waxa uu taageero buuxda u noqonayaa hirgalinta, wacnaanta iyo iskaashiga bulshada ee hab addeegsiga toobboon ee dhisa nolosha aadamaha.

   Gunaanadkii waxa aan ummadayda Soomaaliyeed ku dhiirrigalinaya in ay addeegsadaan ereyga wanaagsan ee talo-toosiye kana dheeraadan ereyga xun ee mucaarad (caaridid) oo inta badan masuul ka ah dhibaatooyinka dalka ka jira sida shacab, dawladda, talo-toosiyaasha heer fedaraal iyo heer maamul gobolleedba.


Comments

Popular posts from this blog

ODORASKA DOORASHADDA SOOMAALILAND – NATIIJADDA W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

MALA MAAMULI KARAA DUUL GAAJAYSAN!

SOOYAALKA SALADDAHA SOOMAALIDA