Posts

Showing posts from May, 2021

ADDEEGSIGA AAN HABBOONAYN EE EREYGA MUCAARADNIMO W/Q: Muscab Cabdijamaal Cismaan

  ADDEEGSIGA AAN HABBOONAYN EE EREYGA MUCAARADNIMO W/Q: Muscab Cabdijamaal Cismaan    I sticmaalka ereyada aan ku wanaagsanayn addeegsigooda bulshada dhexdooda iyo dhaxalka rasmiga ah ee laga dheefo si guud iyo si gaar ah waxa ka mid ah horay u socosh la’aan baahsan, addeegsiga ereyada aan ku wacnayn ummadda qayabaheeda kala duwan waxa ay horseed u noqdaan hab-u-fakarid gurcan oo dib u dhac aad u ballaaran ku ah shacabka iyo dalka ba, badbaadinta guud ee dalka waxa qayb aad u weyn ka ah ereyada wanaagsan ee ummaddu addeegsato si waddanka horumarkiisa iyo nabad gelyadiisa u tisqaado.    Ereyga mucaarad waa kelmad carabiya oo ah caarida macno ahaana ah bayrid (mukhaalafo), diidmo (manci) danta guud iyo tan gaarka ah oo ay ku dhan tahay xilkasnimo la’aan weyn, dhanka kale waa erey aad u xun oo ku dhisan diidmo qayaxan oo bulshadu ka dhaxasho waxqabad la’aan iyo is-qabqabsi joogto ah, xaqiiqdii ereyganu waxa uu samayn buuxda ku yeesha hab-dhaqanka siyaasadeed,...