Posts

Showing posts from September, 2020

HODONTINIMADA SANAAG IYO U DHUGMO LA’AANTA DADKEEDA

          n      Gobolka Sanaag waa gobol oo ka mid siddeed iyo tobonka gobol ee Soomaaliya, gobolkaasi waxa uu juquraafi ahaan dhacaa Waqooyi Bari Soomaaliya. Dhanka kale gobolka Sanagaa waxa uu ka kooban yahay degmooyinka kala ah: 1. Degmadda Ceerigaabo oo ah maagaalo madaxda gobolka Sanaag 2. Degmadda Ceel Afweyn 3. Degmadda Badhan 4. Degmadda Laas qoray 5. Degmadda Dhahar    Gobolka Sanaag waa gobolka labaad ee ugu weyn gobollada Soomaaliya keliya waxa ka baaxad weyn gobolka Bari, gobolkani waxa uu xuduud dhuleed la wadaaga gobolada Bari, Nugaal, Sool iyo Togdheer, dhanka xeebta waxa uu xuduud baddeed la yahay gobolka Waqooyi Galbeed  waxa ay xuduud la wadaagaan gobollada Bari, Nugaal, Togdheer, Waqooyi Galbeed oo xuduud baddeed ah.    Gobolka Sanaag waa gobol taariikh aad u guro dheer ku leh sooyaalka soo-tiillada Soomaalida haddii ay tahay dhaqan, xadaarad, xidaarnimo, siyaasad, gobonimo u dirir ama gumaysi...