HABABKA UGU HABBOON EE LAGU HORUMARIN KARO HUWANTA (CIIDANKA) GAASHAAMAN

Hababka Ugu Habboon Ee Lagu Horumarin Karo Huwanta (Ciidanka) Gaashaaman

W/Q: Muscab Cabdijamaal Cismaan

(Sole-maan)

   Waxa jira qaabab badan oo lagu dhisaalo quwada, qaayaha iyo quruxda ciidamada qaybahooda kala duwan, kuwaas oo u baahan halgan iyo hagarbax aad u weyn si loo gaaro horumarka ciidanku tabayo oo looga baxo dhibaatooyinka kala gedisan ee soo food saara askariga ama sarkaal Soomaaliyeed ee heeganka ugu jira difaaca dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisa.

   Nidaaminta isku qob-tolan ee lagu habeeyo hannaanka huwanta gaashaaman waxa saldhig iyo ubad-dhexaad u ah tababarka noocyadiisa kala duwan si loo carbiyo ciidankii ciidan cadawga ka ilaalin lahaa, dhanka kale nidaamka hagaajineed ee ciidamada Soomaaliyeed waxa uu rabaa naf hurid iyo deddaal haddii ay noqoto heer fedaraal iyo heer maamul gobolleedba.

   Hab dhigaalleedka maqaaladaydu waxa ay u dhisan yihiin qaab leh sharaxaad guud oo aad u faahfaahinaya nidaamka foollaadka ah ee loo yaqaano erayo muhiima ah (key words) oo maqaalku ku dhisaalan yahay sida kuwan hoos ku xusan:

L/N

1

2

3

4

5

ERAYO MUHIIMA

                    Habab

                    Habboon

                    Horumarin

                    Huwan

                    Gaashaaman

 

Hababku: waa qabaab waxa lagu dhiso ama lagu dhisaalo si loo gaaro natiijooyin hagaagsan oo lagu soo hirto kuwaas oo ka kooban nidaam ahaan, maamul ahaan, murtinimo, maan-furnaan, minqexid, maamuus iyo wixii la hal-maala.

Habboontu: waa in is hufan oo hannaansan loo maareeyo hawlaha kala gedisan ee ciidan, maamul, urur, haay’ad iyo iwm si loo gaaro isku filnaansho toobboon lagu hilmaami karo dhibaatooyinkii ragaadiyey hawlaha qaranka gaar ahaan ciidamada qaybahooda kala duwan.

Horumarintu: waa nidaamka koritaanka iyo isbeddelada ee lagu hago qaybaha bini aadamka gaar ahaan arrimaha bulshada, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda si bulshadu ugu madax banaanadaan hawlahooda guud ahaan iyo gaar ahaan ba.

Huwantu: waa awoodda iyo cudud ciidan ee qaran lagu dhawro lagu na dhaahiyo harumarkiisa bulsho, dhaqaale iyo siyaasad si loogu xorroobo culasyada deddan iyo daalacan ee burburinaya waddanka iyo shacabka ba. ciidanku waa naftood hurayaal dhiiggooda iyo dheecaankooda laga garab jooga dhulkooda hooyo ee hodonka ah si aan cadawgu uga dhadhamin dheefta dhulkanu leeyahay cidda kaliya oo ka difaaci karta waa huwanta gaashaaman (ciidanka).

Gaashaaman: waa habka toobboon ee lagu qalabeeyo cududa ciidamada qaranka heer fedaraal iyo heer dawlad gobolled ba si ciidamada qaranku ula diriraan cadawga gudaha iyo kan dibada dalkuna u helo ammaan iyo kala dambayn laysku halayn karo. Qalabka ciidamadu waa noocyada kala gedisan sida hubka, rasaasta, tuutaha, kabaha, koofiyada, gaaddiidka iyo iwm. 

 

SOO-TIILADDII QURUXOONAYD EE CIIDAMADA QARANKA SOOMAALIYEED

   Qormo qoraalleedkan waxa aad ugu faahfaahinaynaa quruxdii iyo qiimihii uu lahaa ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo horumarkii ciidannimo uu gaaray waayihii kala duwan ee uu soo maray dhanka kale ciidan kasta oo ka mid ah afarta qaybood ee kala ah Booliska, Xoogga dalka, Asluubta iyo Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka taariikhdooda si tuban ban u kor istaagaynaa.    

