Posts

Showing posts from December, 2024

DAREEN AMA DAN KU SAAXIIB W/Q MUSCAB CABDI CISMAAN

Image
“Allow Saaxibo Wacaniyo, Qaar Samaha Jeceloo, Na Saluugin Waligood Summadooda Noo Badi”    S aaxiibtinimadu waa dhawr nooc oo kala duwan sida dareen, dan iyo sheeko wadaag, mid walbana waxa ay leedahay micno iyo min-qeexid aad uga faaloonaysa fahamkeeda.  Mancaha ku duugan maqaalkanu waxa udub-dhexaad u ah fasirka iyo fahanka sida muga iyo miisaanka weyn aan ugaga faaloonayo heerark iyo haykaliska ay leedahay saaxiibtinimada ku dhisan dareen ama dan.  Sunnaha aasaasiga ee saaxiibtinimadu waa arrin dhanka suubbanaheenna aad ugu weyneeday (NNKH), oo maamulkiisi gadaashiisa waxa muslimiinta mutay majarahooda saaxiibkii dhabta ahaa ee Rasuulkeenna ((NNKH Abuubakar Al Sadiiq (RC) oo ahaa saaxiibkii rumaad ee xabiibkeenna Muxammad (NNHK). Dhab ahaanshaha saaxiibtinimada rumaad waxa xaalad muhiim u ah nolosha aadaamaha taas si waafiya oo walaf u weeleeysa wadaag dhib iyo dhiif wixii ay mutaan asxaabtaas si aaminay, Alle dartiina u saaxiibay, dareenkooduna noqday la jec...