HODONTINIMADA SANAAG IYO U DHUGMO LA’AANTA DADKEEDA

          n 

   Gobolka Sanaag waa gobol oo ka mid siddeed iyo tobonka gobol ee Soomaaliya, gobolkaasi waxa uu juquraafi ahaan dhacaa Waqooyi Bari Soomaaliya. Dhanka kale gobolka Sanagaa waxa uu ka kooban yahay degmooyinka kala ah:

1. Degmadda Ceerigaabo oo ah maagaalo madaxda gobolka Sanaag

2. Degmadda Ceel Afweyn

3. Degmadda Badhan

4. Degmadda Laas qoray

5. Degmadda Dhahar

   Gobolka Sanaag waa gobolka labaad ee ugu weyn gobollada Soomaaliya keliya waxa ka baaxad weyn gobolka Bari, gobolkani waxa uu xuduud dhuleed la wadaaga gobolada Bari, Nugaal, Sool iyo Togdheer, dhanka xeebta waxa uu xuduud baddeed la yahay gobolka Waqooyi Galbeed  waxa ay xuduud la wadaagaan gobollada Bari, Nugaal, Togdheer, Waqooyi Galbeed oo xuduud baddeed ah.

   Gobolka Sanaag waa gobol taariikh aad u guro dheer ku leh sooyaalka soo-tiillada Soomaalida haddii ay tahay dhaqan, xadaarad, xidaarnimo, siyaasad, gobonimo u dirir ama gumaysi ka caaganaan, midnimo iyo wadajir iyo iwm. Dhanka kale gobolkan waxa ku aasan awoowayaasha inta badan qabaa’ilka Soomaalida sidaas darteedna gobolkan waxa lagu magacaaba gobolkii awoowayaasha.

   Gobolkanu waxa uu leeyahay saladano aad u fac weyn oo lagu tilmaamo salanada ugu da’da weyn saldanooyinka ka jira gaygi Soomaalida, boqortooyadaasi oo hadda tirsigeedo yahay 27 Garaad iyo Suldaan oo midba mid kale uu ka dhaxlay hannaan abtirsiimo oo aan lahayn boob iyo dhac dhaqan oo muddoyinkan danbe Soomaalida dhaqankeeda qayb ka noqday.   

            Keysanaha Gobolka Sanaag iyo Ka Faa’idaysi                                      La’aan Ku Gadaaman

   Gobolka Sanaag waxa uu ka mid yahay gobollada Soomaaliya iyo Geeska Afrika ee Alle (sw) ugu deeqay noocyada kala duwan ee keysanaha (kheyraad), nimcooyinka rabbi si lixaad leh loogama faa’idaysan hase ahaate bulshada gobolkaasi qaybo ka mid ah ay si aan badnayn ugu faa’idaystay kheyraadka ku duugan dhulkaas hodonka ah. Hubantidii haddii nimcada gobolkaasi leeyahay si wanaagsan looga faa’idaysan lahaa ummaddiisa iyo gebi ahaan waddanka Soomaaliya waxa uu noqo lahaa dal hodon ah kana dheer gaajada iyo baahiyaha joogtada ah ee aan rabbi (sw) uusan badin. Kheyraadka dhulkaasi la gaarka yahay waxa ka mid ah:

Cimilo Qaboob: cimilada deegaanadda gobolka Sanaag waa mid qoboow oo rooban rabbina hibo gaara uga dhigay gobolkaas, waqtiyada gaar qaybo gobolka ka mid ah waxa da’a roobob baraf ah, xilliyada qaarkoodna gobolka waxa uu leeyahay cimilo diirimaad ah oo aan kulayl ahayn. Afarta xilli ee sannadka gobolku waxa uu helo si rasmiya labo waqti roobaad oo kala ah Guga, iyo Deyrta halka Xagaaga qaybo gobolka ka mid ah uu rooban yahay mase badana, diraacda ama jiilaalku waa xilli qalayl iyo roob la’aan ah hase ahaate haddii deyrtu si wanaagsan u da’do jiilaalka lama dareemo deyrtaas baan lagu sugaa guga soo socda.

