Posts

Showing posts from June, 2024

LA DAREEN NOQO DADKAAGA

Image
  LA DAREEN NOQO DADKAAGA W/Q: Muscab Cabdi Cismaan              “ Nin Haddii Masuul Laga Dhigoo Mudane Loo Doorto                 Madal La Isu Soo Baxay Haddii Maalin Lagu Dhaarsho                 Magacii Illaah Iyo Kitaab Midigta Loo Saaro                 Macbuudkiyo Mushtamicii Dadkiyo Malagyadii Eebbe                 Munaasabaddii Lagu Dhaariyey Bey Marag Furayaane” Abwaan Jaamac Kediyo (AHN)      Q ormadani waxa ay si foolaadnimo ah uga faalooyansaa masuuliyadaha iyo mansabyada kala jaadka ah ee loo igmado madaxda kala gedisan ee dunida islaamka, kuwaaso oo xilaalka ku yimaada hannaan doorasho ama magacaabid. Madaxu waa xubinta ugu saraysa xubnaha jirka aadamaha, waana saldhiga uu ku yaalo maanka oo halka ay kasoo arooran dhammaan amarada lagu ...