   Sannadii  1960-kii markii uu dalku qaatay xornimada ayaa waxa la isku daray labadii qaybood ciidamada booliska koonfur iyo waqooyi, waxaa na si rasmi ah loogu bixiyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kana koobna 3,700 oo asrkari.

   Sannadii  1961-kii waxa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee Booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax alaale wixii dumarka iyo dambiyada la xiriira.

   Isla Sannadkaasi 1961-dii waxa Booliska Soomaaliyeed loo aasaasay qaybta cirka oo iyagu sahayda u qaadayay saldhigyada meelaha fog fog ku yaalla, waxa ayna isticmaalayeen oo la siiyey diyaaradihii yaryar ee loo yaqaanay Jesna iyo Douglas DC-3.

   Sannadii  1971-dii ayaa waxa la abuurey qaybta dab-damiska oo ka tirsanayd Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaa na lagu bilaabay 51 askari oo kaliya.

   Wixii ka dambeeyey sannadihii 1970-meeyadii waxa ciidamada Booliska Soomaaliyeed tababaro u fidiin jirey dowladdaha Jarmalka Galbeed, Talyaaniga iyo Mareykanka.

   Askariga waxa uu marayaa tababar 6 bilood ah ka hor inta uusan  ku biirin ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay qasab ahayd in uu gurmad ahaan ku shaqeeyo muddo 2 sano ah, kaddibna codsi hor leh uu dhiibto si uu ciidamada uga mid noqdo si rasmiya.

   Marba marka dambaysay ciidamada Boolisku tayadooda, tiradooda iyo awooddoodu ba waxa ay ahayd mid kor u kacaysa ilaa heer dalku gaaray dembiile kasta oo dembi gala in warkiisa la mariyo raadiyaha dalka waqtina loo qabto uu ku yimaada saldhig hebel ama maxkamadda deegaanka uu jooga. Hadda se’ dembiilaha waxa lagu soo qabta gaaddiid ciidan iyo awood ciidan oo aad u xooggan waqtiyada qaarkoodana waxa dhac isku dhacayo laga la kulmo dembiilaha iyo cidda difaacaysa oo sababa dhimasho iyo dhaawac.

   Taariikhda ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya waa Sooyaal guun ah oo hadda jira nus qarani iyo ka badan, bud-dhigiisu waxa uu ah 12-kii Abriil sannadkii 1960-kii, ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa na ka soo wareegay aasaaskoodii muddo dhan 59 sano.

   Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa lagu alkumay ciidan tiro ahaan ka kooban 2,000 oo askari waxaa na loo qaybiyey 8 horrimood, hurin kastana waxa ay tiradeedu ahayd 250 ciidana oo leh saraakiil, dhakhaatiir, raadiyaystayaal iyo iwm, waxaa na ciidankaasi laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada Koonfureed ee gumeystihii Talyaaniga gumaysan-jiray, waxa kale oo jiray ciidamo gaarayay 1,011 askari, 500 oo askari oo ka mid ahaa laga na keenay Waqooyiga Soomaaliya “Somaliland British Protectrate” iyo 511 askari oo ka soo badeshay ciidanka Booliska Soomaaliya lana socday Sarreye-guuto Daa’ud Cabdulle Xirsi (Faynuus). Markii dambe na waxa ay gaareen tirooyinkii lagu qiyaasay 300,000 ilaa 500,000 oo ciidana.    

Ciiidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxa uu soo maray xilliyo iyo marxalado kala duwan oo ay midba mida kale ay duwanayd oo lahaa qumananteeda iyo qiimeeynteeda gaarka ah, goor iyo goob kastana waxa ay lahaayen mudnaano leh guulo taariikhiya oo lama ilaawan ah iyo guul darooyin aan badanyn.

   Ciidanka Asluubta Soomaaliya waxa la aasaasay 22 Febraayo 1970-kii, waxaa na ka soo wareegtay muddo ku siman 50 sano, dhanka kale waxa ay ahayd markii ugu horreysay oo Ciidanka Asluubta dhidhibada loo taagay, waxa na aasaasay madaxweynihii Dawladdii Kacaanka Sarreeye-gaas Maxamed Siyaad Bare (AUN).

   Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed waxa ay gaareen heer aad u sarreeya oo horumarineed sida tababaradda ciidamada, qalabka, bil goosiga, addeegyada kale ee ciidanka sida saadka, addeegyada caafimaadka iyo beerashada iyo tabaca dhulkeenna hodonka ah .

   Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya waxa la aasaasay sannadku markii uu ah 08-dii Janaayo 1970-kii oo hadda laga jooga muddo dhan 50 sano, xarunteeda ugu weyn waxa ay ku taalla magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqadisho, bulshada iyo qaranka soomaaliyeed waxa ay u qabtaa hawlo culculus oo leh saamaytooda.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed waa hay’adda ka shaqeysa arrimaha sirdoonka, sida oo kale hay’addan waxa ay ku shaqeysaa danaha dawladda Soomaaliya, ujeeddada uga weyn ee NSS loo sameyey haddana loo yaqaano NISA oo ah soo uruurinta iyo helista xogaha lagu badbaadinayo dalka, dadka iyo diinta lagagana badbaadinayo cadowga dalka ku soo wajahan iyo ilaalinta sirta iyo danaha ummadda iyo dawladda Soomaaliyeed.

   Markii maamulka dalka uu hoggaaminayay Sarreeye-gaas Maxamed Siyaad Barre, ciidammadii qaranka, waxa ay horumar aad u weyn ka gaareen dhinaca dhismaha iyo farsamada oo ahayd mid aad u heer sarreysa, waxa ay na ka qayb-qaateen dagaallo iyo howl-gallo nabad ilaalin ah, kuwaas oo ay ka fuliyeen dawladdo ka tirsan qaarada Afrika oo ay ka mid ahayd Yugaandha, arrintaasina waxa ay keentay in ciidamada qaranka Soomaaliya lagu magac-dhabo Libaaxyada Afrika.

   Ciidamada dalka Soomaaliyeed waxa ay mar labaad dagaal la galeen ciidamadii Xabashida ee Itoobiya taariikhdu markii ay ahayd 1977-kii, dagaalkaas oo noqday mid taariikhiya oo lama filaan ku noqday dawladihii caalamka ugu waaweynaa ee ka kala tirsanaa gaashaanbuurtii Naato iyo Waarso oo ay kala hoggaaminayeen dallalka Mareykanka iyo Ruushka. In kasta oo dagaalkii dhex-maray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay si toos ah faro-galin ugu sameeyeen Dowladiihii Midowgii Soofiyeeti, hadda na waxa hubanti ahaan lahayd in Itoobiya ay gacanteeda ka bixi lahayd dhulka Soomaali Galbeed ee hadda gacantooda ku jira.

 

SOOYAALKA MADOW EE KU GADAAMAN CIIDAMADII QARANKA SOOMAALIYEED

   Ciidamada Soomaaliyeed waxa ku gadaaman soo-tiillooyin aad u fool xun oo laga dheehan karo burbur iyo baa’ba ciidannimo oo aad u baahsan, taariikhdaas oo intooda badan dhacay burburkii dalka ee 1991-kii kadib, markii ciidamadii qaranku qayb buuxda ka noqdeen dagaalladii sokeeye ee lagu hoobtay oo ummaddii Soomaaliyeedna isu dileen qabiil qabiil lagana dhaxlay dhibaatooyin kala ah burbur dal, dhac hantiyeed, qaxooti, qabyaalad, dhaqmo shisheeye qaadashadood, addeegyo lacagaha sida waxbarasho, caafimaad, biyo, koronto, raashin iyo iwm.

   Sooyaalkaas madow waxa uu ahaa mid aad u il-daran oo burburiyey hannaankii iyo haybadii ciidamada Soomaaliyeed ay ku lahaayeen saaxda dunida ee lagu muujiyo cududa ciidamada caalamka, taariikhda mugdiga ee ciidanku gacantooda ku hirgaliyeen wali waa mid ka jirta inta badan xeryaha ciidamada dhexdooda oo xero walba waxa lagu maamula hab qabiil waxa na horseed u ah kaabo qabiilo haysta hubkii dawladda oo noqday hanti reer leeyahay.