Dhaqashada Xoollaha: gobolka Sanaag waxa uu leeyahay dhul dhaaqsimeed aad u weyn oo sahalay in gobolka noqdo gobol dhaqasho xoolaad oo lagu dhaqado afarta meeris oo Soomaalidu dhaqato sida Riyaha, Idaha, Geella iyo Lo’da sidoo kale bulshada gobolkaas waxa ay caan ku yihiin dhaqashada fardaha oo deegaankaas aad u jooga, dhanka kale bulshada gobolku waxa ay dhaqadaan dameeraha oo u ah gaaddiid loo addeegsado baahiyaha bulshada. Dhul daaqsimeedka gobolka Sanaag waxa uu ku yaala Soolka, xadeedka iyo dhulka banaan ee dooxooyinka leh. 

Dhul Beereed: gobolka Sanaag Soomaaliya waxa uu leeyahay dhul beereed baaxad leh oo ay horseed u noqotay ciideeda hodonka ee ku wanaagsan beerashada meel walba oo ka mid ah deegaanadda gobolka Sanaag haddii ay biyo leeyihiin waa dhul waxsoosaar leh. Beeraha gobolka waxa ku tiirsan gobollada ay soohdinta wadaagan sida Sool, Togdheer, Bari iyo iwm. Nimcada gobolka Alle ugu deeqay bulshadiisu ugama faa’idaysan sidii ugu wanaagsanayd haddiise loogu dhiiran lahaa maalgashiga dhul beereedka gobolka waxa uu qayb weyn ka qaadan lahaa suuqyada khudaarta dalka sidoo kalena waxa laga maarmi lahaa khudaarta dalka uga timaada dawladdaha deriska ah sida Itoobiya.

Buurro: gobolka Sanaag waxa uu leeyahay buuro aad u waaweyn oo ku teedsan qaybo gobolka ka mid ah, buuraha gobolka mara waxa ka mid ah buuraha Golis oo gobolka Sanaag caan ku yahay qaybo kale oo gobollada dalkana mara, dhanka kale gobolka waxa ku yaala buurta ugu dheer buuraha Soomaaliya buurta Surad, buuraha kale waxa ku jira buurta Daallo iyo buuraha Calmadow oo gobolku caan ku yahay xaqiiqdii buurahaasi waxa ay bilaan quruxda iyo qiimaha deegaanka gobolka Sanaag, buurahaasi waa dhul beereed aad u xooggan oo waxsoosaarka gobolka qayb ka ah.

Biyo: gobolka Sanaag waa gobol biyosan oo leh biyo aad u badan oo isugu jira biyo ceelaleed oo ah ceelal la qoday oo ay qodeen gumaystihii Ingiriiska, dawladdiihii Soomaaliya sida dawladdii rayidka, dawladdii Kacaanka, maamuladdii dalka laga aasaasay burburkii dawladdii dhexe, haay’addo madax banaan iyo isku tashi bulsho. Biyo ileed waa biyo burqanaaya oo rabbi ku manaystay qaybo ka mid gobolka Sanaag sida isha Godmo biyo cas, Isha Buraan, Isha Badhameed, Illo kala duwan oo ku yaala buuraha Golis iyo Calmadoow.

Maydi iyo Moxor: gobolka waxa uu ka mid yahay gobolladii la oran jiray dhulkii uduga laguna magac dhabay maydiga, moxorka, faleenka iyo fooxa ka baxa dhulkaas sare ee ku yaala gobolka Sanaag. Nimcadaas oo looga sameeyo waxyaabaha bulshada u isticmaasho udgoonka sida cadarada iyo waxyaabaha loo shito guryaha. 

