LA-TALIYAHA TOOBBOON EE HAGA HANNAANKA DAWLADNIMO
LA-TALIYAHA
TOOBBOON EE HAGA
HANNAANKA
DAWLADNIMO
W/Q:
Muscab Cabdijamaal Cismaan
(Sole-maan)
Taladu
waxa ay gundhig u tahay hannaanka maamul iyo maarayn ee dawladnimo, hubantidii
taladu waxa ay si guud iyo gaar ah ba u hagtaa shaqooyinka maalinlaha ee
dawladnimo. Maamul walba oo ku guulaysta hoggaanka dalkiisa iyo dadkiisa,
xaqiiqdii waxaa garbo u ah la-talliyaal ay tayada talo-siinnimo tahay mid aad u
saraysa. Waa na arrin dhab ah in talada toobbooni ay udub-dhexaad u tahay guullaha
dhabta ee muujiya qurruxda, qiimaha, qaayaha dawladnimo ee uu qaran
gaadho. Alle (sw) waxa uu aad iyo aad u
boogaadiyey gobanimada ay leedahay talada oo la wadaago, Rabbina waxa uu yiri: “Ka tashada amuuraha dhexdiina ah”.
Suugaanta qoomiyadda Soomaalidu waxa ay talada
ku tilmaantay arrin u baahan ka baaran-degis si guro iyo gun dheer loo
gorfeeyey. Xaqiiqdii taladu waxa ay doonaysaa gorfeyn iyo dhaagis aad u weyn.
Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda: “Talo
aan la rogrogin waa lagu rafaada.” Maahmaahdani waxa ay manqexaysa
go’aankii aan si fog looga fiirsan ee lagu na fududaado hubaashii in laga
dhaxlayo guuldaro aan filanaynin oo amuurro aad u foolxun dhasha.
Erayo muhiim ah (key words) oo maqaalkan
bud-dhig iyo ubad-dhexaad ba u ah kuwaas oo muujinayaa hannaanka quruxoon ee
qormo dhigaaleedkanu u dhigan yahay sidoo kale na si fudud oo faahfaahsana u
qaada-dhigaya la-talinta guud ahaan iyo mida gaar ahaanba.
L/N |
Erayo Muhiim ah |
1 |
La-taliye |
2 |
Toobboonaan |
3 |
Haga |
4 |
Hannaan |
5 |
Dawladnimo |
La-taliye: waa qof leh aqoon aad u sarraysa oo qoto dheer cilmi
na u leh waxa uu ka talo bixinaayo, dhanka kale cilmiga waxa u dheer
waayo-aragnimo aad u weyn oo ah mid shaqo iyo xirfadeed ba, kaalinta la
taliyuhu waa hagida hoggaanka uu la shaqeeyo si shaqada xafiiska, qaranka,
ururka, shirkaddu u noqoto mid bilan oo bulshadu aad ugu soo hirato.
Toobboonaantu: waa eray macano ahaan ah wanaag, wacnaan, laaxibboonaan,
hagaagsami, cuddoonaan iyo fiicnaan. Dhabtii erayganu waxa uu ku fadhiyaa qiimo
aad u ballaaran oo leh dhammeystir buuxa dhan maarayn iyo xag maamuul ba. Toobboonaantu
waxa ay dhaahinaysaa habka hagaagsan ee loo maro maaraynta shaqooyinka uu
fulinayo hannaanka dawladnimo.
Hagiddu: waa jihayn si guud iyo si gaar ah loo abbaarayo
shaqada la doonayo in si toobboon looga maridhaliyo. Waa awood keenta in cidda
shaqada loo ohoomiyey ay noqoto mid wixii lagu hagay ee loo xilsaaray inay si
waafiya uga soo dhalaasho tiiyoo barshiishkiisa shaqo ahaaneed la saarayo, si ujeeddo
walba oo waxqabad kastaaba ay u noqoto mid ku toosan oo raacda hannaanka maamul
iyo habka mihnad ee xirfadaysan ee loogu talagalay inay ku rakaadato.
Hannaanku:
waa nidaam shaqo lagu qabto oo leh dhiirnaan ku dhisaalan cilmi udub-dhexaadkiisuna
yahay waayo-aragnimo gaamurtay, indheer-garadnimo guun ah, xilkasnimo
xikmadaysan, xayndaab aan xumaan lahayn, himilo hankeedu sarreeyo iyo hubsiimo
hanaqaad ah, taabo-galka hannaanka wanaagsani waxa sees u ah sinnaan iyo
caddaalad ummaddeed.