   Awood kasta oo dunida burburta mahan mid fudud ku baa’bi karta ilaa ummadda talada haysaa qayb buuxda ka noqoto baabi’inta awooddooda iyo sharafka Rabbi u hibeeye, suggaanta Soomaaliyeed waa tii horey u tiri: “hibo Eebbe ku siiyey habeen lays kama qaado” gebi ahaan ciidamada Soomaaliyeed waxa ay gacantooda ka saareen miligihii, maamuuskii, mudnaantii iyo mustawihii ciidannimo ee ay dunida ku lahaayeen.

   Haddii nidaamka dawladnimo xumaado hubaashii jawaabteeda mahan burburi dalkaaga iyo dadkaaga si talada hadda jirta loo suuliyo hase ahaate waa fikrad fool xun, addeegso hab ilaalinaaya horumarka dalkaaga oo suulin kara nadaamka dawladdnimo ee aad diidan tahay. Dawladda xun waxa ay ka wanaagsan tahay dawlad laa’anta dhabtii tijaabada rasmiga ah waxa dhaxlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta joogta, qarramo badan oo dunida ku yaala oo daawanayey burburkii ummadda Soomaaliyeed kuma cibro qaadan habka dawladda dhisan loo dumiyo iyo dhaxalkii Soomaalida sida dallalka Suuriya, Liibiya, Ciraaq iyo Yaman oo maanta u burburay sidii qarankii Soomaalidu sodon sano ka hor ku burburay.

   Qaran dhisnaa oo burburay aad bay u adag tahay soo celintiisu sababtoo ah waxa burbura adduunka waxa ugu xun waa maanka, haddii maskaxda ummaddu noqoto mid door biday burburka iyo baa’ba, xaqiiqdii horumarkii iyo kala damabayntii dalkaas mahan mid si sahala lagu soo celin karo.  

QAABABKA QURUXOON EE CIIDAMADA LAGU HORUMARIYO

   Ciidamada dunida waxa lagu dhisaa habab doorran oo ka turjuma hannaankooda maamul iyo difaac ba si daljirka walba uu dalkiisa nafta ugu huro, dhanka kale qiimaha iyo quwada ciidannimo waxa mutaxa tababaradda wanaagsan ee la siiyo ciidanka, tababarkaas oo ciidamada ku dhiirrigaliya in ay dhiiggooda si xirfadaysan ugu shubaan ummaddooda iyo waddankooda ba. Qaababka quruxoon ee ciidamada lagu horumariyo waa kuwan hoos ku xusan:

Ku Xirnaanta Rabbi (sw)

   Tiirka ugu horreeya ee lagu gaari karo horumarka ciidamada qaranka qaybahooda kala gedisan waxa weeye ku xirnaanta Alle (sw) oo ah oofinta waajibaadka iyo sunayaasha Eebbe nasahanaa oo koreeye kugu waajib yeellay, hirgalinta waajibaadka Alle sida Salaaddaha, Soonka, Sakada, Sadaqada, Wanaag oo dhan, ka harista Xumaanta oo ah qaadka, sigaarka, khamriga, sinada, xanta, beenta, dilka ruux muslim ah oo aan waxba galabsan, dhaca hantida dadweynaha iyo dawladda. U dhawaansha Rabbi waxa laga dhaxlaa oo laga dheefaa xasilooni, sharaf, maamuus, kalsooni, dhawrsanaan, qurux iyo aaminaad.

Deegaan Degan

   Habka toobboon ee ugu horreeya hirgalin karana horumarka ciidamada waxa ka mid deegaan aad u wanaagsan oo leh xasilooni iyo deganaasho rasmiya, deegaanka degan waxa uu ka qayb-qaata dabeecadaha iyo hab dhaqanka suubban ee daljirka dalkan loo carbinayo. Askari iyo sarkaal walba oo ka tirsan cutubyada kala gedisan ee ciidamada qaranka heer fedaraal iyo heer maamul gobolleedba waxa uu xaq u leeyahay helitaanka deegaan jawigiisu degan oo ah goob waxbarasho si horumarka ciidamadu u noqdo mid tisqaada oo hubaashii lagu nasto lagaga na dheeraado gabood falyda ciidanku geysto alaaba oo sabab u ah goobaha ay kusoo qaatan tababaradda ama deegaanku ah oo aan ahayn goob ku habboon ku noolasho iyo waxbarasho ba. Tusaale xeryaha ciidamadu intooda badan mahan goobo u diyaarsan tababaro, deganaasho, waxbarasho, xafiisyo maamul iyo iwm, taasna dhabtii waxa laga dhaxlay askari iyo sarkaal aan aqoon iyo waayo-aragnimo u lahayn shaqada uu qabanaayo sida uu rabo na u addeegsada awooddaha qaranka heer fedaraal iyo heer maamul gobolleedba.

