Posts

Showing posts from September, 2024

MALA MAAMULI KARAA DUUL GAAJAYSAN!

Image
       W/Q Muscab Cabdi Cismaan    A adamaha dunidu waxa uu adkaysi u leeyahay duruufaha qalafsan ee soo food-saara, kuwaaso kala ah Rabbaani iyo aadame yagleele sida dagaaladda, isbadelka cimiladda, daadka iyo fatahaddaha, burburka ganacsiyadda, xanuunadda ku dhaca dadka, beeraha, xoolaha, iyo kalluunka. Inta badan duruufaha qalafsan ee soo wajaha bulshooyinka Islaamka gaar ahaan kuwa Rabbaniga ah, dadka Soomaalidu waa duul is waafiya oo walaf ah ugu qanca xaalad walba oo xaga Alle uga timaada. Hase ahaate Soomaalidu waa ku adagtahay u dul-yeelashada duruufaha aaddamuhu yagleelo gaar ahaan kuwa madaxdu talada haya sameeyaan sida gaajaysiinta. Soomaalida inta lagu jiro barwaaqada waa dulqaad badan yihiin oo dulkoodu waxa uu gaarsiisan yahay in dhib walba oo siyaasiya u dulqaataan, dhanka kalese waa adagtahay u dulqaadashada duruufaha dhaqan-dhaqaale ee si toos ah u abaaraya hab nololeedkooda. Nidaamayda aan Soomaalida dhexdeeda muddoyin faro badan ka hana-q...