Macdan iyo Dahab: gobolka waxa laga helaa macdamaha aadka u qaaliga ah iyo dahabka oo xudun u ah gobolkan qaybo badan oo dhulkaasna waxa laga helay dahab fara-badan oo aan la qodin hase ahaate lagu helay qalab aad u yar oo il-qabatina, dhulka dahabka laga helay oo ah deegaanka Cirshiido oo u dhaw Magaaladda Ceerigaabo, Milxo oo ka mid ah deegaanadda hoos taga Laas qoray iyo deegaanno kale oo ku yaala buurta Calmadow. 

Kaluumaysi: gobolka Sanaag waxa uu leeyahay xeeb aad u dheer oo Alle (sw) gaar u hantisiiyey kheyraad aad u badan xeebta gobolkaas marta badda cas oo ah badda muhiim oo ay ku jiraan nimcooyin farabadan oo aan ku jiran xeebaha kale sida badweynta Hindiya, Badda Madow iyo baddaha kale. Kaluumaysiga baddaha gobolka Sanaag xaqiiqdii mahan si wanaagsan loo intifaacsado bulshada gobolkaas ku nool waxa ay ka baahan yihiin keysnaha ku jira baddooda. Dhanka kale gobolka Sanaag waxa ku taalay warshadii kaluunka ee Soomaaliya lahayd taasi oo lagu magacaabay Warshada Kaluunka ee Laas qoray oo ku taalay degmadda Laas qoray, warshadaas oo soosaari jiray kaluun noocyadiisa kala duwan waxsoosaarka warshadaasi waxa uu gaari jiray dunida dacaladeeda sida waddamada deriska ah iyo kuwa fogfogba. Warshadaasi burburkii dalka dabadeed waa shaqaynaysay waxa xirtaankeedii uu noqday khilaaf u dhexeeyey bulshadii maamulaysay.

Da’ Weyni: bulshada ku nool gobolka Sanaag xaqiiqdii bulshooyinka kale ee Soomaalida waa ka cimri dheertahay xaga da’da waxana keenaya sida aqoonyahaniinta bartay culuumta aadamaha (Anthropology) dhulka qaboob ee aan lahayn wasakhoowga hawada (Air pollution), cimiladaasi qaboob ee leh nolosha isu-dheelitiran. Da’ weynida bulshadaasi ma lahan khalkhal maskaxeed (khabal/isku-darsan), ummaddaasi iyagoo aad u da’ weyn bay misna maskaxdood aad u caafimaad qabtaa dhanka garashada.

                                Dunida iyo Sanaag
   Ummaddaha dunida gobolka Sanaag waxa uu yahay meel aad u qiimo badan oo leh sooyaal iyo soo-tiilloyin jiray guyaal iyo guyaal fara-badan xaqiiqdiina gobolkaasi waxa ay u arkaan dhul dihan oo leh nimcooyin badan oo aan dunida kale aysan lahayn. Bulshooyinka qaarkood waxa ay u arkaan dhulkaasi halkii dadku kasoo bilaabmeen. Aragtida dunidu waa aragti u baahan I si dhiifnoon loo dhugto si loo arko muhiimada uu gobolkani u leeyahay bulshooyinka caalamka, xaqiiqdii taariikhda gobolkaasi waxa ku jira soo-tiillooyin ummaddo badan oo aan Soomaali ahayn sida Faraaciintii, Carab, Faarisiin, iyo ummaddo kale.        
Muhiimada U Leeyahay Baraaruga Bulshada Sanaag