FG: Dawladdii kacaanka ee dhistay awoodda iyo cududa ciidamada qaranka qaybahooda kala duwan ku fanaan waxa ay deddaal faro badan ku bixin jiray in ciidamadu helaan deegaan leh xasilooni iyo deganaasho rasmiya si askari iyo sarkaal ciidanku u noqdo mid cuddoon oo ay u dhan yihiin dhammaan addeegyadii ciidannimo sida saad, saanad, tababar, waxbarasho, gaaddiid, dhismayaal hooya, beero kala gedisan, dhul hantiya iyo darajooyin ciidan oo leh mudnaantooda. Deddaaladaas waxa laga dhaxlay ciidan aad u habaysan oo leh hannaan iyo haybad ciidannimo oo baaxad leh.    

Tababar Toobboon

   Tababarka wanaagsan ee tayadiisu aad ka u sarrayso waxa laga dheefa awood, masuuliyad, maamul hoggaamineed, maan-furnaan, himilo hankeedu sarreeyo iyo qaab dhismeed jir ahaaneed oo aad u qurxoon. Tabobarka ciidannimo waxa uu bahan yahay macalimiin tababar oo aad u diyaarsan lehna tababar aad u sarreeya dhisi karana ciidamada qaranka qaybahooda kala duwan heer dawlad fedaraal iyo heer dawlad gobolleedba, dhanka kale tababarka waxa loo qaybiya labo qaybood oo kala ah kuwan hoos ku xusan:

Tababarka Garoonku: waa habka koowaad ee ciidanka laga carbiyo si loogu diyaariyo hawlaha qaranka u yaala qabashadooda, waxa ka mid ah tababaradaas sida orodka, beer dhigashada, jimicsiga qaybahooda kala gedisan, dab ridka (shiishka) iyo noocyada difaaca sida weerarka, gabashada, gadaal u gurashada, gufays qaadashada iyo iwm. Tababarka garoonku waa mid leh waqti xadidan oo lagu dhisaalay tirade boqolayda aha ciidamadu na waa ku kala duwan yihiin, tusaale ahaan ciidamada Booliska tababarka garoonka waxa uu noqda 20-30%.

Tababar Maskaxeedka: qaabkani waa nooc labaad ee askariga ama sarkaal lagu dhiso si uu waddankiisa ugu addeeggo si habsami leh, tababarkanu waxa uu daaran yahay in ciidanka loo diyaariyo qaab maskaxaysan oo leh dhiiranaan iyo dhiifoonaan aad u sarraysa oo ah in la baro hab la dhaqanka bulshada, u addeegsiga awoodda ciidan sida toosan, u dhimrinta dadweynaha, hirgalinta shuruucda dalka, xabadu in aysan xal noqo oo aan isna loo addeegsan karin ilaa shuruucda ku fasaxaysa waqtigood yimaadaan iyo ka shaqaynta caddaaladda iyo sinnaanta bulshada iyo ciidanka dhexdooda, docoda kale boqolayda tababarka masakaxeed ee ciidamada qaybtood sida Booliska waxa lagu qiyaasa 70-80% oo ah dhigista duruusta cilmiyeed ee lagu dhigo buug lagu na qaro qalin.

Aqoon Diini iyo Maadi

   Ciidanka waxa horumarkooda bili kara aqoon diiniya iyo mid maadiya in la baro daljirka si uu dalkiisa ugu addeeggo, tabta ugu habboon ee lagu cimaamaday culuumta shareecada iyo duruusta kale ee maadiga ah, waxbarshada ciidamada waxa ay anfacayaa naftooda, dadkooda, dalkooda, iyo deriskooda sababtoo ah kolka askarigu leeyahay aqoon waxa uu buuxin karaa hawlo badan oo qaranku leeyahay heer dawlad fedaraal iyo mid maamul gobolleedba. Askariga ama sarkaalka leh aqoon diiniya iyo maadiya ba waxa uu ka shaqo wanaagsan yahay ciidamada aan intaa lahayn waa haddii uu is wanaagsan u addeegsado nimcada Rabbi ugu deeqay.

