HODONTINIMADA AFKEENNA HOOYO IYO SIDAYNU UGA ILDUUFAYNO ADEEGSIGIISA

HODONTINIMADA AFKEENNA HOOYO IYO SIDAYNU UGA ILDUUFAYNO ADEEGSIGIISA ■◇■ W/Q: Muscab Cabdijamal Cismaan ■◇■ U mmadda Soomaaliyeed waa bulsho ku dhaqan dhul weynaha Afrika gaar ahaan Geeska Afrika. Ummaddaasi waxa ay ood-wagaayihiin dadyow kala duwan sida Oromada, Canfarta, Amxaarada, Riindiilaha, Gambeelaha, Jalwada, Masaayda iyo Qoomiyado kale oo aad u badan. Kuwaas oo dhammantood Eebbe ku kala beeray dalalka Itoobiya, Kiinya iyo Jabuuti. Soomaalida waxa Eebbe ku galladday diin, dhaqan iyo af uu ku suntan yahay ilbaxnimo guun ah. Si gaar ah afka Soomaaligu oo ah af aad u facweyn waa luuqade, soo na jiray guyaal aad u fara badan. Kaadiiriinta, aqoonyahannada ku xeel-dheer aqoonta afka ee loo yaqaan af-aqoollada, waxa ay ku tilmaaman in afka Soomaalidu yahay afkii ay ka soo unkameen afafka kale ee aadamaha. Sida oo kale hiddo-baarayaasha ku talax-tagay aqoonta barashada aadamaha waxa ay sheegeen in Soomaalidu tahay asalka aadamaha ee laga soo farcamay. Haddaba,...