   In bulshada ku nool gobolka Sanaag ay hurdada ka toosto si biyo kama dhibcaanan u baraarugto waxa ay udub-dhexaad iyo laf-dhabar u noqonaysa horumar iyo kaladambayn uu gobolku gaaro, bulsho walba oo si xaqiiqaha u baraarugta waxa ay la timaada hannaan waxqabsi oo leh hufnaan iyo waayo-aragnimo guro fog oo laga dhaxlay waxqabad la’aantii lasoo maray. Hirgalinta baraaruga bulshada gobolku waxa uu bilaa horumarka aadamaha iyo kaabayashaa dhaqaale ee ummaddaasi leedahay. Muhiimada Baraaruga bulshada Sanaag waxa uu horseed u noqon karaa:
Iskaashii iyo waxqabad: bulshada oo ku dadaasha hirgalinta himillooyinkooda iskaashi waxa uu hormuud u noqonya in ummaddaasi gaarto horumar iyo kaladambayn waarta saldhigeeduna yahay waxqabad horumarineed.
Isku-tashi: taladu waa gundhiga aadamahu ka gaaro go’aamadiisa masiiriga ah, gobolka Sanaag bulshadiisu waxa ay u baahan tahay talo midaysan oo si wanaagsan loo gardaadiyey ama loo rogrogay si taladaasi u horseedo horumar baaxad leh iyo isu-tanaasul ummaddeed, talo xumada gobolka ka jirtay waxa ay hormuud u noqotay mawqif la’aan iyo siyaasad xumo baahsan oo gobolka Sanaag ka reebtay gobollada  kale ee dalka. talo wadaagid shacab waxa ay hirgalisa waddaniyad iyo jacayl ummaddeed kolkii qof walba oo bulshada qayb ka ah uu helo fursad uu talada toobboon bulshadiisa kula wadaago si loo helo tallooyin wax ku ool ah. 
Isu-tanaasul ummaddeed: shacabka ku dhaqanka gobolka Sanaag waxa ay baahi aad u weyn u qabaan isu-tanaasul bulsho si loo gaaro isu-soo-dhawaansho shacab. Isu-tanaasulku waxa udub-dhexaad u ah haldoorada ummada ee gacanta ku haya tallooyinka bulshada sida siyaasiinta, oday dhaqameedka, culimada, aqoonyahan, haweenka, dhalinyarada iyo iwm.
Wax-soo-saar Mug Leh: bulshada gobolka waxa laga doonaya in ay maalaan cuduudaha Rabbi u hibeeyey si deegaankoodu u noqdo mid leh tabac aad u badan oo lagaga maarmo taakullooyinka gacamaha shisheeyaha. Waxsoosaar beeraha gobolka oo la dardar geliya waxa laga dhaxli karaa horumar ballaaran, kaluumaysiga oo si wanaagsan looga shaqeeyo hubaashii waxa uu horseedi karaa soo jiidashada maalgaliyaasha baddaha dunida ee maalgashada tabaca baddaha, xoollaha nool oo horumarintooda lagu deddaalo waxa laga dheefisan karaa horumar bulsho oo baaxad leh sababtoo ah xooluhu waa laf-dhabarta bulshada Soomaalida meel walba oo ay ku nool yihiin, dhul maalida oo ah soo-saarista dahabka iyo macdanaha ku jira buuraha deegaanka gobolka Sanaag waxa uu gobolka u ka dhigi karaa mid gaaray isku filnaansho dhaqaale.
Aqoon Dhab Ah: barista bulshada cilmiga dhabta ah ee ay u baahan yihiin, aqoon ay u baahan yihiin bulshada ku nool gobolka Sanaag waa in ay noqota cilmi ku jaan go’an keysanaha ay haystaan si wax-soo-saarkoodu u noqdo mid mira dhala oo leh dheef iyo dhaahin cilmiyeed. Culuumta ku wanaagsan gobolka Sanaag waxa ugu horreeya barashada Aqoonta beeraha (Agriculture)oo ka caawinaysa bulshadu in ay yeelato tabac dhul beereed oo ku dhisaalan aqoonta ay barteen, dhigashada cilmiga Badda (Marine Science) oo ah aqoon bulshada ku nool deegaankaas ka saacid kara ogaanshaha aqooneed ee baddooda ku jira sida noocyada kaluunka, khayraadka kale ee badda ku jira iyo sidii looga faa’idaysan karo, qaadashada aqoonta barashada dhulka (Geogoly) oo ah cilmi bulshada gobolkaas ka caawin kara in ay dhulkooda nimcada



Comments

Popular posts from this blog

ODORASKA DOORASHADDA SOOMAALILAND – NATIIJADDA W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

MALA MAAMULI KARAA DUUL GAAJAYSAN!

SOOYAALKA SALADDAHA SOOMAALIDA