Posts

SALLAAMADDA SIYAADEED EE GOBOLKA SANAAG W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

Image
Iba-furka Kooban Gobolka Sanaag waa mid ka mid ah 18 gobol ee Soomaaliya kana kooban shan degmo oo magaalo madaxdu ku jirto oo kala ah Ceerigaabo, Laasqoray, Badhan, Ceel Afweyn iyo Dhahar. Gobolkaas oo leh Bad, Banaan, iyo Buuro oo ku xira afar gobol oo Soomaaliya sida Bari, Sool iyo Togdheer, iyo Waqooyi Galbeed. Gobolka Sanaag waxa uu noqday sida silsiladda Golan, arrintaas oo keentay sheegashada maamul ee nidaamyada Soomaaliland, Puntland iyo Khaatumo oo kusoo biirtay miiska sheegashadda mudo dhawayd. Marxaladahaasi oo horseeday in bulshada deeganadaas masiirkoodu noqdo qaybi oo maamul sidii gumaystihii reer Yurub u kala qaybiyey waddamadii uu gumaystay, saldhigiisuna ahaa in koox ka mid aha bulshada deegaankaas in talada gacanta loo geliyo, ummadda inta kalena loo addeegsado laguna jaa’ifeeyo masiirkooda, dantooduna tahay dano gaara fulintooda.  Soomaaliland iyo 1991-kii Dhisitaankii nidaamka Soomaaliland ee 1991-kii laguna dhisay shirarkii Burco ilaa Boorame oo qorshuhu ahaa ...

DAREEN AMA DAN KU SAAXIIB W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

Image
“Allow Saaxibo Wacaniyo, Qaar Samaha Jeceloo, Na Saluugin Waligood Summadooda Noo Badi”    S aaxiibtinimadu waa dhawr nooc oo kala duwan sida dareen, dan iyo sheeko wadaag, mid walbana waxa ay leedahay micno iyo min-qeexid aad uga faaloonaysa fahamkeeda.  Mancaha ku duugan maqaalkanu waxa udub-dhexaad u ah fasirka iyo fahanka sida muga iyo miisaanka weyn aan ugaga faaloonayo heerark iyo haykaliska ay leedahay saaxiibtinimada ku dhisan dareen ama dan.  Sunnaha aasaasiga ee saaxiibtinimadu waa arrin dhanka suubbanaheenna aad ugu weyneeday (NNKH), oo maamulkiisi gadaashiisa waxa muslimiinta mutay majarahooda saaxiibkii dhabta ahaa ee Rasuulkeenna ((NNKH Abuubakar Al Sadiiq (RC) oo ahaa saaxiibkii rumaad ee xabiibkeenna Muxammad (NNHK). Dhab ahaanshaha saaxiibtinimada rumaad waxa xaalad muhiim u ah nolosha aadaamaha taas si waafiya oo walaf u weeleeysa wadaag dhib iyo dhiif wixii ay mutaan asxaabtaas si aaminay, Alle dartiina u saaxiibay, dareenkooduna noqday la jec...

DOORASHO DADWEYNE IYO DALKEENNA (SOOMAALIYA) W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

Image
  Hordhac    D oorashooyinka Madaxtinimada Soomaalida ka hore xorinimadii lixdankii iyo xornimada gadaasheed ba waxa ay ahayeen labo nooc biloowgii waxa lagu la kumay doorashooyin dadweyne oo lahaa qaab kala gedisnaa, nooca kalena wuxu ahaa doorashooyin dadban oo ilaa hadda jira.   Masraxa hoggaaminta talada dalka waxa ay soo bilaabatay doorashadii 1960-kii lagu doortay madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade), kursigana ku yimi nidaamka doorasho barlamaani ah. Doorashadii ugu horreysay ee Soomaaliya dadweynuhu u dareeraan codeyn waxa ay ka dhacday Koonfurta Soomaaliya, taariikadu markay ahayd Maarso 1959-kii, laguna soo doortay Baarlamankii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed, doorashadaas oo lagu galay hannaanka asxaabta badan, xisbiga Somali Youth League (SYL) waxa uu helay kuraastii ugu badnayd ee doorashada 92% oo ah aqlabiyada golaha, halka kuraasta kalena ay heleen xisbiyada Somali Independent Constitutional Party ( HDM...