DANAYSTA WAA DEGDEGTEENE W/Q: MUSCAB CABDI CISMAN

DANAYSTA WAA DEGDEGTEENE HORDHAC Dagaalka lagu qaaday Iiraan waa wareer qorshihiisa si wadajira uga mideysanaayeen dawladdaha Israa’iil, Maraykanka iyo xulufadooda reer Galbeedka. Bilaabista dagaalka waxa lahaa qorshahiisa Yuhuuda oo degan Bariga Dhexe loona doonayo awoodda gacan ku hayneed ee Bariga Dhexe, dagaalka Yuhuudu waxa uu lahaa qaybo badan oo u badan gantaalo si toosa u lahaa bartilmaameed, waanna ganataaladii lagu dilay hoggaminyaal badan oo Muslima, saraakiil sarsare, saynisyahano iyo siyaasiyiin Iiraan u dhashay iyo kuwa carab oo xulufo la ahaa Iiraan. Weerarada ugu waa weynaa waxa lagu dilay madaxdan hoose iyo kuwa kale ba. 1- Shirqoolkii lagu dilay Madaxweynihii Iiraan Ibraahim Ra’iis ee 19-May 2024. 2- Dilkii Ismaaciil Haniya (Hoggaamiyihii Xamaas) iyo Fu’aad Shukri (Xisbullah) 31- July 2024 3- Dilkii Hassan Nasrullah (Hogaamiyasha Xisbullaha) 27- Sep 2024 4- Dilkii Yahya Sinwa...