SOOYAALKA SALADDAHA SOOMAALIDA

SOOYAALKA SALADDAHA SOOMAALIDA QALINKA: MUSCAB CABDI CISMAAN M aqaalkan waxa uu si xidaarnimo iyo xeel-dheeri leh uga faaloonayaa hannaanka ay ku dhismeen maamuladda dalka ka jira, oo tiradoodu kor u dhaafayso ilaa lix maamul gobolleed, qaybtoodna isu arkaan dawladdo ka madax-banaan nidaamka fadaraalka iyo guud ahaan talada kala lagu maamulo, una dhaqma sidii dalal madax banaan. Dhiganahan waxa dhextaal u ah suuggaan kala duwan oo saafaysa waayaha, wakhtiga iyo marinadda lasoo maray oo weli la meerayo. Maansooyinkaas oo aan ku sidkay tuducyaha qoraalkan waxa horey u tiriyey abwaanadda kala ah Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) AUN iyo Maansadiisii Ergo ammintu kolkay ahayd 1992-kii iyo Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) AUN maansadii Mullaax iyo silsiladdii Siinleey oo curtay 1972 ilaa 1973-kiina socotay. Suuggaantaas oo intooda badani ahayd 30-kii sano ee ugu dambayey qarnigii 20 aad . Halka maansadda Mayn oo uu horey tiriyey Abwaan Salaan Maxamu...