SALLAAMADDA SIYAADEED EE GOBOLKA SANAAG W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

Iba-furka Kooban Gobolka Sanaag waa mid ka mid ah 18 gobol ee Soomaaliya kana kooban shan degmo oo magaalo madaxdu ku jirto oo kala ah Ceerigaabo, Laasqoray, Badhan, Ceel Afweyn iyo Dhahar. Gobolkaas oo leh Bad, Banaan, iyo Buuro oo ku xira afar gobol oo Soomaaliya sida Bari, Sool iyo Togdheer, iyo Waqooyi Galbeed. Gobolka Sanaag waxa uu noqday sida silsiladda Golan, arrintaas oo keentay sheegashada maamul ee nidaamyada Soomaaliland, Puntland iyo Khaatumo oo kusoo biirtay miiska sheegashadda mudo dhawayd. Marxaladahaasi oo horseeday in bulshada deeganadaas masiirkoodu noqdo qaybi oo maamul sidii gumaystihii reer Yurub u kala qaybiyey waddamadii uu gumaystay, saldhigiisuna ahaa in koox ka mid aha bulshada deegaankaas in talada gacanta loo geliyo, ummadda inta kalena loo addeegsado laguna jaa’ifeeyo masiirkooda, dantooduna tahay dano gaara fulintooda. Soomaaliland iyo 1991-kii Dhisitaankii nidaamka Soomaaliland ee 1991-kii laguna dhisay shirarkii Burco ilaa Boorame oo qorshuhu ahaa ...