Dawladnimadu: waa hab maamul oo ay ku heshiiyeen bulsho ku wada nool
hal deegaan kuwaas oo isku dhaqa dastuur ay dajisteen loo na qaaday afti
dadweyne, xeerar hoosaadyo kala gedisan, nidaam maamuul oo dhiilitiran,
dawladnimadu waxa ay ka kooban tahay saddex qaybood oo bud-dhig u ah hirgalka
nidaamka dawladnimo waa na kuwan hoos ku xusan:
1. 1- Golaha Sharci Dajintu: waa shacabkii oo la soo koobay lagana dhigay tiro
xadidan, dal kasta waxa uu leeyahay tiro xildhibaano ah kana kooban labada aqal
ee hoose iyo sare, sharci dajiye kasta waxa uu ku yimaada rabitaanka bulshada
qaybaheeda kala duwan, sharci dajintu waa qaybta koowaad ee ugu awoodda badan
nidaamka dawladnimo, waajibaadkooda shaqo waa ansixinta shuruucadda lagu hagayo
dalka, daba-galka shaqooyinka dawladnimo, la xisaabtanka xukuumadda, la
xisaabtanka ha’yaddaha kala gedisan ee dawladda iyo iwm.
2. 2-Golaha Fulintu:
waa golaha xukuumadda oo ka kooban tiro wasiiro ah oo u horseed u yahay Raysal
wasaaraha dhanka kale haddii dalku uusan lahayn raysal wasaare golaha fulinta
waxa hormuud u ah madaxweynaha dalka, waajibaadka shaqo ee golaha fulintu waa
yagleelidda shuruucadda waddanka, magacaabista madaxda ha’yaddaha qaarkood,
hirgalinta shuruucadda golaha sharci dajintu ansixiyeen, daba-galka
mashaariicda waddanka ka socda iyo iwm
3-Golaha Garsoorku: laanta garsoorku waxa ay hirgaliyasaa shuruucada waddanka u degan, dhanka kale garsoorku waxa uu go’aamiyaa xukanadda loo xukuma ah iyo laga xukuma ah sida dembiyada kala ah dilalka, kufsiga, boobka hantida iyo iwm. Golaha garsoorku waxa uu ka kooban yahay Maxkamadda sare ee dalka iyo maxkamaddaha kale ee waddanka sida maxkamadda rafcaanka, maxkamadda darajada koowaad, maxkamadda ciidamada qaranka iyo dembiyada culus iyo iwm. Garsoorka waxa bud-dhig u ah caddaalad iyo u sinnaanta shuruucadda dalka.
LA-TASHI
Waa talada oo aad la wadaagto bulshada
qaybaheeda kala duwan gaar ahaan dadka talada wanaagsan u saaxiibka ah sida
aqoonyahanka ku sifaysan indheer-garadnimo aad u weyn, culimo aw-diinka diinta
horseedka u ah, odayaal dhaqameedka hab-maamuuskoodu dhaqan aad u sarreeyo,
haweenka hoodaarka, dhalinyaradda dhiifoon ee leh dhiirnaanta waddaniyadeed. La-tashiga
wanaagsani waxa uu kor u qaada maamuuska, miligaha, mudnaanta, sharafta iyo
gebi ahaan ba sarraynta sharciga.
LA-TALIYE DHAATA
Dhaadashadu
waa soo min guurin hab wax qabasho oo ay leeyihiin dawlado iyo quruumo kala oo
aan ummaddiisa kala dhexayn dhaqan, diin, siyaasad, bulsho, soo-tiillooyin,
dhaqaale, xuduuddo iyo iwm.
La-taliye soo dhaata waa shaqsi ummuuraha
ummaddiisa iyo waddankiisu ku jaan gooya go’aanno iyo maslaxado bulsho kale
gaar u leeyihiin, qofkaas oo addeegsada hab dhaqankii iyo nidaamkii dawladnimo
ee dalka uu ku noola, wax kusoo bartay, barbaaray. Tusaale buuxa muwaadinka
Soomaaliyeed ee kasoo shaqeeyey ama wax kusoo bartay waddanka faransiiska
haddii la-talintiisu ku sal iyo jaan go’an tahay habka maamul iyo maareyn ee
dalka faransiiska taladaasu mahan mid waxtar iyo wax-ku-ool u ah waddanka
Soomaaliya. Waa na talo kala dhantaalan oo aan aayaha ummadda Soomaaliyeed an
af-qabad u noqonayn. La-talinta soo dhaadashada ah inta badan mahan kuwo lagu
guuro guure iyo gelin cadaad ba. Dhab ahaantii taladiisu waa mid aad uga fog
halka dalku ku jihaysan yahay.