Hoggaamiye Suubban

   Hoggaamiyaha wanaagsan ee hoodaarka ah sidoo kale hormuudka u ah huwanta gaashaaman waxa uu ka mid yahay horumaradda ciidanka ee ka gudbin kara marxaladdaha adag ee aadka u qalafsan si dalku u helo ammaan iyo kala damabayn waarta. Hoggaamiyaha suubban ee ciidanka waxa laga rabaa in uu noqdo qof caadila oo ciidamadu u siman yihiin, dhanka kale waxa looga baahan yahay inuu leeyahay gacan furan, guddoon adag iyo gar-qaadid loo siman yahay kuna dhisaalan caddaalad iyo sinaan ciidannimo. Hoggaankaasi waxa uu horseedi karaa horumar iyo dhiirasho ciidan oo lagu dhisay awood iyo waayo-aragnimo guro fog.  

Qalabayan Dhammaystiran

   Horumaradda ciidamadu doonayaan waxa ka mid ah qalabayan dhammaystiran oo dhan ciidan ah sidoo kale qalabka ciidanku loogu qalabaynayo waa inuu noqdaa mid tayadiisu aad u sarayso si askariga ama sarkaalku naftiisa, diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisa ugu difaaco hubaashii qalabka wanaagsani waxa uu ciidanka ku dhiirrigalinayaa gudashada waajibaadkiisa rasmiga ah ee laga rabo dalkuna u ooman yahay.

Addeegyo Isu Dheellitiran

   Helitaanka addeegyo dhammeystiran waxa ay ibo-fur iyo ubad-dhexaad u yihiin in dalku hantiyo geesiyaal qaran oo awood u leh dhawrista iyo ilaalinta dhulkooda hooyo si loo helo ammaan iyo nabad gelyo laysku halayn karo bar-tilmaameedkeeduna yahay askari ama sarkaal dhiifoon ee waddankiisa wadaha u hibeeyey. Addeegyada ciidamadu u baahan yihiin waxa ka mid ah addeeg caafimaad oo dheellitiran, rashiin tayadoodu sarrayso, gaaddiid ciidan oo habaysan, xafiisyo ciidan oo heer aad u sarraya u qalabaysan. Tusaale hirgalinta dhammaan xarumihii caafimaadka ee ciidamada qaranku lahayeen si ciidanku u helaan daaweyn tayadeedu aad u sarrayso loogana maarmo xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, dhanka kale waxa jira ciidamo badan oo aan helin daryeel caafimaad oo sax ah iyo waliba qoysaska askarta iyo saraakiisha ciidanka oo aan helin daryeel caafimaad oo waafiya mararka qaarkoodna waxa dhacda in ay u geeriyoodaan addeeg la’aan caafimaad oo aad u badan kana jirta gobollada dalka oo dhan.

Dalacsiin Darajo

   Horumarka ciidamada waxa qayb buuxda ka ah dalacsiinta askarta iyo saraakiisha ciidamada qaybahooda kala duwan, dalacsiintaasina waa in ay noqotaa mid ku dhisan sifo sharciya oo ku qotonta caddaalad iyo sinnaan darajo, askari iyo sarkaal walba oo loo xirayo garaadaha ciidannimo waa in ay noqotaa waxa uu shaqaystay noqon se waxa uu jeclaaday ama lala jeclaaday sababtoo ahaa arrimahaasi waxa ay burburiyaan haykalkii iyo nidaamkii ciidannimo ee samata bixin lahaa dalkan, dhanka kale caddaalad darrooyinka baahsan waxa ay baabi’iyaan horumar walba oo uu waddan leeyahay ama hibanaayo mustaqbalka dhaw iyo kan dheer.

Dheefsiga Awoodda Ciidamada

   Addeegsiga quwadaha Rabbi dhaxalka uga dhigay ciidamada qaranka qaybahooda kala gedisan sida Booliska, Xoogga dalka, Asluubta iyo Sirdoon heer dawlad fedaraal iyo mid maamul gobolleedba, awooddaha oo loo addeegsanayo sida wanaagsan ee ummadduna dhex u tahay oo leh dheefsi waxsoosaar sida tabaca beeraha, dhismayaasha hantida dawladda oo xeryaha ciidamadu qayb ka yihiin, nadaafadda, ilaalinta deegaanka, wax-ka-qabashada hawlaha danta guud ah, la dagaalanka cadawga gudaha iyo dibadba iyo iwm.

