DOORASHO DADWEYNE IYO DALKEENNA (SOOMAALIYA) W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

Hordhac D oorashooyinka Madaxtinimada Soomaalida ka hore xorinimadii lixdankii iyo xornimada gadaasheed ba waxa ay ahayeen labo nooc biloowgii waxa lagu la kumay doorashooyin dadweyne oo lahaa qaab kala gedisnaa, nooca kalena wuxu ahaa doorashooyin dadban oo ilaa hadda jira. Masraxa hoggaaminta talada dalka waxa ay soo bilaabatay doorashadii 1960-kii lagu doortay madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade), kursigana ku yimi nidaamka doorasho barlamaani ah. Doorashadii ugu horreysay ee Soomaaliya dadweynuhu u dareeraan codeyn waxa ay ka dhacday Koonfurta Soomaaliya, taariikadu markay ahayd Maarso 1959-kii, laguna soo doortay Baarlamankii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed, doorashadaas oo lagu galay hannaanka asxaabta badan, xisbiga Somali Youth League (SYL) waxa uu helay kuraastii ugu badnayd ee doorashada 92% oo ah aqlabiyada golaha, halka kuraasta kalena ay heleen xisbiyada Somali Independent Constitutional Party ( HDM...