Fiiro gaar ah: dhaatuhu kuma sifaysana shaqsi walba oo dalka
dibadiisa ama gudihiisa kasoo shaqeeyey, wax kusoo bartay, ku barbaaray iyo iwm
haase ahaate dhaatuhu waa soo qaata (min guurin) hab nidaameed oo ka turjamaya
danaha dawladdo shisheeye dalkiisa aan lagu salayan karin ummuurihiisa.
LA-TALIYE DHAADHIYA
Dhaadhinimadu waa dhibcinta iyo ka dhididin
maskaxeed kuna qotonta turxaan bixin, gorfeyn ku jaan go’an arrimaha waddanka,
qaada-dhigis qoto dheer, hal-abuurnimo, hoggaamin hankeedu sarreeyo iyo iwm.
La-taliyaha dhaadhiga ah waa qof arrimaha
waddankiisa ugu talo bixiya sida ugu habboon oo leh natiijooyin waxsoosaar,
talo bixinta dhaadhigu badnaa waxa ay ku dul qotonta hannaanka iyo haybada
maamulka iyo maaraynta ee ummaddiisa iyo waddankiisu uu u dhisaalan yahay.
La-taliyahaasi waa ruux kasoo dhalaala shaqooyinka uu qarankiisa u yahay,
heerkiisa talo bixineed waxa ay ka turjuntaa halka dalku hayaanka u yahay si
loo gaaro horumar iyo nabad gelyo baaxad leh.
La-taliyaha dhaadhiga ah sifadiisa shaqo ahaaneed waa dhugasho, dhiifoonaan,
dhawrsanaan, dhigaalo cilmiyaysan, qorshayaal qummaatiya, qurux maamul, qiimo
dawladnimo, qaayo ummaddeed, bilis iyo barwaaqo lagu baraarro.
LA-TALIYAHA WANAAGSAN
Waa shaqsi si hufnaan oo hoodaarnimo leh u guta waajibaadkiisa shaqo ahaaneed, docoda kale masuuliyada saaran waxa uu uga soo dhalaala si waafaqsan sharciga dalka u degan iyo xeerar hoosaadyada kala gedisan, la-taliyaha wanaagsani waxa uu muujiya quruxda iyo qiimaha xafiiska uu ka shaqeeyo. Madaxda hesha la-taliyaal wanaagsani hubaashi go’aamadoodu waa kuwo mira-dhala oo dalka iyo dadka ba u leh waxtar wanaagsan. La-taliyaha wanaagsani ma doorbido inuu shaqadiisa ku ilaashado si khaldan oo ah majara habaabinta madaxda uu la-talinayo, muujinta muuqaalo aan jirin, hirgalinta humaagyo fool xun iyo iwm.
LA-TALIYAHA XUN
Waa qof loo qaatay la-talin xafiis ganacsi,
dawladnimo, hay’adeed, urur, jaamacadeed iyo iwm, qofkaas oo lagu doorto qaab
walba oo ay addeegsato cidda leh go’aanka doorashada, la-taliyahaasi mahan mid
si xirfadaysan u guta masuuliyada loo doortay hubaantidii habkiisa shaqo waa
mid qabyo ah, docoda kalena qofkaasi kama taliyo masiir iyo go’aamo wax ku ool
ah inta badan shaqadiisu waa mid baal marsan hawlaha xafiiska uu ka shaqeeyo.
Inta badan waxa uu ku deddaala joogitaanka
xafiiskan isaga oo addeegsanaya hab kasta oo uu ku joogi karo. La-taliyahaasi
waxa uu burburiyaa sumcada iyo karaamada uu lahaa xafiiska uu ka hawlgalo waxa
uu bahdil guud iyo mid gaar ba ku sameeya cidda uu la-taliyaha u yahay sida oo
kale waxa uu kala fogeeya bulshada iyo xafiiska uu ka shaqeeyo.
