LA-TALIYAHA TOOBBOON EE HAGA HANNAANKA DAWLADNIMO

LA-TALIYAHA TOOBBOON EE HAGA HANNAANKA DAWLADNIMO W/Q: Muscab Cabdijamaal Cismaan (Sole-maan) T aladu waxa ay gundhig u tahay hannaanka maamul iyo maarayn ee dawladnimo, hubantidii taladu waxa ay si guud iyo gaar ah ba u hagtaa shaqooyinka maalinlaha ee dawladnimo. Maamul walba oo ku guulaysta hoggaanka dalkiisa iyo dadkiisa, xaqiiqdii waxaa garbo u ah la-talliyaal ay tayada talo-siinnimo tahay mid aad u saraysa. Waa na arrin dhab ah in talada toobbooni ay udub-dhexaad u tahay guullaha dhabta ee muujiya qurruxda, qiimaha, qaayaha dawladnimo ee uu qaran gaadho. Alle (sw) waxa uu aad iyo aad u boogaadiyey gobanimada ay leedahay talada oo la wadaago, Rabbina waxa uu yiri: “Ka tashada amuuraha dhexdiina ah”. Suugaanta qoomiyadda Soomaalidu waxa ay talada k...