Joojinta Beegsiga Dadweynaha

   Horumarka ciidanka waxa aad uga qayb noqda dadweynaha hase ahaate beegsiga ciidamada ee ku wajahan shacabka qaybahooda kala gedisan waxa laga dheefaa ama laga dhaxlaa wada shaqeyn la’aan iyo colnimo guro dheer oo salka ku haysa beegsiga joogtada ah ee ciidamada ka timaada, askarta iyo saraakiisha waxa loo bahan yahay in ay ilaaliyaan nafta muwaadinka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, horumarka ciidanku hubantidii noqon maayo mid si waafiya u hirgala maxayeellay cashuurta ciidanku bil goosiga (mushahar) u qaatan waxa bixiya shacab Soomaaliyeed, “cashuurtii aad noloshaada ku kabaysay ciddii laga qaadayey haddii aad disho horumarkaaga yaa u maqan”.

   Askari ama sarkaal addeegso maanka Rabbi kugu manaystay si aad u ogaato qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay diin ahaan iyo dhaqan ahaanba muwaadinka aad dilayso, muddooyinka dambe waxa ay ciidamadu caado ka dhigteen qor-goynta waddayaasha ka shaqeeya gaaddiidka dadweynaha sida basaska (bii’elka), bajaajta (dhugdhugley) iyo iwm, sidoo kale gabood faladaas waxa dhibaatooyin kasoo gaaran qaybaha bulshada rayidka ah ee la socda gaaddiidka dadweynaha.

 

GUNAANADKA QORMADDA

   Maqalkanu waxa uu si foollaadnimo iyo faahfaahsanaan ba leh u qaada-dhigaya hannaanada ugu toobboon ee hagi kara horumarka ciidamada Soomaaliyeed heer dawlad fedaraal iyo heer maamul gobolleedba, hanka askariga iyo sarkaal Soomaaliyeed waxa toosin karaa oo tilmaan buuxda qarankan uga dhigi kara waa ka tanaasulka gebi ahaan arrimaha aan u wanaagsanayn sumcada iyo karaamada ciidanku leeyahay.

   Ugu damabayntii maqaalkan waxa aan ku soo gebagebaynayaa talo bixin muhiim u ah horumarka huwanta (ciidanka) gaashaaman oo ah cudud iyo cololka ku dhiirrada ilaalinta dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Ciidamada soomaaliyeed horumarkooda waxa kor u qaadi karaa ka tanaasulka waddada khaldan ee muddoyinkii dambe oo dhan ay ku socdeen sida qabyaalad oo ah aafadii qarankeenni burburisay, qaadka iyo balwadaha kale oo waddanka Soomaaliya ka dhigay bar madoow oo qashan quba oo ku taala khariirada (map) dunida.

   Gunaandkii dhalinyaradda aqoonta, indheer garadnimada iyo waayo-aragnimadba leh waxa aan ku dhiirrigalinayaa in ay qayb buuxda ka noqdaan horumarka ciidamadoodu u baahan yihiin sida taageerida ciidanka, ka mid noqoshada qaybaha ciidanka, waxbarista ciidamada aan aqoonta lahayn, baraarujinta bulshaweynta Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadashada horumarka ciidankooda iyo hirgalinta habab dhiirrigalineed.

   Dhanka kale dhalinyaradda Soomaaliyeed waxa looga baahan yahay hirgalinta nidaamyo taakulo oo ciidanka qaranka qaybahooda kala duwan lagu taageeryo sidoo kale na ku deddaalaan fulintooda qorshayaashaas , taakulada ciidanku waxa ay dhiirrigalin u noqonaysa ciidamada qaranka noocyadooda kala duwan sida Booliska, Xoogga Dalka, Asluubta iyo Sirdoonka heer fedaraal iyo mid maamul gobolleedba. 

Comments

Popular posts from this blog

ODORASKA DOORASHADDA SOOMAALILAND – NATIIJADDA W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

MALA MAAMULI KARAA DUUL GAAJAYSAN!

SOOYAALKA SALADDAHA SOOMAALIDA