Xafiiskaasi waxa uu noqdaa xero humaageedu yahay mugdi iyo madow aad u daran, dhanka kale dadka uu la shaqeeyo waxa uu siiyaa talooyin aan lahayn ujjeedooyin rasmiya oo lagu guulaysan karo talo kasta oo uu bixiyo natiijadeedu waxa ay noqotaa kala-haad iyo kala-orod, qorshe kasta oo uu diyaariyo na ma noqdo mid si hufan lagu guulaysto leh na xeelad iyo xidaarnimo aad u xeel-dheer.
HORSEEDKA HORUMARINEED EE LA-TALIYAHA
WANAAGSAN
La-taliyaha wanaagsani waxa uu ku deddaala sidii
uu tijaabo run ah ugu beddeli lahaa horumarka wanaagsan ee waddankiisu
haybsanaayo, tallooyinka uu bixiyo qotonkooda guud iyo gaar ba waa mutixida
hannaanka dawladnimo ee horseedka buuxa u ah horumarka dalka.
Waddan walba oo hanti u hela la talliyaal
wanaagsan oo ka dhabeeya horay u socoshada dhulkooda hodanka xaqiiqdii waxa ay
horseedaan heer maamul oo aad u sarreeya lagu na soo hirto si waafiya oo aan
lahayn kala dhantaalid ummaddeed iyo dawladnimo ba, dhanka kale hoggaamiyaasha
waddankaasi waxa ay leeyihiin ku dhiirasho horumarineed dheefteeduna tahay
dhaxal reeb dhaba iyo u dhimrinta dhulkooda hooyo waa dhugasho fog dhumucdeeda
il-qabatina aad u dheer tahay.
SHURUUHADA LAGU DOORANAAYO LA-TALIYAHA
TOOBBOON
Waajibaadka rasmiga ah ee lagu dooranaayo
qof walba oo loo bahan yahay in uu noqdo la-taliye madaxeed si tallooyinka uu
bixin doono ay u noqdaan kuwo dalka, dadka iyo diintaba anfaca (dheefsadaan)
waqti dhaw iyo mid dheerba, shardiyada kala gedisan ee looga baahan yahay
la-taliyaha toobboon waa kuwan hoos ku xusan:
1.
Aqoon Aad U Sarraysa:
qof kasta oo doonaya in uu noqdo la-taliye madaxeed waa in uu leeyahay aqoon
aad u durugsan oo gaar u ah shaqada uu qabanaayo si oo u guulaysto ugu na
fashilmin garoonka siyaasadda.
2.
Alle Ka Cabsi Dhab Ah: ruux walba oo la-talin u ah madaxda Soomaaliyeed iyo
kuwa waddamada islaamka waa inuu noqdaa Rabbigii yaqaan ku sifoobay Alle ka
cabsinimo.
3.
Indheer-garadnimo Guun Ah: muwaadin leh garaad iyo garasho aad u sarreeysa oo uu
kaga jibo keeni karo shaqada talo-siineed ee loo igmaday si madaxdu u hesho
talo-san.
4.
Waayo-aragnimo Qoto Dheer: waa shuruuddaha ugu waaweyn ee looga baahan yahay
la-taliyaha loo doortay in uu qabto hawlaha talo-siineed si waddanku u gaaro
horumar baaxad leh looga na faa’idaysto waya-aragnimadiisa.
5.
Gorfeyn Aan Gaabis Lahayn: waa waajibaadka ugu toobboon ee lagu doorto
la-taliyaha madaxeed ee loo fidiyo qabashada hawlaha qaranku leeyahay si loo
gaaro guullo waaweyn oo leh qorshayaal rasmiya.
6.
Quraaris Qaabayn Leh:
shaqsi leh qaabayn iyo qaada-dhigis ku qotonta cilmi iyo waayo-aragnimo guro
fog oo aad u faahfaahsan si wacana uga soo dhalaali kara hawlaha xafiisku
leeyahay.
7.
Xirfad Hoggaannimo:
maasuuliyadaha doorran ee lagu doorto la-taliyaha toobboon waxa qayb buuxda ka
ah habkiisa hoggaansan ee uu leeyahay masuulka la rabo inuu ka talo-bixiyo
shaqooyinka loo doortay.
8.
Tartiibin Aan Taagsi Lahayn: dhawris iyo ilaalin aad u dooron waa shuruuddaha lagu
xusho la-taliyaha toosan ee sida wacnaanta leh uga soo baxa shaqooyinka loo
igmado.
9.
Isu-soo-dhawayn Ummaddeed: isku wadidu waa qaabka ugu quruxoon ee lagu doorto
la-taliyaha dhaadhiga ee dalkiisa iyo dadkiisa ba u dhimriya.
10.
Han Aan Hayb Ku Dhisnayn: shardiyada rasmiga ah ee lagu soo xusho la-taliyaha
saxda ah waxa bud-dhig u ah in uu yahay qof leh hannaan sare oo aad uga fog
reernimo iyo qabyaalad ba.
11.
Himilooyin Horumarineed: muwaadin leh tubo toobboon lagu gardaadiyo horumarka
kala gedisan ee dalku hiigsanaayo, la-taliyaha guulaysta waxa uu horseed
horumar iyo hannaan dawladnimo oo baaxad leh.
12.
Xalinta Khalifaadka:
shuruucadda ugu doorka roon ee lagu doorto la-taliyaha wanaagsan waxa saldhig u
ah in uu yahay qof aqoon u leh hababka kala gedisan ee lagu xaliyo khilaafaadka
heer xafiis iyo maamul ba.
13.
Dabeecad Cuddoon:
hab la dhaqanka suubban waxa uu ka mid yahay shuruucda kala duwan ee lagu
doorto la-taliyaha wanaagsan sababtoo ah dabeecad wacani waxa ay tahay
hal-beegyada waafiga ah ee lagu soo xusho la-taliyaha leh talada horumarsan.
14.
Dulqaad Durugsan:
shardiyada waaweyn ee lagu doorto la-taliyaha suubban waxa qayb ka ah dulqaadka
oo ah irridaha ugu horreeya ee lagu qabto shaqooyinka qaran, xafiis, urur,
hay’ad iyo iwm.
15.
Waddan Jacaylnimo:
muwaadinka loo qaadanaayo in uu buuxiyo shaqo la-talin ah waxa shardiya in uu
yahay waddani dalkiisa, diintiisa, dadkiisa jacel oo markasta u damqanaya,
la-taliyaha waddaniga waxa uu ka wanaagsan yahay la-taliye aan lahayn
waddaniyad uu waddankiisa ku difaaco, waddaniyadu waxa ay muujisa dareenka
dhabta ah ee muwaadinka.
TALO BIXIN GUNAANADA
Gebagebadii waxa aan kusoo af-meerayaa
maqaalkan ka hadlaya la-tashiga toobboon ee haga hannaanka dawladnimo talo aan
u arko in ay waxtar iyo manfacba u leedahay bulshada aan la hadlayo, madaxda
heer qaran iyo heer dawlad gobolledba waxa ay mudan yihiin in si buuxda oo leh
aqoon iyo waayo-aragnimo guro fog u odorosaan (sahmiyaan) qof walba oo ay u
qaadanaayan la-talin shaqo ammin gaaban ama mid dheerba si shaqada bulshada loo
qabanaayo ay u noqoto mid martay marinkii ay lahayd.
Doorashada shaqsi saxda waxa ay u baahan
tahay fakar, gorfeyn, qaada-dhigis qoto dheer, ka fiirsasho, tijaabin,
la-tashiyo badan iyo iwm si loo helo ciddii ugu wanaagsanayd ee hawshan qaban
lahayd laga na tago dhaqanaddii soo jireenka ahaa ee aan ku jaan gonayn
nidaamka cilmiyaysan sida saaxibtinimo, walaalnimo, reernimo, boos buuxin qoys
ahaaneed (mudooyinkan aad u hano qaaday), tuhun dhaqaale iyo hab walba oo aan
dhidbanayn.
Doorashada habbooni waxa ay dhashaa helintaanka halyeeygii hoodaarka ahaa ee hawlahan qaban lahaa si dalku uga gudbo xaaladaha cakrin ee isku qoofalan ciddii qumi la haydana aan jaanis loo siin, dhanka kale doorasho aan ku dhisaalanayn aqoon iyo waayo-aragnimo guro fog waxa laga dhaxlaa dhibaatooyin aan dhammaad lahayn iyo jug juglow meeshaada joog oo ah qof maan-gaab ah oo taladii haya diidana horay u socoshada waddanka.
Comments
Post a Comment